Maxamed Jabuutaawi Iyo Stevejobs.

 

Sannadkii 2005 ayaa agasimihii iyo aasaasahii shirkada ee Apple Inc. iyo Pixar animation, waxa uu khudbad u jeediyay arday kaqalinjabinaysay Jamacada Stanford. Waxa uu kamid ahaa dadka lagu hirto ee loogu yeedhay si ay u dhiirigaliyaan dhalinta qalinjabinaysay. Steve waxa uu ku bilaabay hadaladiisa ‘ Truth be told, i never graduated from college, and this is the closest i have ever got to a college graduation”. oo macnaheedu nuxur ahaan yahay, “Run ahaan annigu madhamaysan college, waana markii iigu dhawayd ee aan kaso qaybgalo meel qalinjabin lagu haddal hayo”. Steve siduu sheegay ma ahayn aqoonyahan, haddana waxa loogu yeedhay inuu dhalinta dhiirigaliyo. Waxa uu uga waramay noloshiisii iyo horumarinta ganacsigiisii. Sababta oo ah waxa uu kamid yahay dadka lagu tilmaansado aduunka ee dhinaca hal abuurka iyo horumarinta ganacsiga. Halkan ka dheeho khudbadaas;


Mudo kusiman, 15 sanno kadib, shalay (20 Agosto 2020) ayaa Ganacsade Xaaji Maxamed Jabuutwi, Agaasimaha iyo Mulkiilaha shirkada Jabuutawi iyo Gurmad ee laydhka ayaa si kadis ah usoo galay xaflad lagu maamuusayay arday kaqalin jabisay Nugaal University ee Sool, Somaliland. Waxa uu Jabuutaawi hadalkiisa ka mid ahaa ” Waa markii ugu horaysay ee aan jamacad soo hor istaago. Ilaahay waxa aan idiinka baryayaa in hadafka aad waxbarasho ka leedahiin inuu idin gaadhisiyo. Anigu nasiib uma aan yeelan inaan jamacad iska daaye, dugsi sare inaan dhameeyo…..Xoolaha jaahilka, kawax qora iyo ka aan qorinba waa helaane, annigana ilaahay cilmi la’aan ayuu igu siiyaye, idinka Alle cilmiga ha idinku siiyo”. Waxa uu halkaas ka jeediyay khudbad uu ku dhiirigalinayo nabada iyo horumarka. Waxuu ka dardaaray in qoriga laqaato oo beel beel loo dagaalamo. Waa tan khudbadiisi isagana; 

Labbadaas dhacdo waa mataano, labbada nin na waa isku mitaal. Steve jobs waa nin aduunka iyo dalkiisa wax badan ku soo kordhiyay, Jabuutaawina waa nin wadankiisa iyo tolkiiba wax badan kusoo biiriyay. Shirkada laydhka ugu jaban Geeska Africa ayuu Lascanood keenay waana nin dadkiisa iyo dalkiisa la duruuf ah markasta.

Waxa aan aminsanahay in uu mudnaa Maxamed Jabuutawi munaasabadan halkeeda la siiyay, hadalkii ku haboonaana wuu ka yidhi. Haddii aad dhibsatay sida laabta furran ee uu u hadlayay, daawo khudbada Steve jobs ee qornayd luuqad dadkeenu jecelyihiina ku baxaysa. Ha ku mashquulin Jaa’jaadiisa 😊

Haddii lagu dhaliilay Jaahil ayaad tahay, meeye kuwii aqoontu biyo dhigtay ee gobolka u dhashay, sowkuwaa kolba geedka hoostiisa qoriga kasoo cabaynaya ma aha. Sawkuwaa cilmigay barteen jabhadaha ku abuuraya ma aha. Xoolaha uu haysto haddu jabhad galinlahaa maanta lama wada hadleen. Waa qof garasho iyo xigmad la saaxiib ah. Da’a ahaan waa nin dhalinyaro ah sidaan qiyaasayo Jabuutaawi, mana khaldani ayaan filayaa haddaan idhaahdo waa dadkii waxbarashadoodu luntay wakhtigii dagaaladii awgeed. Si lamid ah inbadan oo innaga mid ah.

Jawbuutawi isaga ayaa innooga qiimo badan Steve Jobs, innaga isagaa hormuudkeenii ah ah.

Qiimee qofkaaga si aad qiime u yeelato. Jabuutaawi waa geesi, waana hurmuudkayaga.

Mahadsanid.

Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -