Somaliland iyo Ina Cabdulle Xasan, Laba Kala Garasho Badan.
Soomaalilaan iyo Ina Cabdulle Xasan, laba kala garasho badan.
Taariikhdu waa buug uu marba baal is rogo. Waxana diwaanka laga helayaa dhacdo maanta taagan oo tu la mida hore loo arkay.
Ina Cabdulle Xasan horraantii qarnigi labataanad ayuu ka soo degay Berbera, wax yar markuu joogayna wuxu u taallaabay sida iyo Togdheer isaga oo halkaas ka asaasay ururkii Daraawish la baxay.
Fagtii hore wadaadku wuxu u dhaqmaayey sidii ay u dhaqmi jireen Culimadi waagaas carrada lagu ogaa oo ahayd in ubadka wax loo dhigo, Mawliidka la xuso isla markaana lays wacdiyo.
Hayeeshe marku muddo kooban joogay, wuxu la soo baxay ged taa ka duwan oo ahayd in uu maamuulo beeshii Dhulbahante ee dhulkeeda awga ka noqday. Isaga oo qaar dil ku xukumay, qaar duub u xidhay qaarna dayro ka dhigay.
Ina Cabdulle Xasan hortii lama arag lamana wadaad wax maamuulaya ama col dumaya. Taa darteed markiiba waxa ooshii Dhulbahante galay guux iyo wayrax ay ka qaadeen siduu wadaadku wax u wado.
Labeentii reerka oo hormuud uu ahaa Garaadkii waagaas ee Garaad Cali Garaad Maxamuud ayaa bilaabay in si toosa uga hor yimaaddaan wadaadkan ooshii ka dhex toosay
Ina Cabdulle Xasan markuu arkay in lagu kacay, wuxu ergo dirsaday Garaad Cali isaga oo ka codsaday bal in uu arrinka dejiyo.
Hayeeshe jawaabtii Garaadku waxay noqotay " Wadaadow, Gaalo dhulkayga ma joogto, reerahay soo dhowaysteyna kuma jirno, wax aannu ula dagaallanona nooma muuqato taa darteed, reerki anay taladooda ii dhiibteen iguna raacsan yihiin. Adigana waxa kula gudboon in aad faraha ka qaado arrimaha reerka oo aad ku koobnaato dhigista diinta iyo wacdiga"
Hadalka aadka u adag markii Ina Cabdull Xasan loo keenay, kamuu raja dhigin in uu arrinka dejiyo taa darteedna wuxu mar labaad ergo u diray Garaadkii iyo colkii gadoodka wadey. Isaga oo Garaadka ka markan ka codsaday in uu bal keligiis u yimaaddo oo ka soo hadho raga kale ee talo qabeenka ah.
Balse mar labaad Garaad Cali wuxu gaashaanka u daruuray warkii wadaadka ka yimi wuxuna ugu hal celiyey " Anigu keligay intaan kuu imaado tolkay iyo ragga talada ila leh ka fiqi maayo"
Ina Cabdulle Xasan markuu arkay in Garaadku uu istaagay meel adag, wuxu talo ku gooyey in isaga iyo inta la socotaba la dilo oo gawrac loogu jiido.
Sidii baana dhacday waxana la dilay Garaad Cali Garaad Maxamuud oo ahaa baarkii ugu sarreeyey beesha Dhulbahante.
Ina Cabdulle xasan markii uu Garaadka dilayey wuxu malasanayey in uu iska hor leexiyey qodax caqabad ku ahayd. Laakinse mar keliya ayay beeshii isla oogsatay. Oo ma dad Garaadkoodii lagu hor bireeyey baa haddaa sii fadhiyaya?
Wadaadku markii uu arkay in uu Dhulbahante ku kacay oo isaga dil lala doon doonayo. Wuxu gaadhey go'aan uu naftiisa ku baadinayo. Wuxuna guud ahaanba ka cararay Cayn iyo Togdheer isaga oo afka saaray sida iyo Qorrexeey oo uu tolkiis ku dhaqnaa.
Hayeeshe Ogaadeen iyo wadaadku iskumay raagin, taa darteedna wuxu kol labaad ku soo noqday Nugaal iyo Carra Dhulbahante.
Markan Ina Cabdulle Xasan wuxu si gaara dhabarka u saaray abtiyaashiisi reer Cali Geri. Wuxuna halkii ka sameeyey ciidan iyo col kale oo xoog weyn.
Bahalse ceedhin ma daaye wuxu Ina Cabdulle Xasan uu bilaabay in uu iska hor keeno reerihiu Dhulbahante oo gamasyo isugu dhiibo. Taa wuxu ga dan lahaa in isaga laga mashquulo. Kii uu in yar oo santaaga ka dareemoba wuu dilay, kii ka goosta col buu ka daba diray, waxana caan waagaas noqotay wuu xujoobay oo ahayd wuu galoobay.
Waxay arrini soo socotoba waxgaradkii Dhulbahante ee Taleex joogay waxay markii dambe talo ku gaadheen in wadaadkan dadki madhiyey layska kiciyo. Iyada oo ku heshiiyey in gebigiisaba dil loo qoolo.
Nin af nugul oo talo laysla qaatay kashifa lama waayee waxa Ina Cabdulle Xasan loo sheegay in Geed Canjeela loogu tashaday oo Dhulbahante talo guddoonsaday.
