Fahanka Iimaanku? -
Waa Maxay Iimaanku?
Imaanku af Soomaali maahee waa Af Carabi. Haddii laga tagi waayana wuu Soomaaliyoobay. Halkaa Luuqadda carbeed lafteed eraygan “ Iimaan”─wuxuu ka yimid ficil maaddiga la yidhaa “ Aamana~ Wuu rumeeyay”oo ah wuu rumeeyay, shay tagayna sheegaysa. Wuu isbedbeddelaa ficilkaasi oo dhawr nooc oo kala geddisan ayuu ku yimaad; jirrid ahaanse ficilkaa maaddi ka wada abuurmay. Hadda ahaan “ Iimaan” waa magac waxa ay culimada luuqaddu yidhaahdaan, oo waxbuu sheegayaa. Carabi ahaan mararka qaar waxaa lagu macneeyaa ‘ Qirid.’ Af Soomaali haddii aynnu ku soo dhawaynno waa “ Rumeyn.”
Sharci ahaan ama sida Diinta Islaamku u badhitaartay wuxuu noqonayaa “ Carrabka oo lagaga dhawaaqo, qalbiga oo laga rumeeyo iyo xubnaha oo laga sameeyo wixii la rumeeyay.” Hadalkaa waxaa ku jira saddex kala geddisan oo mid kastaa qeexid dheer iyo caddayn badan u baahantahay. Lagana yaabaa in aad iswayddiiso qeexiddaa ma culida qaar ayaa iska jeclaaday, xaggee laga keenay? Waqtigii Nebigga ma jirtay?!
Inyar qalbiga iisoo jeeddi aynnu isla eegnee:
A) Ta koowaad waxa aynnu ku sheegnay Iimaanka in uu yahay “Carrabka oo lagaga dhawaaqo.” Sidaa saw maaha? Haa. Haddaba waxaa u daliil ah Allah markii uu Ummadda Nebigga rumeysay si dhaba ugu dhawaaqayay wuxuu lahaa: “ Waxa aad tidhaahdaan ilaahay baan rumeynay iyo wixii uu noo soo dajiyay.” Ka eeg[ Suuradda Al-Baqara, aayadda 136].
B) Ta labaad waxa aan ku sheegnay Iimaanku in uu yahay “Qalbiga oo laga rumeeyo.” Saw ilama socotid? Kaalay ila dhegayso hadalka Rabbi uu yidhi: “ ..Markii uu Iimaanku qalbigooga galay…” Ka eeg [ Suuradda Al-Xujuraat, Aayadda 14].
C) Ta saddexaad waxa aan ku sheegnay “ Xubnaha oo laga sameeyo” oo ah in xubnihii wixii ay rumeeyeenna ka runsheegaan oo uu ka muuqdo. Allah Qur’aankiisa wuxuu boqollaal jeer ku sheegay cibaadooyin badan oo uu leeyahay sameeya. Waxa ka mid ah salaadda, Sakada, Xajka, Sadaqada…… wad uun. Allah SWT wuxuu yidhi “ Salaadda oogga oo Sakada bixiya oo la rukuuca kuwa rukuucaya.” Ka eeg [ Suuradda Al-Baqara, aayadda 43].
Intaasi waa qeyb ka mid ah daliillada Qur’aanka Kariimka ah; aadbay u badanyihiin oo halkan kuma soo koobi karno muunad ahaan ayaynu usoo qaadannay. Sidoo kale Axaadiista tilmaamaysaa ciidda ayay ka badanyihiin. Hal Xadiis oo saddexdaa qodob ee Iimaanku ku yahay ah aynu soo qaadanno. Ila dhugo oo dhaayaha fur:
Nebigga SCW wuxuu yidhi: “ Iimaanku waa dhawr iyo toddobaatan ama dhawr iyo lixdan qaybood. Waxaa ugu fadli badan hadalka ah “ Allah mooyee Alle kale oo xaq lagu caabudaa ma jiro.” Waxaanna ugu hooseeya waddada/dariiqa oo dhagaxa laga qaado. Xishoodkuna waa qeybn Iimaanka ka mid ah.” [ Waxaa wariyay Imaamu Muslim 1/63, Xadiiska Lanbaekiisu waa 35].
Aynnu kala saafno Xadiiskaa oo aynnu mid kasta ka soo saarno saddexdii aynnu Iimaanka ku qeexnay:
1) Xadiiska waxaa ku jirta hadalka ah in lagu dhawaaqo “ Allah mooyee Alle kale oo xaq lagu caabudaa ma jiro.”Halkee shayga lagaga dhawaaqaa? Carrabka saw maaha? Haa, carrabka.
2) Waxaa Xadiiska ku jira in qofku waddada ka qaado wixii dhiba ama dhagaxaanna. Ma qalbigaa lagaga qaadayaa mise xubnaha ay gacantu u horrayso? Xubnaha. Taasina ma tahay qeexiddii saddexaad ee Iimaanka ee ahayd: “
3) Xadiiska waxa kale oo ku jira “ Xishoodkuna waa qayb Iimaanka ka mid ah.” Xishoodku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha xisiga ah ee qofka qalbigiisa ku jira. Qalbiga ayuunna ka soo go’aa.
Xadiiskuna wakaa saddexdiiba innoo sheegay. Waxaa jira xadiis kale oo Nebiggu yidhi: “ Kiinna arka xumaan, gacmihiisa wax ha kaga baddelo (qabto). Haddii uu awooddi waayana carrabka. Haddii uu awooddi waayana qalbiga; taasina waa iimaanka halka ugu hooseysa.” [Imaam muslim baa wariyay 1/79, Lambarka Xadiisku waa 39].
Xadiiskaa labaadna saddexdiiba shaki la’aan way ku dhanyihiin oo waa kuwaa ku xarriiqan ee lagu nuuxnuuxsaday. Meel loo dhaafaanna ma jirto.
Rag farabadan oo markay bateen goosan noqday ayaa diiddan Iimaankaa saddexda aynnu u qaybinnay, ee daliilladana raacinnay.
-Qaarkood waxa ay ku doodayaan Iimaanku waa kaliya in laga rumeeyo qalbiga! Waxa ay diiddayaan oo aynna oggolayn in Xubnaha wax laga sameeyo iyo in Carrabka lagaga dhawaaqo.
-Kuwa kale cagsiga kuwaa weeyi oo waxa ay leeyihiin Iimaanku waa in carrabka uun lagaga dhawaaqo, oo in aan qalbiga ka qiro in aan xubnaha kaga shaqeeyo midna maaha! Kuwa sidaa ku dooda waxaa ka mid ah Karraamiya, sida Sheekh Fawsaan Sharraxa gabayga Xaa’iya ku sheegay.
-Kuwa kale kuwaaba way ka dareen oo waxa ay leeyihiin Iimaan ku waa in kaliya qofku xubnaha kaga shaqeeyo oo dhammaan qalbiga ka qirin, carrabka kaga dhawaaqine uu iska daayo!
Iimaanku wuu siyaadaa ama wuu naaqusaa. Allah Qur’aanka wuxuu ku yidhi: “ Mu’miniintu haddii lagu dul akhriyo Aayadahaga Iimaankoogu wuu siyaadaa…….” Ka Eeg [Suuradda Suuradda Al-Anfaal Aayadda 2].

Comments
Post a Comment