Posts

Showing posts from February, 2023

Somaliland iyo Ina Cabdulle Xasan, Laba Kala Garasho Badan.

Image
  Soomaalilaan iyo Ina Cabdulle Xasan, laba kala garasho badan. Taariikhdu waa buug uu marba baal is rogo. Waxana diwaanka laga helayaa dhacdo maanta taagan oo tu la mida hore loo arkay. Ina Cabdulle Xasan horraantii qarnigi labataanad ayuu ka soo degay Berbera, wax yar markuu joogayna wuxu u taallaabay sida iyo Togdheer isaga oo halkaas ka asaasay ururkii Daraawish la baxay. Fagtii hore wadaadku wuxu u dhaqmaayey sidii ay u dhaqmi jireen Culimadi waagaas carrada lagu ogaa oo ahayd in ubadka wax loo dhigo, Mawliidka la xuso isla markaana lays wacdiyo. Hayeeshe marku muddo kooban joogay, wuxu la soo baxay ged taa ka duwan oo ahayd in uu maamuulo beeshii  Dhulbahante ee dhulkeeda awga ka noqday. Isaga oo qaar dil ku xukumay, qaar duub u xidhay qaarna dayro ka dhigay. Ina Cabdulle Xasan hortii lama arag lamana wadaad wax maamuulaya ama col dumaya. Taa darteed markiiba waxa ooshii Dhulbahante galay guux iyo wayrax ay ka qaadeen siduu wadaadku wax u wado. Labeentii reerka oo hormuu...

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

Image
  War-Murtiyeedka kasoo baxay Shirkii ka socday magaalada Laascaanood oo ka koobnaa 13 qodob halkaan hoose ka akhriso, isaga oo Af Soomaali ah oo laguu turjumay:- Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Og: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Labada Aqal) Og: Xubnaha Golaha Ammaanka Og: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Og: Guddoomiyaha Midowga Afrika Og: Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Og: Dawladaha xubnaha ka ah IGAD CC: Dhammaan ergada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya BAAQ LAASCAANOOD 5 Febraayo 2023. Shacabka Soomaaliyeed iyo inta badan Beesha Caalamka ayaa ka warqabta in 15-kii sano ee u dambeeyay ay deegaanada SSC-Khaatumo kala kulmeen dhibaatooyin badan oo ay sababeen in ay si sharci darro ah ku joogaan maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland. Dhibaatooyinkaasi waxa ka dhashay kacdoonkii loo yaqaanay “Kacdoonka Buluuga ah” kaas oo shacabka ku dhaqan goboladaasi ay u istaageen inay ka soo horjeestaan gooni-isu-taagga Somaliland, iyagoo si hagar la’aan ah u ...

Nabada iyo Colaada.

Image
 WAAR TOLOW COLKA JOOJI Dadkani iyo Dalkani midna ma gayo colaad iyo dagaal. - Hadaad ka garwdo qalad gobbay caadadeeda tahay. - Allaw garansii Nin moog. Maanta waa maalin adag oo murugo iyo meeqaam xumo xambaarsan loona baahnaa:- a) Dad midaysan  b) Caqli midaysan  c) Cudud midaysan d) Niyo midaysan  e) Tallo midaysan f)  Dastuur/Sharci loo hogaansamo.  Nabaddii Dalkani kusoo caano maalay waxa maanta bedelay :- Colaad Dad wada dhashay oon meela kala tagi doonin , loona baahnayn in loo guntado. Taas oo  sababta keentay ahayd:- a) Siyaasad xumo b) Dhafoor taabasho c) Buuq ,car iyo wir  d) Is muquunin. e) iyo is maqal la’aan. CODSI Dhamaan Dadkayga waxaan si waayeelnimo indiinku kuboorinayaa in sida ugu dhakhsaha badan xabadda loo joojiyo labada dhinacba, kadib caqli fayoow lagu dhameeyo dhibta dhacday iyo wixii ka dambeeya. 1- Madaxdhaqameedka Reer SL. Halaga kaco oo Dadkeena isku dhintay aynu daba qabateeno, waana waajib ina saaran,Aakhirana lays ...

Baaqa Ugaaska Beelaha Arab - Ugaas Axmed Maxamed Siciid.

Image
Baaq :-  Ugaaska Beelaha Arab Ugaas Ahmed Mohomed Saeed WAAR TOLOW COLKA JOOJI Dadani iyo Dalkani midna ma gayo colaad iyo dagaal. - Hadaad ka garwdo qalad gobbay caadadeeda tahay. - Allaw garansii Nin moog. Maanta waa maalin adag oo murugo iyo meeqaam xumo xambaarsan loona baahnaa:- a) Dad midaysan b) Caqli midaysan c) Cudud midaysan d) Niyo midaysan e) Tallo midaysan f) Dastuur/Sharci loo hogaansamo. Nabaddii Dalkani kusoo caano maalay waxa maanta bedelay :- Colaad Dad wada dhashay oon meela kala tagi doonin , loona baahnayn in loo guntado. Taas oo sababta keentay ahayd:- a) Siyaasad xumo b) Dhafoor taabasho c) Buuq ,car iyo wir d) Is muquunin. e) iyo is maqal la’aan. CODSI Dhamaan Dadkayga waxaan si waayeelnimo indiinku kuboorinayaa in sida ugu dhakhsaha badan xabadda loo joojiyo labada dhinacba, kadib caqli fayoow lagu dhameeyo dhibta dhacday iyo wixii ka dambeeya. 1- Madaxdhaqameedka Reer SL. Halaga kaco oo Dadkeena isku dhintay aynu daba qabateeno, waana waajib ina saaran,...

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Image
 Maalmihii Sayidka Barakaysan la xidhay ayaa "screenshots" badan inta wajahaddayda laga urursaday baa hooyaday loo geeyey oo la yidhi naga qabo ruuxan aad dhashay ee meel walba naga soo shiidaya. Dulqaad yarida waan ku ogaa, waxa se aan dareensiinayey (waaba haddii ay dareen leeyihiine) hadalka ay Sayidka Barakaysan ku xidheen boqol jeer si ka daran in dadku u odhan karaa, sidaa darteed aanay u baahnayn in ay sidii Siyaad Barre ummadda isku soo wada jeediyaan oo aanay hal-abuurka curyaamin. Markaa aan Sayidka Barakaysan arrintiisa ku dheggen ahay, waxaa isna sharci doofaar iyo afduub u xidhnaa Coldoon oo aannu hayb wadaagno. Kor iyo hoosba dad aannu tol nahay iyo asxaab kaleba way igu maageen maxaad Coldoonna sidaas oo kale ugu hadli wayday. Gar bay ahayd kama se jawaabin.  Intii aan dacwad loo la tagin hooyo, iyada qudheeda ayaa culays la saaray oo xafiisyo dawladda ah oo ay arrimo uga baahnayd cadaadis iyo camaalaq laga saaray. Waa dhaqan garacnimo ah oo reer Kulmiye ku caa...