Islaamka iyo Naxariista Xayawaanka.
ISLAAMKA IYO NAXARIISTA XAYAWAANKA.
Diinta islaamka oo ah Diin Raxmad badan waxyaabaha ay ku baaqday waxaa ka mid ah in Dad iyo Duunyaba waxa Dhulka dushiisa saaran loo Naxariisto.
Waxayna ka digtay in la waxyeeleeyo Xayawaanka Bahaahimta ah een wax dhimaalka lahayn.
وقال صلي الله عليه وسلم:ارْحَمُوا مَنْ فِي الأَرْضِ يَرْحَمْكُمْ مَنْ فِي السَّمَاءِ".
[رواه الترمذي عن عبد الله بن عمرو: كتاب البر والصلة، باب ما جاء في رحمة المسلمين (1924)، وأحمد (6494)، والحاكم (7274)، وقال أبو عيسى: هذا حديث حسن صحيح، وصححه الألباني، انظر: صحيح الجامع (3522).
"Unaxariista waxa Dhulka dushiisa saaran si uu idinkugu Naxariisto Allaha sarreeya"
Wuxuu kale oo uu Rasuulku scw yiri:-
: "دَخَلَتِ امْرَأَةٌ النَّارَ فِي هِرَّةٍ رَبَطَتْهَا؛ فَلَمْ تُطْعِمْهَا، وَلَمْ تَدَعْهَا تَأْكُلُ مِنْ خَشَاشِ الأَرْضِ"
رواه البخاري: كتاب بدء الخلق، (3140)، ومسلم: كتاب التوبة، باب في سعة رحمة الله تعالى وأنها سبقت غضبه (2619).
"Haweeney ayaa waxay Naar ku mudatay Mukulaal ay meel ku xirtay,mana ayan quudin farahana kama ay qaadin si ay u qaraabato ilaa ay Gaajo u dhimatay"
Rasuulka scw wuxuu kaloo yiri:-
: "بَيْنَا رَجُلٌ يَمْشِي فَاشْتَدَّ عَلَيْهِ الْعَطَشُ؛ فَنَزَلَ بِئْرًا فَشَرِبَ مِنْهَا، ثُمَّ خَرَجَ، فَإِذَا هُوَ بِكَلْبٍ يَلْهَثُ، يَأْكُلُ الثَّرَى مِنَ الْعَطَشِ، فَقَالَ: لَقَدْ بَلَغَ هَذَا مِثْلُ الَّذِي بَلَغَ بِي. فَمَلأَ خُفَّهُ، ثُمَّ أَمْسَكَهُ بِفِيهِ، ثُمَّ رَقِيَ فَسَقَى الْكَلْبَ، فَشَكَرَ اللهُ لَهُ، فَغَفَرَ لَهُ". قالوا: يا رسول الله، وإنَّ لنا في البهائم أجرًا؟ قال: "فِي كُلِّ كَبِدٍ رَطْبَةٍ أَجْرٌ".
رواه[11] البخاري: كتاب المساقاة والشرب، باب فضل سقي الماء (2234)، ومسلم: كتاب السلام، باب فضل ساقي البهائم المحترمة وإطعامها (2244).
"Rasuulku scw wuxuu misana yiri waxaa jirtay waqti Nin socoto ah uu aad u oomay kadibna wuxuu galay Ceel markii uu Biyihii soo cabay ee uu is yiri soo bax ayuu arkay Eey leefleefaya qoyaanka Ceelka afkiisa oon dartii,wuxuu xasuustay xanuunkii Oonka hayay kadibna intuu Ceelkii u dagay ayuu Kabtiisii ku waraabiyay,Eeygii baa ku shugriyay Ninkii markaasaa Ninkiina Alle ku shukriyay oo u dambi dhaafay.
وقال رجل: يا رسول الله، إنِّي لأرحم الشَّاة أن أذبحها. فقال: "وَالشَّاةُ إِنْ رحمتها يرحمك الله"
روواه أحمد (15630)، والحاكم (7562)، وقال: هذا حديث صحيح الإسناد ولم يخرجاه، والطبراني: المعجم الكبير (15716). وقال الألباني: صحيح. انظر صحيح الترغيب والترهيب (2264).
Nin ayaa Nabiga scw ku yiri "Rasuulkii allow aniga Ri’' xitaa waan oga naxsriistaa inaan gowraco"markaasaa suubanuhu ugu jawaabay "xitaa Ri’da aad u naxariistay oo aad gowraca oga turtay Rabbi wuu kuugu naxariisan"
قال وسول الله-ص-
-مَنْ قَتَلَ عُصْفُورًا عَبَثًا عَجَّ إِلَى اللهِ
يَوْمَ الْقِيَامَةِ، يَقُولُ: يَا رَبِّ، إِنَّ فُلاَنًا قَتَلَنِي عَبَثًا، وَلَمْ يَقْتُلْنِي لِمَنْفَعَةٍ"
رواه النسائي عن الشريد بن سويد (4446)، وأحمد (19488)، وابن حبان (5993)، والطبراني: المعجم الكبير 6/479، وقال الشوكاني: هو حديث مروي من طرق قد صحح الأئمة بعضها. انظر: الشوكاني: السيل الجرار 4/380.
