Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.
#SNM reerkii sameeyay iyo deegaanki jabhadii u horaysay laga sameeyay Waa reerka #isaaq ugu faraha Badan uguna Cududu Badan (SUBEER AWAL) waa qayb kamida intan waa gaar ahaan qamiyada #sacad muuse ,iyadoo .muuqaala waa lasoo bandhigayaa, faan beena iyo faata bakh looma baahna Garxajisow ,reerkan talada dalka haya aqoon baa idinku laaban,inkastoo ciidanka bari jooga iyo galbeedba iyaga u badanyihiin waad is yar.taqaanaan😁😁
SACAD MUUSE waa reerka ugu Saraakiisha badnaa SNM uguna Ciidan Badnaa uguna Guutooyin badnaa. Waxaa ka mid ahaa Guutooyinka .Guutadii 20aad Guutadii Afaraad Guutadii 99 Guutadii 5naad Guutadii 88 amba baha Sacad Guutadii Guutadii Dibile iyo Guutadii Sayid Cali oo Qayb ka ahaayeen .
Aasaaska SNM waxaa lahaa Axmed jimcaale iyo maxamed xaashi uu Sucuudiga kala abaabulay. Sawirada midig ka bilow Kow waxa ka bilowdaa Axmed jimcaale kuna dhamee Muuse biixi.
Mujaahidka leh Sawirka kowaad
1- Mujaahid Axmed Jimcaale Guuled
Zubeer Awal -Sacad Muuse -Nuux Ismaaciil -Reer Axmed waa :- Aasaasihii Ururkii Xaq u dirirka ahaa ee SNM ahaana Gudoomihihii ugu Horeeyay ee SNM Mujaahid Axmed Jimcaale.
Mujaahidka leh Sawirka 2aad
2. Mujaahid Sheekh yuusuf Cali sheekh Madar. Heebtiisu waa Zubeer Awal - Sacad Muuse - Nuux Ismaaciil - Reer Xoosh .
Mujaahid ku wuxuu ahaa Gudoomihihii 2aad ee SNM ee xilka kala wareegay Gudoomihihii hore Axmed jimcaale 1983kii. Gudoomiyuhu wuxuu kaloo wuxuu ku xusanyahay guurtidii talayada u dajin jirtay snm khilaafaadka SNM xalin jirtay .
Mujaahidka leh Sawirka 3aad
3-Mujaahid Ibraahim Meygaag Samatar Fure.
Heebtiisu waa Zubeer Awal - Sacad Muuse- Cabdale Sacad - Reer Muumin
Mujaahid waxaa uu ahaa aqoonyahan iyo siyaasi xilal kala duwan ka soo qabtay dawladii somaliya , jabhaddii SNM , iyo Somaliland .
Ibraahim meygaag wuxuu ku dhashay Hargeysa 1939 . wuxuu waxbarashadiisa ku qaatay Hargeysa , Cammuud iyo Sheekh.
Waxaa loo diray waxbarasho jamicadeed 1962kii , isagoo ka soo qalinjebiyay jamicadda Yeel ee dalka USA .
wuxuu ku soo laabtay Muqdisho oo laga dhigay agaasimaha waaxda miisaaniyadda ee wasaaradda maaliyada .
Sida uu BBC u sheegay Maxamed Cabdi Ismaaciil Samater, oo ka tirsan qoyskii uu ka soo jeedey Ibrahim, waxaa Ibraahim uu noqday wasiirka maaliyadda horaantii todobaatanadkii dawladdii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre, markii danbena madaxdii Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Somaliyeed XHKS , laakiinse wuu iska casilay.