Waa geddii lagu yiqiin wuxu Wadaadku amar ku bixiyey in la laayo intii taladaa gaadhey iyo intii xataa la ogayd.
Waxana kol labaad la gumaaday wax garaadkii Nugaal iyo Docmo indhaha u ahaa.
Intii dilkaas ka badbaaday waxay u carareen Berbera iyaga oo ku soo habeen dhaxay degmada Sheekh.
Sheekh waxa wagaas joogay gabyagii la odhan jiray Cali Jaamac Haabiil oo ay col ahaayeen wadaadkii Taleex fadhiyey. Cali wuxu gabay tiiq tiiqsi iyo digashoba leh u tiriyey dadkii Ina Cabdulle Xasan ka soo cararay isaga ee markii horena taageeraha u ahaa. Waxana ka mid ahaa gabaygiisi.
Wuxu yidhi Cali Jaamac Haabiil;
Tafan toofe nimankii Nugaal teysa kulahaye
Arasame ma tooxsado fardaha, takhantakhood
Maxamuud Garaad turunturruu, weli la tiicaaye
Barkadkii tumaadida caddaa, tuhunki waa beene
Teed laguma oga Bahararsamii, turuqa weyntiiye
Garaadka ay tumaaluhu dileen, taawishaa qabane.
Tolkood nimanka iibsadey Ilaah, tacabki waa siinne
Tawstuna Cali Geri bay ku hadhi, taniyo xaataaye.
Talaatiinka Ramadaan ninkii, idin takliifaayey
Toobadda iyo Ash-haadada ninkii, idin taraarsiiyey
Hadduu Teerigii idinla helay, nalagu taamaayey
Tunka ka leefa dhiigiyo ilmada, idinka tiixaysa
Kuna toogga baxa waa janada, talalaxdeediye!
Ina Cabdulle Xasan markii uu dil wadareedkaa sameeyay waxa ku dhacay gadood wadareed, waxana uu iskaga cararay Nugaal isaga oo magan gelyo waydiistay Muuse Ismaaciilkii degnaa Buuraha Ceerigaabo oo kulahaa.
Tuurwaayow toban hal oo
Ta'da looxa ku taal baan
La tawaawacayaaye
Tol maad ii noqotan
Shisheeyaan ku talmaame
Xaggeen Awrta tubaa?
Waakiina habeen ka geediyey Taleex ee degay Daalo, Miridhsho, Ceeldheer iyo Ciise Ceeleeye ahayd halkii ay Dayuuraduhu ku duqeeyeen 1919 kii.
Sida Sooyaalka ku cad, Daraawishi may jabin maalintii Diyaaraha lagu weeraray, waxayse jabtay maalintii uu wadaadku Dhulbahante gumaada ula tegay.
Abwaan Ismaaciil Mire markuu taa ka sheekanayey waa kii lahaa
Kaakici wadaadkii dagaal laguna kaalmeeyey
Kuman lag iyo wada duubcad buu keenay Beedhiga e
Waxase kadabkii go'ay maalintuu kadiyey reet Kheyr.
Kol kale Abwaankii reer Buuhoodle ee Aadan Carab oo ka sheekanayey in Dhulbahante eedeen wadaad ay gosha soo gashadeen ka dibna iyagii gumaaday waa kii isaguna lahaa
In uu wadaad digriya uu kol hore duub cad nagu jookhay
Uu nagu darraafaday jannaa dagane ii raaca
Oo aan Daraawish ahayn Diinta lagu xeelay
Asuu nagu dambaabidhay markuu derjo weyn gaadhey
Waa waxan la dabanteebayaa dakharadeediye
Waa waxay dalkayga u arkaan tobanka duullaane!.
Gunaanadka iyo biyo dhaca qoraalka waxan uga socdaa, sooyaalka waxa ku xardhan ay Beesha Dhulbahante tahay keena diid wixii ay ka hor timaaddo aan lagu sii jujuubi karin. Sidaynu aragnayna laba jeer oo Ina Cabdulle Xasan ay ku keceen labadaba waxay talo ku dhammaatay in uu dhulkooda uga boxo.
100 dheerad sano ka dib, maanta Laascaanood waxa ka socda wax u eeg wixii ay Daraawishi dhulkaas ka samayn jirtay. Hayeeshe caqliyadda labada qolo waxaad mooddaa in uu farqi u dhexeeye. Haddii uu Ina Cabdulle Xasan marka lagu koco uu kabihiisa illan jiray waxaad moodda in ay Soomaaalilaan wadaadka kun jeer ka garasho hoosayso isla markaana aanay sooyaalka eegin.
Dhulbahante haddii ay kibir iyo haldoorkooda oo la laayo cid uga dul qaadanayaan waxay uga dul qaadan lahaayeen wiilkii ay gabadhoodii Carro Seed Magan dhashay ee Ina Cabdulle Xasan. Waabase Soonaalilaan oo markii horeba meesha juujuub ku joogtay.
Soomaalilaan ha garato intuu Ina Cabdulle Xasan gartay oo dadkaa dhulkooda hawga baxdo.
Wadeeca allah.
Bahda Mareegta Maqaalmaal

Comments
Post a Comment