Milicsiga Dharaartii Dharaaraha 41-Guurada Curashadii SNM: (6/4//1981kii – 6/4/2021ka) - Qoraa Boobe Yuusuf Ducaalle.
Milicsiga Dharaartii Dharaaraha 41-Guurada Curashadii SNM: (6/4//1981kii – 6/4/2021ka) Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, cankaabo@gmail.com, www.dharaaro.net 06/04/2022ka, Hargeysa. “Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade, Ganbo-xoorka waayaha haddii, laysu minan-guursho, Dad uun baa ma-guurtada lahaa, goobihii baxaye, Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide, Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede, Nin uun baa guddoonshee xil waa, laysu gororshaaye, Galladduna waxay saaran tahay, wax isu geygeyne,” Gudgude, Hadraawi, 1990kii. Waa Dharaar…..Waa Dharaar ka mid ah Dharaaraha ugu mudan dharaaraha ay shacbigu tirsadaan. Waa Dharaar aynu ka yeelannay dharaarihii jaan ee uu inagu qasbi jiray nidaamkii inagu habsaday. Waa Dharaartii aynu ka hor geynay maalintii aynaan mahadin ee 21kii Oktoobar ee 1969kii. Dharaartani waa Dahraartii aynu ku ballaysinnay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee aynu ku soo dhacsannay gobannimad...