Waxaa uu noqday horaantii sideetamaadkii Ibraahim Meygaag Safiirkii Somaliya ee Germany. wuu ka goostay dowladdii kacaanka oo wuxuu 1984kii ku biiray jabhaddii SNM Wuxuu noqday gudoomiyihii golaha dhexe ee Jabhaddii SNM ilaa 1991kii .Ibraahim Maygaag wuxuu asaasay Guutadii 88 .Ibraahim maygaag waxaa lagu xasuustaa Sii dayntii 500 oo Askari ka tirsanaa Xukuumadii Soomaliya oo lagu Qabtay Dagaaladii xeebaha Galbeedka gaar ahaan lughaya Isagoo ku amray ciidamadii SNM ee guutadii Baha Sacad inay sii daayan gadiid iyo shidaalna siiyaan. Markii la riday dawladii Somaliya. 18kii may 1991kii markii Ibraahim maygaag wuxuu kaga dhawaaqay Goonni isu taaga Somaliland magaalada Burco 18/5/1991kii isagoo ka jeediyey Goobtaas Qudbad taariikhiya .Wuxuu ibraahim meygaag noqday gudoomiyihii ugu horeeyay ee golihii wakiilada Somaliland oo beelaha wada dega somaliland markaa sameysteen.
1993kii ayaa Ibraahim Meygag dib ugu noqday dibedda gaar ahaan Mareykanka iyo Japan oo uu Professor ka ahaa jamicado, ilaa uu ku geeriyooday Japan 31kii Jenweri 2011.
Mujaahidka leh Sawirka 4aad
4.Mujaahidkii Mujaahidiinta, khaalid binu waliidkii SNM . Waa naaneeso uu lahaa Xasan yoonis Habane.
Heebtiisu waa Zubeer Awal - Sacad Muuse - jibriil Abokor - baha Cumar - Reer xoosh
Wuxuu dhashay sanadkii 1950kii. Xasan yooni Habane waa sarkaalkii ugu taytalka sareeyay SNM .Waxaa uu Ruushka ka soo bartay Khibrada Ciidanka Dhulka 1973kii . Waxaana uu markaa helay hal xidig. Sanadii 1977kii waxaa uu ka qayb galay dagaalkii Somalia iyo ethopia waanu ku dhaawacmay darajadiisana waa la kordhiyey waxaana uu noqday 3 xidigleh. 1982kii wuxuu si Toos ah ugu biiray Ururkii SNM . Wuxuu Isla markiiba Noqday Taliyaha Ciidanka SNM. Sanadkii 1984kii waxaa laga dhigay taliyaha snm ee Aaga Maka amba Aaga Galbeed. Dabayaaqadii 1987kii waxaa lagu doortay shirwaynihii 5aad ee lagu qabtay magaalada Adari ee Itoobiya inuu noqdo abaanduulihii guud ciidamada SNM . Xasan yoonis waxaan marnaba la iloobin doonin habkii uu u shaxda ugu dhigay ciidankii SNM ee galay Gudaha Hargaysa iyo Burco . ILAAHAY ha naxariistee wuxuu ku 2006kii waxaanu mudo dheer taliyaha ciidanka ka ahaa Somaliland intaanu dhiman ka hor.
Mujaahidka leh Sawirka 5aad
5.Gaashaanle sare Mujaahid Maxamed Cilmi samatar galaan. Heebtiisu waa Zubeer Awal -Sacad Muuse -Cabdale Sacad -Reer Muumin
Mujaahidku wuxuu ka mid ahaa Bayloodyadii Dowladii Somalia . Waxaa uu waxbarashadiisi Cilmiga Ciidanimo ku Soo qaatay dalka Ruushka todobaadtameedyadii. Mujaahid ku wuxuu SNM ku soo biiray markii la asaasayba. 1983kii mujaahidku wuxuu ku shiriyey magaalada Xarshin 13 nin oo Labeentii Isaaq ah oo culumo iyo salaadiin lahaa bartaasaana Sunihii Guurtida laga qaatay . Mujaahidku wuxuu ka mid ahaa Sarkaalkiisha ugu waaweyn ee SNM waxaanu Si gaar ah ugu xusanyahay Soo galitaankii Hargaysa . Mujaahidku wuxuu Hogamiye u ahaa Ciidankii Sayid Cumar ee Waajibkoodu ahaa inay Weeraraan Qaybta iyo miiska Saraakiisha. Mujaahidku wuxuu dhaawac culuus ku galay dagaalkii 73 cisho Hargaysa ka Socday dhaawacaasoo uu halis ku galay kaliftayna in Dibada loo qaado. Mujaahid Maxamed Cilmi samatar galaan wuu noolyahay. Ilaahay cimrigiisa ha dheereeyo isaga iyo mujaahidiintii dhab ka ahayd halgabkii SNM sida cabdirahman aw cali Faarax iyo dhago weyne iyo xasan jaamac ciise intaba Ilaahay cimrigooda ha dheereeyo.
