Posts

Showing posts from August, 2022

Islaamka iyo Naxariista Xayawaanka.

Image
 ISLAAMKA IYO NAXARIISTA XAYAWAANKA.  Diinta islaamka oo ah Diin Raxmad badan waxyaabaha ay ku baaqday waxaa ka mid ah in Dad iyo Duunyaba waxa Dhulka dushiisa saaran loo Naxariisto.  Waxayna ka digtay in la waxyeeleeyo Xayawaanka Bahaahimta ah een wax dhimaalka lahayn.  ‎وقال صلي الله عليه وسلم:ارْحَمُوا مَنْ فِي الأَرْضِ يَرْحَمْكُمْ مَنْ فِي السَّمَاءِ".  ‎[رواه  الترمذي عن عبد الله بن عمرو: كتاب البر والصلة، باب ما جاء في رحمة المسلمين (1924)، وأحمد (6494)، والحاكم (7274)، وقال أبو عيسى: هذا حديث حسن صحيح، وصححه الألباني، انظر: صحيح الجامع (3522). "Unaxariista waxa Dhulka dushiisa saaran si uu idinkugu Naxariisto Allaha sarreeya" Wuxuu kale oo uu Rasuulku scw yiri:- ‎: "دَخَلَتِ امْرَأَةٌ النَّارَ فِي هِرَّةٍ رَبَطَتْهَا؛ فَلَمْ تُطْعِمْهَا، وَلَمْ تَدَعْهَا تَأْكُلُ مِنْ  خَشَاشِ الأَرْضِ" ‎رواه البخاري: كتاب بدء الخلق، (3140)، ومسلم: كتاب التوبة، باب في سعة رحمة الله تعالى وأنها سبقت غضبه (2619). "Haweeney ayaa waxay Naar ku mudatay Mukulaal ay m...

Danab/ Biriq /Jac/ Hanqadh/Guguc (Thunderlighting). Qalinkii: Dhulbeeg Axmed Mooge.

Image
 Danab/ Biriq /Jac/ Hanqadh/Guguc (Thunderlighting) 1. Danabku waa maxay? 2. Danabku muxuu ka samaysan yahay? 3. Danabku Meeshee ayuu ku dhacaa? 4. Danabka maxaa soo jiita? 5. Danabka sidee looga badbaadi karaa?.   1. Danabku waa aayad ka mid ah aayadaha ILLAAHAY, waa mid ka mid ah aayadaha ILLAAHAY ku dhaartay. أَوْ كَصَيِّبٍ مِّنَ السَّمَاءِ فِيهِ ظُلُمَاتٌ وَرَعْدٌ وَبَرْقٌ يَجْعَلُونَ أَصَابِعَهُمْ فِي آذَانِهِم مِّنَ الصَّوَاعِقِ حَذَرَ الْمَوْتِ ۚ وَاللَّهُ مُحِيطٌ بِالْكَافِرِينَ  :(سورة البقرة {19}) وَيُسَبِّحُ الرَّعْدُ بِحَمْدِهِ وَالْمَلَائِكَةُ مِنْ خِيفَتِهِ وَيُرْسِلُ الصَّوَاعِقَ فَيُصِيبُ بِهَا مَن يَشَاءُ وَهُمْ يُجَادِلُونَ فِي اللَّهِ وَهُوَ شَدِيدُ الْمِحَالِ :(سورة الرعد {13}) Sidokale waxa loogu magac daray suurad ka mid ah suuradaha quraanka kariimka oo layidhaahdaa "الرعد". Danabku waa mid ka mid ah masiibooyinka waaweyn ee dabiiciga ah ee aan layska difaaci karin ILLAAHAY haynaga nabad geliyee. 2. Danabku wuxuu ka samaysan yahay dab (Charge), gaar...

