Fannaan Is Dhiibi Waayay. Waxa Qoray Siciid M. Beegsi.
Cisbtitaalka Guud ee Hargeysa ayaan galab ku booqday suxufiga suugaanyahanka ah ee Xasan Maxamed Yuusuf. Intii aanan ka tegin baan ka war helay in qol ka Xasan u dhow uu ku jiro Cabdinaasir Macallin Caydiid. Judhiiba jadwalka ayaan ku darsaday fannaankana. Waxaan la kulmay Cabdinaasir oo ladan. Maya, wuuba sheekaynayay. Fannaaniin da’yar ah, wiilal iyo hablaba leh, ayaa ku hareeraysnaa. Barbaartaasi kolka ay la hadlayaan Cabdinaasir, magaciisa ugu ma ay yeedhayn; waxay u adeegsanayeen erayga macallin. Dhanka kale, waan ka war qabay Cabdinaasir beryahaas in uu agaasimay koox faneed dhallinyaro ah. Haddaba, dhowr sano kaddib, caawa mar kale ayuu Cabdinaasir dhaqtar jiifaa. Laakiin, nasiibdarro, kolkan xaaladdiisa dalka waxba lagaga ma qaban karo, sida uu xusay walaalkii Mustafe Macallin Caydiid. Shaacinta xanuunkiisa kaddib, saxaafadda ayaa Mustafe weydiisay kaalinta faneed ee Cabdinaasir. Wuxuu ku jawaabay, “waa macallin.” Daqiiqaddaasba waxaan xusuustay galabtaa hore iyo isla eraygaa u...