Mujaahidka leh Sawirka 6aad
6.Muj.Axmed Jaamac Sabban, oo ku magac dheeraa “Janan Oogo”. Heebtiisu Zubeer Awal-Sacad Muuse-yaasif-Reer Cabbane
Wuxuu ka mid ahaa saraakiishii waaweyneyd ee SNM. kuna shahiiday dagaaladii.
Muj. Axmed Jaamac Saban, wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa 1954-kii, wuxuuna waxbarashadisii hoose ku soo qaatay dugsiga Shiikh Bashii, waxbarashadii dugsiga sarena, dugsiga sare ee Faarax oomaar, Hargeysa. Markii danbena wuxuu ahaa saraakiishii Ruushka loo diray ee wax ku soo baratay, toddobatanaadkii.
Muj.Janan Oogo, markii danbe wuxuu ahaa saraakiishii waaweyneyd ee ka dhiidhiday xukunkii dooxatada,wuxuuna ku biiray ururkii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaliyeed ee SNM.
Mujaahid Janan Oogo, waxaa lagu xasuusta goobo baddan oo dagaal, kii ugu danbeeyey”se ee uu noloshiisa ku waayey waxay ahayd 1988-kii, markii ciidamadii SNM, Burco galeen, oo dagaal xoogani ku socdo,gurmad baddana meel walba ciidankii Soomaaliya ka soo gaadhayo, ayaa Muj. Janan Oogo iyo saraakiil kale oo baddan waxay go’aan sadeen inay gurmadka Hargeysa ka baxaaya joojiyaan, isla markaana ay burburiyaan ciidamadii Dawladda ee fadhiyay cadaadley iyo nawaaxigeeda.
Galabnimadii 28.May.1988, ayaa saddex guuto oo kala ahaa, Sayid Cali, Barkhad iyo Sh.Sancaani, waxay usoo dhaqaaqeen inay cadawgii fadhiyay Cadaadley iyo nawaaxigeeda baabi’iyaan,
saddexdan guuto, iyagoo aan dhaqaaq joogsi lahayn ayey ciidankii cadawga isa soo kortaageen, galabnimadii 29.May.1988-kii, waa jibkooduna wuxuu ahaa.
. Ciidanka Sayid Cali oo isku dhaf aha uuna Hogaamiye ka ahaa Maxamed Cali abaanduulana ka ahaa Janan Oogo waxay qorshaysnaa inuu qabto taliska guutada 86-aad oo ugu adkayd uguna xooganayd
. Barkhad oo uu Hogamiye ka ahaa Xuseen dheere inuu qabto taliska gaaska 12naad.
. Sancaani inuu qabto ilaalada kowaad ee Cadaadley oo fadhigeedu ahaa Weeraarta.
Mujaahid Janan Oogo, wuxuu ahaa abaanduulihii guutada Sayid Cali, oo faqashtu aad uga cabsoon jirtay. Wuxuuna galabnimadii 29.May.1988-kii, saacadu markay ahayd 05:30pm, Uu xabadii ugu horeysey ku riday, taliskii guutada 86-aad. Waxaana halkaas ka bilowday dagaal aan waxba la’iskula hadhin, waxayse guusho muddo 30 daqiiqo aan ka badnayn, ku raacday, guutadii Sayid Cali, waxayna si xarago leh ula wareegeen, taliskii 86-aad ee ciidanka faqashta.
Waxaase soddonkaas daqiiqo ku shahiiday, abaanduulihii guutada Sayid Cali, Muj. Axmed Jaamac Saban, “Janan Oogo” oo ciidadamada hor kacaayey. iyo afar mujaahid oo kale.