"Suubanaha wuxuu yiri Ninkii Shimbir u dila Ciyaar-ciyaar maalinka Qiyaame Cadaaladda Rabbi ayuu la tiigsadaa isagoo kor u qaylinaya oo oranaya "Rabiyoow ciyaar ciyaar ayuu ii dilay ee iima uusan dilan nacfi uu iga rabay"
"وعن عبد الله بن جعفر ـ رضي الله عنهما ـ قال: ( أردفني(حملني) رسول الله ـ صلى الله عليه وسلم ـ ذات يوم خلفه، فأسر إلى حديثا لا أخبر به أحدا أبدا، وكان رسول الله ـ صلى الله عليه وسلم ـ أحب ما استتر به في حاجته هدف أو حائش نخل(مجموعة)، فدخل يوما حائطا(بستانا)من حيطان الأنصار، فإذا جمل قد أتاه فجرجر وذرفت عيناه، قال بَهْز وعفان : فلما رأى النبيَّ ـ صلى الله عليه وسلم ـ حَنَّ وذرفت عيناه، فمسح رسول الله ـ صلى الله عليه وسلم ـ سَرَاته وذِفْراه(ظهره وأذنيه) فسكن، فقال: من صاحب الجمل؟، فجاء فتى من الأنصار فقال: هو لي يا رسول الله، فقال ـ صلى الله عليه وسلم ـ أما تتقى الله في هذه البهيمة التي ملككها الله، إنه شكا إلىَّ أنك تجيعه وتدئبه(تتعبه) )(رواه أحمد ).
“Waxaa ka sugan Rasuulka scw inuu maalin soo ag maray Neef Geel ah oo kolkii uu Nabiga scw arkay Neefkii Geela ahaa wuu hinraagay oo wuxuu u soo degdegay xagii Nabiga scw,oo kolkuu u yimid ayuu Ilmeeyay Neefkii,markaasaa Nabiga scw salaaxay Neefkii lana Ilmeeyay,ka dibna yiri yaa leh Neefkan,nin Ansaari ah ayaa yiri Aniga Rasuulkii Allow,kolkaasuu Rasuulka scw yiri:oo miyaadan Ilaahay oga cabsanaynin Noolahan Bahaa’imka ah ee uu Eebe ku milkisiiyay,iminka wuu ii dacwooday oo wuxuu ii sheegay inaad Gaajayso ood dhibto ood daaliso”.
-ويروي المؤرخون أن عمرو بن العاص في فتح مصر نزلت حمامة بفسطاطه (خيمته) فاتخذت من أعلاه عُشًّا، وحين أراد عمرو الرحيل رآها، فلم يشأ أن يهيجها بتقويضه، فتركه وتكاثر العمران من حوله، فكانت مدينة (الفسطاط).
Waxaa la sheegaa in Cumar ibnu Caas waqtigii uu Masar Furanayay uu damcay inuu ka guuro meel uu muddo daganaa,kolkii uu damcay inuu rarto Teendhadiisii ayuu ku arkay Shimbiro Buul ka samaystay Teendhada dusheeda oo Ilmo ku dhashay wuxuu nacay inuu barakiciyo markaasuu oga guuray Teendhadi oo idil Ciidankiisiina wuxuu faray inaan Teendhada la taaban,halkaas ayayna ku tiili jirtay ilaa ay iskeed oga dhamaatay,markii dambe ee halkaas la dagayna waxaa loogu magac daray Magaaladii Teendhada oo ilaa imika loo yaqaan "Fustaad".
-كما يروي ابن عبد الحكم في سيرة الخليفة الراشد عمر بن عبد العزيز أنه نهى عن ركض الفرس إلاَّ لحاجة، وأنه كتب إلى صاحب السِّكَكِ أن لا يحملوا أحدًا بلجام ثقيل، ولا ينخس بمقرعة في أسفلها حديدة. وكتب إلى واليه بمصر: أنه بلغني أن بمصر إبلاً نقالات يحمل على البعير منها ألف رطل، فإذا أتاك كتابي هذا، فلا أعرفن أنه يحمل على البعير أكثر من ستمائة رطل.
انظر: محمد بن عبد الله بن عبد الحكم: سيرة عمر بن عبد العزيز 1/141.
Sidoo kale Cumar iIbnu Cabdul Casiis waxaa laga wariyay inuu diiday in Fardaha la orodsiiyo oo la daaliyo iyadoon dan lagu gudanayn,islamarkaana aan lijaam looga dhigin Bir qabanaysa.
Wuxuu kaloo waaligii Masar u qoray inuu maqlay in Awrta Masar la saaro Rar dhan kun Rodol,wuxuu ku yiri maanta ka dib yaanan maqal Rati lagu raray wax ka badan lix boqol oo Rodol.
Islaamku waa Diin Naxariis oon xitaa ka gaabinin Kaalinta Xayawaanka.

Comments
Post a Comment