Posts

Maqaalmaal Media

Somaliland iyo Ina Cabdulle Xasan, Laba Kala Garasho Badan.

Image
  Soomaalilaan iyo Ina Cabdulle Xasan, laba kala garasho badan. Taariikhdu waa buug uu marba baal is rogo. Waxana diwaanka laga helayaa dhacdo maanta taagan oo tu la mida hore loo arkay. Ina Cabdulle Xasan horraantii qarnigi labataanad ayuu ka soo degay Berbera, wax yar markuu joogayna wuxu u taallaabay sida iyo Togdheer isaga oo halkaas ka asaasay ururkii Daraawish la baxay. Fagtii hore wadaadku wuxu u dhaqmaayey sidii ay u dhaqmi jireen Culimadi waagaas carrada lagu ogaa oo ahayd in ubadka wax loo dhigo, Mawliidka la xuso isla markaana lays wacdiyo. Hayeeshe marku muddo kooban joogay, wuxu la soo baxay ged taa ka duwan oo ahayd in uu maamuulo beeshii  Dhulbahante ee dhulkeeda awga ka noqday. Isaga oo qaar dil ku xukumay, qaar duub u xidhay qaarna dayro ka dhigay. Ina Cabdulle Xasan hortii lama arag lamana wadaad wax maamuulaya ama col dumaya. Taa darteed markiiba waxa ooshii Dhulbahante galay guux iyo wayrax ay ka qaadeen siduu wadaadku wax u wado. Labeentii reerka oo hormuu...

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

Image
  War-Murtiyeedka kasoo baxay Shirkii ka socday magaalada Laascaanood oo ka koobnaa 13 qodob halkaan hoose ka akhriso, isaga oo Af Soomaali ah oo laguu turjumay:- Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Og: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Labada Aqal) Og: Xubnaha Golaha Ammaanka Og: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Og: Guddoomiyaha Midowga Afrika Og: Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Og: Dawladaha xubnaha ka ah IGAD CC: Dhammaan ergada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya BAAQ LAASCAANOOD 5 Febraayo 2023. Shacabka Soomaaliyeed iyo inta badan Beesha Caalamka ayaa ka warqabta in 15-kii sano ee u dambeeyay ay deegaanada SSC-Khaatumo kala kulmeen dhibaatooyin badan oo ay sababeen in ay si sharci darro ah ku joogaan maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland. Dhibaatooyinkaasi waxa ka dhashay kacdoonkii loo yaqaanay “Kacdoonka Buluuga ah” kaas oo shacabka ku dhaqan goboladaasi ay u istaageen inay ka soo horjeestaan gooni-isu-taagga Somaliland, iyagoo si hagar la’aan ah u ...

Nabada iyo Colaada.

Image
 WAAR TOLOW COLKA JOOJI Dadkani iyo Dalkani midna ma gayo colaad iyo dagaal. - Hadaad ka garwdo qalad gobbay caadadeeda tahay. - Allaw garansii Nin moog. Maanta waa maalin adag oo murugo iyo meeqaam xumo xambaarsan loona baahnaa:- a) Dad midaysan  b) Caqli midaysan  c) Cudud midaysan d) Niyo midaysan  e) Tallo midaysan f)  Dastuur/Sharci loo hogaansamo.  Nabaddii Dalkani kusoo caano maalay waxa maanta bedelay :- Colaad Dad wada dhashay oon meela kala tagi doonin , loona baahnayn in loo guntado. Taas oo  sababta keentay ahayd:- a) Siyaasad xumo b) Dhafoor taabasho c) Buuq ,car iyo wir  d) Is muquunin. e) iyo is maqal la’aan. CODSI Dhamaan Dadkayga waxaan si waayeelnimo indiinku kuboorinayaa in sida ugu dhakhsaha badan xabadda loo joojiyo labada dhinacba, kadib caqli fayoow lagu dhameeyo dhibta dhacday iyo wixii ka dambeeya. 1- Madaxdhaqameedka Reer SL. Halaga kaco oo Dadkeena isku dhintay aynu daba qabateeno, waana waajib ina saaran,Aakhirana lays ...

Baaqa Ugaaska Beelaha Arab - Ugaas Axmed Maxamed Siciid.