Si’loogu dayduu geesina u diriraa
Meesha ay dad ka maagaan
Usha weeye lagu dayo. Abwan Ibrahim Gadhle.
Mujaahidku xilkiisii waa gutay, illahayna janatal farduusa haku abaal mariyo, waxaase wanaagsan isaga iyo mujaahidiintii kaleba inaan la ilaawin ee la xasuus naado, goobo muhiima oo magacyadoodu ku waaraana, loogu magac daro.
Dhimashada xaqii
Waa dhaqan waddani! Abwaan Adan Tarabi.
Dhimasho xaq ah, oo ta ugu saraysa ee shahiidnimada ah, ayay shahiideen, Mujaahidiintii SNM.
Mujaahidka leh Sawirka 7aad
7.Mujaahid: Aadan Sheekh Maxamed Cabdi Casoowe (IHUN)
Zubeer Awal -Sacad Muuse -xusen abokor -Bahgobo
Hordhac:
“Islaw dara-diggiisii,
Danab Aadan Shiiniyo,
Dadban baan ku dhaartay,
Karuur duur-xulkiisii,
Iyo Damalki Koosaar,
Dedan baan ku dhaartay,
Dil-dillaanka dhiiggiyo,
Inta nacabku dooxee,
Dahan baan ku dhaartay,
Inta daaha dhagartiyo,
Ku xidh-xidhan dalluuntee,
Dabran baan ku dhaartay,
Dalan-doolka caydhiyo,
Dingaraarka mudankiyo,
Dib-jirkaan ku dhaartay,
Inta cadowgu dayrshee,
Dibadaha u hoyatee,
Dulman baan ku dhaartay
Daalalley, Maxamed Ibraahin Warsame, ”Hadraawi”.
Aadan Shiine wuxuu ahaa Sarkaalkii labaad ee ugu Hor talaabay . Waxaanu noqday kolkii snm la sameeyay taliyihii SNM ee Galbeedka 1982. waxaa kale uu noqday Gudoomiyihii ku xigeenkii SNM wakhtigii uu Gudoomiyaha uu ahaa ina koosaar. Waxaa kale uu Noqday Xogyahayihii Ciidanka SNM . Waxaa uu qayb wayn ku lahaa hawlaglkii dilkii Axmed Aadan oo ahaa taliyihii nabad sugida ee Hargeysa. Waxay taasi sababtay in Xukuumadii Siyaad bare iyaduna ugaadhsato saraakiishii SNM . Aadan hortii waxaa la dilay ina koosaar . Aadan shiine isagana waxaa dil qorshaysan loo lagu fuliyey 1987kii . Ilaahay ha u naxariisto.
Mujaahidka leh Sawirka 8aad
8. Shahiid Axmed ibraahim oo ku magac dheer Raage bidaar .Heebtiisu waa Zubeer Awal - Sacad Muuse - jibriil Abokor - bahabar Aadan
Wuxuu ka mid ahaa Mujaahidku saraakiishii aar sare . Waxaanu ahaa taliyaha Guud ee Sahanka Aaga Maka . Raage bidaar wuxuu hawlago basaasnimo ka fulin jiray Gudaha Hargaysa. Isagoo og khatarta ay leedahay howshaasi ka muu waaban jirin .waxaana xaqiiq ahayd in si fuduud loo garankaro maadaama uu ka tirsanaa jiray ciidanka Siyaad barre ee uu gaanshaanlaha ka ahaan jiray .Ilaahay waa u fudaydiyey markastana Ilaahay cida xaq u la jiro wuu garab siiyaa. Shahiid Raage bidaar waxaa ku dhintay dagaal ka dhacay xeebaha Gobolka awdal . Fadlan ha loo duceeyo.
