Carshigaad Ku Qoran Tahay. Waxa Curiyey: Cadnaan Qabyotire.

 Carshigaad Ku Qoran Tahay

 

Wakhtiyadda culculisiyo

Waayyaha carqaladdaa

Qofka caabbiyaad tahay.


Cawaysyadda i ciiliyo

Maalimaha cataabkaa

Waxad ii carruustaa

Dahri'gaagga canabka.


Cabashooyin aan qabbo

Nafta caawisaad tahay.


Kasha caymisaad tahay

Caqligaygu guushuu,

Camir uu is leeyahay.


Hanka iga ceshaad tahay

Ceebtaan mar galli laa.


Caalim nolasha kaabiyo,

Caaqilkayggi baad tahay.


Cashar maanka deeqo,

Laga dheeggo carrafoo,

Lagu caafmo baad tahay.


Cir darroor ku joogtoo,

Sida looga cabi lahaa,

Aadmuhu cugtaad tahay.


Caadaan suleekhaad

Caarra dhafi'saayoo,

CARSHI'GAAD KU QORAN TAHAY.


Jana'daad ka tahay caan

Kuwa lagu ciseeyiyo,

Safka hore ciduu yahay,

U calaammad baad tahay.


Cag markaad yar qaadee,

Kaa muuddo caraftuna,

Xorar caynta goobtaa,

Camal wadda hinaastoo,

Callan kaad u sidda'taa.


Ma cadhootid cishanoo,

Farxa'daaddu waa cutub

Laga barto cibaaddadda.

                     

Dayr jawigga carri'yoo

Lagu cammal falaad tahay.


Nolashayda cammirtaay;

Caada tiigso leeyahay,

Dhiirintaddaa currisoo

Salaan cagaha saarroo

Aan cidhib sadaad tahay.


Cad ceeddiyo ilayskuna

Ka cabbsoo jidhkaagoo,

Haddi ay cawirri'lahayd,

Waxay ugga cud'aarteen

Inu Rabbi cadaaboo,

Cayna'daaddu waa burji.


Cagta kolka yar saartee,

Istidhaa cabaar soco,

Ciiddiyo dhulkoo idil,

Waxay kugu casuumaan,

Farxad aana caddad wadan.


Caqligaygu intu jirro

Miyirkaygu caam yahay

Kaama tago cuddooneey.


Iil i celiya mooyiye

Cimrigayga inta hadhay,

Marna kaama caagoo

Sikin kaamma calool go'.


Curubtii wannaaggaay,

Cosobkii kal deeqaay,

Cafi'maadka indhahaay,

Farax-xeey ceeb laay,

Quruxdii culuumtaay,

Cisi'gii bar baartaay,

Fani-daan calma'dayeey

Kama caago weedhiyo

Codkan eesh qiyaaska ah.


Cishadayna dhagahay,

Ku celceshanin sawdkaa,

Caajis kama bogso'doo

Cagahayga taagwaa,

Cid waliba dareentee,

Waan caabudi lahaa,

Hadi shirki i celinayn.


Ma cadhootid cishanoo,

Mabba lihidna ceebnoo

Camalkaagga goonida

Aadnaha ka cayn duwan

Waa waxa i cajabi'yee

Igu sii siliij cabir.


Cashariyo tufkaa mudan

Noqoy,camal falkaaguna

Cududdii ixsaankoo

Ruuxa colaad qaboojiya

Ku sidoo caroog nabad

Dhakhtar caafimaad tara,

Cid dabiib u baahnayd.


Wa ku caashaqoo ogid

Kuma cana'do oo ogid 

Kuma caasiyoo ogid

Kuma ciilo oo ogid

Ku caleemo saaraye

Cimrigaa ahoow taan

Ugu faano cadawgay.


Carshigaad ku qoran tahay 

27,07,2022.

Cadnaan Qabyotire.



Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -