Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

 Maalmihii Sayidka Barakaysan la xidhay ayaa "screenshots" badan inta wajahaddayda laga urursaday baa hooyaday loo geeyey oo la yidhi naga qabo ruuxan aad dhashay ee meel walba naga soo shiidaya. Dulqaad yarida waan ku ogaa, waxa se aan dareensiinayey (waaba haddii ay dareen leeyihiine) hadalka ay Sayidka Barakaysan ku xidheen boqol jeer si ka daran in dadku u odhan karaa, sidaa darteed aanay u baahnayn in ay sidii Siyaad Barre ummadda isku soo wada jeediyaan oo aanay hal-abuurka curyaamin. Markaa aan Sayidka Barakaysan arrintiisa ku dheggen ahay, waxaa isna sharci doofaar iyo afduub u xidhnaa Coldoon oo aannu hayb wadaagno. Kor iyo hoosba dad aannu tol nahay iyo asxaab kaleba way igu maageen maxaad Coldoonna sidaas oo kale ugu hadli wayday. Gar bay ahayd kama se jawaabin. 

Intii aan dacwad loo la tagin hooyo, iyada qudheeda ayaa culays la saaray oo xafiisyo dawladda ah oo ay arrimo uga baahnayd cadaadis iyo camaalaq laga saaray. Waa dhaqan garacnimo ah oo reer Kulmiye ku caano iyo nabad maaleen, in qofkii ay xadhig la gaadhi waayaan raadiyaan meel jilicsan oo kale oo ay qabtaan. Waa dhaqan ay ka soo minguuriyeen Cabdi-Ileygii daaquudka ahaa ee Ilaahay reer Jigjiga ka xoreeyey. Kililka Soomaalida Itoobiya, waagaa uu joogay kaligii taliyuhu, qofkii dibadda ku maqan ee Cabdi-Iley iyo bahalnimadiisa wax ka sheega, waxa laga jari jiray walaalkii, waalidkii ama ina adeerkii oo gudaha Itoobiya ku sugan. 

Hooyadu mar walba iyada ayaa saxan. Iyada oo kacsan kolkii ay i soo gashay "amarkaaga ayaa jira maamo" baan uga soo koobay laakiin muddo kaddib buu xaalkayagu caadi noqday. 

Waxaasi waxa ay dhacayeen aniga oo aaminsan in aad wax u xeeriyey oo in badan ka gaabsaday wax muuqday iyo wax aan hoos u ogaaba. Waxaa aan aamusnaa aniga oo ogaa nin reer Jigjiga-Yar ahaa oo kaariyoon liin macaanta suuqa ku iibin jiray wixii ku dhacay. Waxa uu macmiil u ahaa beerta madaxweynaha oo uu ka soo iibsan jiray liinta jumlad ahaan, dabadeed qolo kale ayuu uga wareegay waayo liintii madaxweynaha ayaa bilaa biyo iyo qaali ku noqotay. Waa la xidhay ninkaas wuxuuna saldhigga Koodbuur laba cisho ugu jiray, sidee baad liinta madaxweynaha liin kale uga doorataa! 

Waxa aan aamusnaa aniga oo og, in Muuse Biixi 2017 uu Hargaysa ku lahaa soddon guri oo kiraysan. Sannadkan bishiisii labaad guryaha madaxweynuhu Hargaysa ku leeyahay waxa ay sii socdeen 56 guri. 

Labadaa xogood ee qadhiidhka ah iyo daraasiin kale oo aanan hadda kaddib qarin doonin Ilaahaw haddii aan been ka sheegay yaanan jannadaada urin. 

Waxa aan dhexdhexaad ka ahaa arrimaha siyaasadda iyada oo tolkay mucaarid yahay, aniga raggii ila mustawaha ahaa (oo qorayaal ku jiraan) ay si badheedh ah adeerradood, siiba Muuse, u la safteen. Anigu goormaan noqday garac tumaal dhalay? 

Waxa aan afkayga haystay, iyada oo mucaaridku igu tirinayaan muxaafidnimo iyo Heego niqaaman, muxaafidkuna kor iyo hoosba ii lahaayeen fiqi tolkii kama janno tagee waannu og nahay in aad adeerkaa Cirro hoosta kala socoto, oo aan haddana tuhunnkaa beenta ahi i ficil galin. Naag baa laga hayey 'mana wasni warna i raac'.

Taa cagsigeega, dhallinyarada mucaaridka ah ayaan afka kaga taagnaa. Waxa aan kor iyo hoosba uga waaninayey in ay dagaalka iyo mucaaridada ku koobaan shaqsiyaadka iyo kooxaha ay isku hayaan siyaasadda. In ay nabadgaliyaan beelaha oo deegaannada uu Muuse ka soo jeedaa ammaan ka helaan. Tolow miyaan cabanayaa mise xaqiiqooyin maraggooda leh baan xasuusinayaa ciddii illawsha dhaw?! Iminkana waan leeyahay Garxajisow ha idinka nabadgalaan Habar Awal guud ahaan iyo gaar ahaan abtiyaalladay Sacad Muuse. 

Maalintaa hooyo la iga soo dacweeyey, aniga oo taagga nin weyn oo haddii isaga loo soo cawdo ama lala garnaqsado daw bixi kara isu arkayey, haddana in ay sidaa ku dhammaatay anna aanan hooyaday ka hor iman baan u arkaayey. Nasiib wanaag, Sayidka Barakaysan maalin kaddib dacwaddaa hooyo iiga timi, waa la soo daayey. 

Laakiin usbuucan oo aan reer Kulmiye qaladaadkoodii siyaasiga iyo taariikhda ahaa saddex afar goor wax ka soo qoray, waa kan suldaankii jufadayda oo isna la iga soo dacweeyey. Laye; hubka dhig aan kuu duceeyee. Dhawr mar oo hore ayuu suldaanku igu yidhi abtigaa faraha ka qaad. Faraha ka qaadda uu leeyahay, wax Muuse uun ku kooban maan samayne, waa dacaayidihii iyo kaftankii aan saddexda ninba sida googooska ah hadba mid taageerayaashiisa ugaga jiidhayey. Maalin reer Waddani iyo reer UCID ergo iima soo dirin suldaan iyo waalidna iga ma soo dacwayn. Siyaasadda la yidhi saaxiibtinimo ma leh inkasta oo aanan garanayn goorta ay waalidnimo yeelatay, haddana suldaanka qudhiisa waayahay suldaan baan idhi. Dheganugaylku waa waxa iigu wacan aniga oo Yurub jooga in xorriyaddayda Hargaysa laga hago. 

Kalitalisnimadu Kulmiye lafta ayey kaga jirtaa waayo ardaydii Siyaad Barre ayaa ka buuxda. Xisbiyada mucaaridka ah midkoodna xubin kama ahayn, xil kama hayn, iminkana qaadhaanbixiya kama ihi wax kaleba ha dambeeyaane. Soomaalilaannimada guud baan ku qanacsanaa in aan iska heehaabo, laakiin hadda kaddib waynnu qasaynaynaa ee jidhka is galiya reer Kulmiyow saaxiibbayaal. Booskii ay Nabad iyo Nololi bannaysay Alla magane cid lagu buuxiyo wuu u baahnaa!

Khadar Cabdilaahi






Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Baaqa Ugaaska Beelaha Arab - Ugaas Axmed Maxamed Siciid.

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.