Sidee ayay baddu dadka u liqdaa, se haddiiba ay ku liqdo sidee uga badbaadi kartaa? Qoraa: Cabdiqani A. Ciid

Image
 Hafashadu (Qorqoon) waa dhimasho ay keento neefta oo qofka ku dhegta. In ka badan 372,000 oo qof sannad kasta u dhinta , waana  sababta 3aad ee keenta dhimashada ugu badan , sida uu qabo  ururka caafimadka adduunku. Inta badan hafashadu waxa ay ka dhacdaa harooyinka, biyaha macaan, durdurrada, webiyada, xeebaha, iyo barkadaha dabbaasha. Marka biyuhu galaan sambabka qofka, waxay bilaabaan inay hafiyaan, ka dibna   Jidhku wuu argagaxaa, wuxuna xidhaa murqaha neefta,  taasoo keenta in cunuhu xidhmo, qofkuna neef-qabatoow u dhinto.  Sidee ku ogaan kartaa in qofku baddu laqday? Caadi ahaan waxaad ku  ogaan kartaa , qofka oo madaxiisa hoos u dego, halka afkiisuna u dhawaado heerka biyaha, indhuhuna dhaqdhaqaaqa joojiyaan.  Sidee u samatabbixin kartaa qof baddu liqday? Waxa ugu horreeya ee aad samaynaysaa waa inaad hesho walax badda dul sabbayn karta , sida loox, xadhig, caag sabbaynaya ama ul dheer si aad qofka ugu soo gaadho xeebta. Haddii aanad ...

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

Image
 #SNM  reerkii  sameeyay  iyo deegaanki jabhadii  u  horaysay  laga sameeyay Waa reerka  #isaaq ugu faraha Badan uguna Cududu Badan (SUBEER  AWAL) waa qayb kamida intan waa  gaar ahaan qamiyada #sacad muuse ,iyadoo .muuqaala waa lasoo bandhigayaa, faan beena iyo faata bakh looma baahna Garxajisow ,reerkan talada dalka haya aqoon baa  idinku laaban,inkastoo ciidanka bari jooga iyo galbeedba iyaga u badanyihiin waad is yar.taqaanaan😁😁 SACAD MUUSE waa reerka ugu Saraakiisha badnaa SNM uguna  Ciidan Badnaa uguna Guutooyin badnaa.  Waxaa ka mid ahaa Guutooyinka .Guutadii 20aad Guutadii Afaraad Guutadii 99 Guutadii 5naad Guutadii 88 amba baha Sacad Guutadii Guutadii Dibile iyo Guutadii Sayid Cali oo Qayb ka ahaayeen . Aasaaska SNM waxaa lahaa Axmed jimcaale iyo maxamed xaashi uu Sucuudiga kala abaabulay.  Sawirada midig ka bilow Kow waxa ka bilowdaa Axmed jimcaale kuna  dhamee Muuse biixi.        ...

Maansame Hadraawi: Boqorka Maansayahannada Soomaalida!

Image
Aniga oo yar ayaan ku ababay heesaha uu sameeyay qaar ka mid ah. Kuwa aan ugu hor maqlay waxa ka mid ahaa hooyo. Aniga oo afar jir ah ayaan ka qayb-galay aroos ka dhacay Gahaydh-weyne, heesihii ay dadku dhegaysanayeen waxa ka mid ahaa Saxarla’, erayadii Maxamed Ibraahin Warsame iyo Codkii Shahiid Maxamed Mooge Liibaan.: “Waan soo socdaa kowdhe Waxna waan sidaa laba dhe Samir yeelo weligaa Saxarlaay ha fududaan Sidaas ayaa ay ereyadiisu maskaxdayda meel gaar ah ugu lahaayeen, bal ka warrama ninka aad weedhiisa maqashay adiga oo dhallaan ah, welina aanay maankaaga xasuusteedu ka bixin. Intii aan ku jiray dugsiyada hoose/dhexe/sare waxa la ii dhigay qaybo ka tirsan suugaantiisa sida maansada Jeegaanta, gabayga Durdur iyo heesta Hooyo. Dhadhan iyo macne gaar ah ayaa ay ii lahaayeen. Boqollaalka ama kumannaanka ku ababay maansadiisa ayaa aan ka mid ahaa. Markii kowaad waxa aan Hargeysa kula kulmay sannadkii 2006da, bishii Julaay. Isaga, Maxamed Axmed Cabdillaahi (Shabeel) oo ah Agaasimadda ...