Image
Baaq :-  Ugaaska Beelaha Arab Ugaas Ahmed Mohomed Saeed WAAR TOLOW COLKA JOOJI Dadani iyo Dalkani midna ma gayo colaad iyo dagaal. - Hadaad ka garwdo qalad gobbay caadadeeda tahay. - Allaw garansii Nin moog. Maanta waa maalin adag oo murugo iyo meeqaam xumo xambaarsan loona baahnaa:- a) Dad midaysan b) Caqli midaysan c) Cudud midaysan d) Niyo midaysan e) Tallo midaysan f) Dastuur/Sharci loo hogaansamo. Nabaddii Dalkani kusoo caano maalay waxa maanta bedelay :- Colaad Dad wada dhashay oon meela kala tagi doonin , loona baahnayn in loo guntado. Taas oo sababta keentay ahayd:- a) Siyaasad xumo b) Dhafoor taabasho c) Buuq ,car iyo wir d) Is muquunin. e) iyo is maqal la’aan. CODSI Dhamaan Dadkayga waxaan si waayeelnimo indiinku kuboorinayaa in sida ugu dhakhsaha badan xabadda loo joojiyo labada dhinacba, kadib caqli fayoow lagu dhameeyo dhibta dhacday iyo wixii ka dambeeya. 1- Madaxdhaqameedka Reer SL. Halaga kaco oo Dadkeena isku dhintay aynu daba qabateeno, waana waajib ina saaran,...

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Image
 Maalmihii Sayidka Barakaysan la xidhay ayaa "screenshots" badan inta wajahaddayda laga urursaday baa hooyaday loo geeyey oo la yidhi naga qabo ruuxan aad dhashay ee meel walba naga soo shiidaya. Dulqaad yarida waan ku ogaa, waxa se aan dareensiinayey (waaba haddii ay dareen leeyihiine) hadalka ay Sayidka Barakaysan ku xidheen boqol jeer si ka daran in dadku u odhan karaa, sidaa darteed aanay u baahnayn in ay sidii Siyaad Barre ummadda isku soo wada jeediyaan oo aanay hal-abuurka curyaamin. Markaa aan Sayidka Barakaysan arrintiisa ku dheggen ahay, waxaa isna sharci doofaar iyo afduub u xidhnaa Coldoon oo aannu hayb wadaagno. Kor iyo hoosba dad aannu tol nahay iyo asxaab kaleba way igu maageen maxaad Coldoonna sidaas oo kale ugu hadli wayday. Gar bay ahayd kama se jawaabin.  Intii aan dacwad loo la tagin hooyo, iyada qudheeda ayaa culays la saaray oo xafiisyo dawladda ah oo ay arrimo uga baahnayd cadaadis iyo camaalaq laga saaray. Waa dhaqan garacnimo ah oo reer Kulmiye ku caa...

Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Baaqa Garaadada Iyo Madaxda Dhaqanka ee Gobolka Sool.

Image
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka hadlay Xaaladda Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa sheegay in dalku nabad yahay  islamarkaana xaalada ka taagan Laascaanood ay tahay mid ay soo abaabushay Argagaxisada caalamiga ah, taasi oo la doonayey in dadka reer Sool iyo Dawladda laysku diro  waxaana uu yidhi Madaxweynuhu “Dalkeenu maanta guud ahaan waa nabad dhibaato ayaa ka jirta gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood, dadka reer Sool oo ah hormuudkii Somaliland taariikhiyan hadday tahay iyo hadday maanta tahay, ku suntan magacan Somaliland taariikhdiisa qeybta ugu weyn ku leh, maanta dhibaatada jirta waxaan is weydiinaynaa maxaa keenay, waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo Caalamkana u sheego dhibaatada maanta ka jirta Laascaanood waxaa keenay Argagaxisada Caalamiga ah, dhalinyarada iyo dadka maanta mudaharaadka wadaa uma wadaan xumaan iyo naceyb ay u qabaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo dadka Somaliland oo dadkooda ah midna uma qabaan, waxaa maanta dhegahooda la...

Kitaabka Siirada Rasuulka ee Raxiiqul Makhtuum

Image
 Bilowgii bishan Janaayo ee dhammaadka ah, qorshahayga ugu wayni waxa uu ahaa in aan akhriyo oo aan dhuuxa kala baxo siiradii Nabiga (scw) bilow ilaa dhammaad. Waxa aan akhriyay Raxiiqal Makhtuumka, waxa aan sidoo kale dhagaystay 29 cajaladood oo uu Sh. Mustafe alle ha ka abaaliyee ku duubay siirada Nabiga (https://youtube.com/playlist?list=PLAyURNhkCPaKWtumFBd-Vf-A-k25JuwzC). Lama koobi karo duruusta iyo casharada aynu ka qaadan karno fahamka siirada Nabiga (scw).  Haddii aynu xogaa yar ka soo cad goosanno dhaxalkan taariikheed ee qiimaha leh ee uu innooga tagay Nabigu (scw), waxa aynu tobaneeyadan qodob ee hoos ku taxan kaga warrami doona arrimo door ah oo aad ka guran karto siirada Nabiga (scw) ilaa laga gaadhayo. 1. Waxa aad si buuxda u fahmaysaa tartiibta uu qur'aanku u soo dagayay, fasiraaddiisa,  munaasibadaha uu ku soo dagayay iyo sida uu waxyigu uga falcelinayay wacyigii taagnaa xilligaas uu soo dagayay iyo dhammaan duruufuhii ku xeernaa Nabiga Maxamed (scw). Sid...