Mujaahidka leh Sawirka 9aad
9. Mujaahid Aadan dhamac . Heebtiisu waa Zubeer Awal - Sacad Muuse - Cabdale Sacad - Reer Dari.
Mujaahid Aadan dhamac wuxuu ahaa ka hor intii uusan Snm ku biirin madaxa lida madaafiicda dhexe ee somaliya. Wuxuu ka mid ahaa saraakiishii gashay diri dhabe 1977kii. Mujaahid Aadan dhamac wuxuu ku biiray SNM 1983kii wuxuuna Ahaa abaanduulihii guutada Sayid Cumar ee uu watay maxamed cilmi samatar galaan. Soo rogaal celintii ciidamadii SNM mujaahid aadan dhamac wuxuu ahaa dagaal galiyihi Guutada Baho Sacad 1991kii.
Mujaahidka leh Sawirka 10aad
10. Mujaahid Cabdikariim Xaashi Cilmi. Heebtiisu waa Zubeer Awal -Sacad Muuse - Makaahiil - Abokor makaahiil.
Mujaahid ku xusan Burco Duuray
Mujaahid ku wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii SNM ugu tunka weynayd. Mujaahidku wuxuu dugsigii dhexe ka soo baxay biyo dhacay waxaanu dugsiga sare ka baxay sheekh School. 1970 ayaa loo diray Ruushka waxaanu ka soo Qaatay Engineering Diyaarada 21 ah hadana 1976 wuxuu Masar ka soo Qaatay Air karav. 1983 wuxuu ku biiray ururkii SNM . Wuxuu mujaahidku ku suntanyahay Dagaalkii Burco Duuray. 17 October 1984 waxaa ciidan ka koban 330 mujaahid kala hogaaminaayey Mujaahid Lixle iyo Mujaahid Cabdikariin xaashi cilmi iyo mujaahid Cabdirisaaq Axmed cali . Mujaahid walba wuxuu gaar u hogaaminayey 110 mujaahid waxaana taliye Guud u ahaa Mujaahid lixle Taliye ku xigeena waxaa ahaa Mujaahid Cabdikariin xaashi cilmi. Dagaalkii burco duuray waxaa ku dhintay Mujaahid lixle dagaalku wuxuu bilaabmay 12 duhurnimo waxaanu socday ilaa 7 fiidnimo. Mujaahid lixle wuxuu dhintay dagaalku marku Socday 2 saacadood waxaana la wareegay taliska ciidankii SNM Mujaahid Cabdikariin xaashi cilmi oo aad loogu amaanay sidii uu usoo uruuriyey ciidankii snm ee isku dhex yaacay kolkii taliyahoodi guud dhintay. Mujaahid Cabdikariin xaashi cilmi wuxuu mudo dheer ahaa taliyaha guutadii Sayid Cali kana mid ahaa saraakiishii soo martay guutadaas. Waxaa kale uu taliye guuto u ahaa Guutadii dibile. Mujaahid cabdikariin xaashi cilmi isagoo taliye guuto ah buu hargaysa soo galay 1988kii kuna dhaawacmay. Cabdikariim labada bowdyow ayuu ka jabay waxaana noo qaaday geed-deeble. Cabdi rakibmaan kamuu hadhin Halgankii kolkii uu soo kabmay wuxuu ku soo noqday dagaalkii iyo soo rogaal celintii SNM 1991 isagii ahaa Sarkaalkii guutadii baho Sacad .
Mujaahidka leh Sawirka 11aad
11.Shahiid Axmed dhagax . Heebtiisa- Zubeer Awal - Sacad Muuse - Siciid Ismaciil -Reer Samatar .
Mujaahidku wuxuu ahaa Sarkaalkii 3aad ee talaaba. Waxaana uu ka mid ahaa Sarkaalkiisha Sida weyn uga dhex muuqday SNM . Axmed Dhagax wuxuu taliye u ahaa Guutadii 20aad. 31/5/1988 kii wuxuu ka mid ahaa hoogaamiyaashii soo galay magaalada Hargaysa. 20aad waxay waajib keedu ahaa inay weerarto qaybta iyo birjeex . Waxaa Aaga kula jiray laba guuto . Guutada Sayid Cumar oo uu watay Maxamed cilmi samatar galaan iyo guutada Sancaani oo uu watay Aadan Cadde .Hargayas waxaa fadhiyey ciidankii ugu xooga waynaa ee Soomaaliya kana tirsanaa taliska 26naad oo ahaa gaaska 2aad. Mujaahid Axmed dhagax wuxuu ku shihiiday dagaalkaas. Waxaana loogu magac daray Degmadii uu ku dhintay kana mid ah shanta degmo ee Hargaysa .
