Khayr Wax Kaama Dhimee Shar U Toog Hay: Dacwada Badda Soomaaliya Iyo Kenya.
Afeef: Waxaan ka cudur daaranayaa in macluumaadka iyo aqoonta aan idin la wadaagayaa ay ku kooban tahay oo keliya dadaalkeyga ka aqoon yahan ahaan oo aysn ku salaysneyn aqoon iyo takhasus aan u leeyahay sharciga iyo cimliga badaha toona. Qoraalka dhererkiisa waa mid aan ka fursan waayey! Waxaan horey idiinla wadaagay qoraallo ku saabsan dacwada iyo doodda ka taagan xuduudda baddeenna iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay (fiiri mareegaha Hiiraan Online iyo SomaliTalk). Ujeeddada qoraalladaas hore iyo midkan aad hadda akhrineysaba waa in aan qeybta iiga aaddan ka geysto sida ugu sahlan ee qof kasta oo Soomaaliyeed ku fahmi karo: Arrimaha la xiriira dacwada baddda iyo badbaadinteedaba. Natiijada ama go’aanka dacwada dhul badeedka Kenya nagu haysato sida uu noqon karo. Saameynta haddalada iyo buuqa ay Kenya warbaahinta la taagan tahay muddooyinkii u dambeeyey. Saameynta go’aannaddii ay maxkamaddani (ICJ) horey uga gaartay dacwooyin la mid ah tan annaga iyo Kenya naga dhexeysa. ...