History of Isak Clan.

Image
 The Isaq are one of six Somali clan-families. Traditionally their home is along the northern coast of the Somali peninsula, though for centuries a number have settled in Arabia. The opening of the Suez Canal led to the development of bunkering facilities at Aden which quickly became an important port of call. The Isaq were well placed geographically to take advantage of this development. Since many lived at Aden or on the Somali coast immediately opposite,  they enlisted in significant numbers as stokers and firemen on passing ships.  As a result, by the end of the nineteenth century, ports as far apart as Perth and New York  had small Isaq communities, but the largest groups outside Africa and Arabia were to be found along the Welsh coast of Britain. At the same time there was a steady flow of Isaq from the northern Somali coast down to East Africa and their numbers gradually increased between 1900 and 1930. Initially many came as askaris and gun-bearers.  It ...

Fahanka Iimaanku? -

Image
 Waa Maxay Iimaanku? Imaanku af Soomaali maahee waa Af Carabi. Haddii laga tagi waayana wuu Soomaaliyoobay. Halkaa Luuqadda carbeed lafteed eraygan “ Iimaan”─wuxuu ka yimid ficil maaddiga la yidhaa “ Aamana~ Wuu rumeeyay”oo ah wuu rumeeyay, shay tagayna sheegaysa. Wuu isbedbeddelaa ficilkaasi oo dhawr nooc oo kala geddisan ayuu ku yimaad; jirrid ahaanse ficilkaa maaddi ka wada abuurmay. Hadda ahaan “ Iimaan” waa magac waxa ay culimada luuqaddu yidhaahdaan, oo waxbuu sheegayaa. Carabi ahaan mararka qaar waxaa lagu macneeyaa ‘ Qirid.’ Af Soomaali haddii aynnu ku soo dhawaynno waa “ Rumeyn.” Sharci ahaan ama sida Diinta Islaamku u badhitaartay wuxuu noqonayaa “ Carrabka oo lagaga dhawaaqo, qalbiga oo laga rumeeyo iyo xubnaha oo laga sameeyo wixii la rumeeyay.” Hadalkaa waxaa ku jira saddex kala geddisan oo  mid kastaa qeexid dheer iyo caddayn badan u baahantahay. Lagana yaabaa in aad iswayddiiso qeexiddaa ma culida qaar ayaa iska jeclaaday, xaggee laga keenay? Waqtigii Nebigga ma...

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

Image
  Fanaaniinta Soomaalida ugu Caansan & Qabiilada Ay kasoo Kala jeedaan :- 1. Dayax Dalnuurshe (Sheekhaal, Loobage ) 2. Farxiyo Fiska ( Murusade ) 3. Khadar Keeyow ( Abgaal ) 4. Fartuun Birimo ( Habargidir, Sacad ) 5. Najiib Alfa ( Murusade ) 6. Xaawo Kiin ( Abgaal ) 7. Ismaaciil Aarka ( Abgaal ) 8. Dalmar Yare ( Sheekhaal ) 9. Xamdi Bilan ( Habargidir , Saruur ) 10. Abdirisaaq Anshax (Akisho) 11. Shaadiyo Sharaf ( Asharaaf ) 12. iidle Yare ( Gaaljecel ) 13. Farxiyo Kabayare ( Murusade ) 14. Mohamed Tobanle ( Xawaadle ) 15. Sharma Boy ( Majeerteen ) 16. Sacdiyo Siman ( Habargidir, Cayr ) 17. Nimcaan Hilaac ( Samaroon, Makahiil ) 18. Xaliimo Gobaad ( Majeerteen ) 19. Xariir Ahmed ( Ogaadeen ) 20. Nasteho indho ( Majeerteen ) 21. Guuleed Simba ( Mareexaan ) 22. Kiin Jaamac ( Dhulbahante ) 23. Cali Dh...