Mujaahidka leh Sawirka 12aad
12. Mujaahid Marxuum Cabdilaahi Askar Barkhad
Heebtiisu Waa Zubeer Awal -Sacad Muuse -Nuux Ismaaciil -Reer Gadiid.
1947-dii waxa uu ku dhashay magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia, waxaanu waxbarashadiisii H/dhexe ku soo qaatay isla magaalada Diridhaba, waxaanu dalkiisa hooyo ku soo noqday sanadii 1966-kii, halka uu 1967-kii layli sarkaal ugu bay dalkii la isku odhan jiray midawgii Soofiyati, isla markaana waxa uu ku biiray ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed ee dalkii la isku odhan jiray Somalia, muddo kadib waxa uu dalka maraykanka ku soo qaatay aqoonta sare ee hogaaminta ciidamada iyo tababaristooda.
Alle ha u naxariistee Col. Cabdilaahi Askar Barkhad, waxa uu ka mid ahaa saraakiishii u adkaysan waayey tacadigii iyo gumaadkii lagu hayay bulshada reer Somaliland oo u badheedhay inay dagaal hubaysan oo naf-hurid ah kala hortagaan taliskii Siyaad Barre, isaga oo ka mid ahaa saraakiishii haldoorka ahaa ee hogaaminaysa jabahaddii SNM ee dib-u-xoraysay Somaliland.
Waxa uu ahaa sarkaalkii 12-kii April 1983-kii markii ay ciidamadii Taliskii Af-weyne qabteen Cabdilaahi Askar, oo markaa magaalada Hargeysa ka fulinayey hawl-galo qarsoodi ah ay Xerada Miiska Saraakiisha ee Birjeex kala baxeen koox uu hogaaminayey Mujaahidkii Geesiga ahaa ee Ibraahim Ismaaciil (Koodbuur) oo ahaa Gaashaanle Dhexe oo ka tirsanaa xoogga dalka Soomaaliyeed .sanadii 1984 DAGAALKII BUURAHA ,Ciidan uu hogaaminaayo Mujaahid Cabdilaahi Askar waxay galeen Buuraha Golis halkaas oo Ciidamadii SNM dagaal qadhaadh la wadaageen Ciidamadii xooga dalkii laysku odhan jiray Somaliya oo kaashanaya ciidan beeleedo takiskii siyaad bare sameeyay halkaas oo ku dhinteen Mujaahidiin aad u badan .
Mujaahidka leh Sawirka 13aad
13. Mujaahid Axmed golhaye . Heebtiisu waa Zubeer Awal -Sacad Muuse -Cabdale Abokor - Reer cumar ismaaciil
Mujaahid ku wuxuu ka mid ahaa saraakiishii guutadii baha Sacad amba ciidamadii la odhan jiray 88 . Mujaahidku wuxuu ahaa dagaal galiyihi Guutadaas kana dagaalami jiray buurta waraaballey ilaa waqooyiga Hargaysa iyo lughaya. Mujaahid wuxuu sidoo kale ka mid ahaa ciidankii dagaalkii buuraha 1984kii .
Mujaahidku wuxuu gaar u watay unug ka tirsan guutada baha Sacad oo caabudle ku jid goyn jiray fashata. Waxaana la odhan jiray wakhtigaas deegaanka uu ciidankaasi fadhiyi jiray dodobada cadaabood iyo caabudle taas oo muujinaysa awooda uu ciidankaasi .Mujaahidka waxaa gacan ka xaq daran ku dishay magaalada Harta Sheekha.
Mujaahidka leh Sawirka 14aad
14. Gaanshaale sare Mujaahid Maxamed Cabdilaahi xasan oo ku magac dheer jidhif Heebtiisu- Zubeer Awal - Sacad Muuse - jibriil Abokor - reer Dalal
Muj. JIdhif wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu waaweynayd ee khibrada u lahaa Cilmiga ciidamada waxaa ka horeeyay uun ibraahim Dhago weyne . Jidhif wuxuu ahaa taliyihii Guutadii 99 ee lagu naaneesi Jiray indho casayaasha. Waa nimankii galay xeebaha galbeedka ilaa lowyocadao. Guutadii 99 waxay dagaal kula jirteen laba ciidan . Ciidankii Dowladii Soomaliya gaar ahaa taliska 26 naad gaaska koobaad iyo jahbadii horseed (gudehuursi )ee siyaad barre hubeeyay .
Qiso xasuus mudan oo ku suntanyahay Mujaahid jidhif oo gobonadiisa ka markhaati kacaysa ayaa jirtay. Dhancadna 1989kii bishii november Taas oo ahayd kolkii snm gobolka awdal qaybo badan gacanta ku dhigeen ayaa safaaarada Soomalia soo uruurisay 117 wiil oo gudebuursiya kuna soo daadisay Aaga ay haysteen SNM . Ciidamadii sahanka guutadii 99 amba indho casayaasha ayaa qabqabatay deeto goobtii ay ku sugnaayeen taliskii guudataas ayaa la keenay . Muj jidhif oo ah nin aad u maskax badan ayaa fahmay inay tahay shirqool la doonayo in la sii huriyo colaada snm iyo reer awdal isla markaana wuxuu dib u celiyey 117 wiil . Waa uu noolyahay muj jidhif waxaanu noqday Taliyaha Qaranka Somaliland .
Mujaahidka leh Sawirka 15aad
15.Mujaahid Maxamedg Xaashi Cilmi.
Heebtiisu waa Zubeer Awal - Sacad Muuse -Nuux Ismaaciil - Reer Gadiid
Wuxuu ku dhashay tuulada dhiba oo ee koonfur bare kaga beegan magaalada jigjiga una jirta 15km . Waxaa uu quraanka ku bartay magaalada jigjiga malcaamadii aw Daa'ud . 1951 wuxuu yimid Hargaysa oo wax barashadiisa ka bilaabay waxaana uu galay schoolkii fiisher la odhan jiray imika lagu magacaabo sheekh Bashir .1971 wuxuu dalka dabadiisa ku soo bartay Engineering . Maxamed wuxuu ahaa ragii kacdoonka ka bilaabay Sucuudiga 1981 bishii April wuxuu tagay magaalada lodon si uu ula aasaaso Axmed jimcaale oo kaga dhawaaqay SNM UK.
Maxamed xaashi wuxuu Usoo amba baxay isaga iyo gudoomiyihii SNM dalka itoobiya halkaas oo ay ka bilaabeen ururinta dadka ku Abtirsada SNM . Mujaahid Maxamed wuxuu ka mid ahaa Sarkaalkiisha ugu cusulaa Garab ka fulinta SNM waxaanu ahaa Xoghayahii Dhawaa laha SNM. Kolkii danbe wuxuu ahaa Ragi asaaski golaha dhexe. Mujaahidku wuxuu tartan kula galay kursiga hogaaminta SNM Cabdiraxmaan tuur oo kaga badiyey 4 cod oo kaliya . Ilaahay cimrigiisa ha dheereeyo mujaajidka.
Mujaahidka leh Sawirka 16aad
16.Mujaahid Mahdi Cali faarax . Haybtiisu waa .Zubeer Awal -Sacad Muse-Jibriil abokor- reer yoonis -reer Xaad Cali
Taariikhdu markay ahayd 31.MAY.1988, 30 sanno ka hor, guutadii shanaad ee SNM ee Aagga Hargeysa, ayaa duulaan ku qaaday magaalada Gabiley iyo nawaaxigeeda. Guutadan oo uu hogaaminaayey Muj.Mahdi Cali Faarax oo ah ninka halkan sawirkiisu idiin ka muuqdo, horena u ahaan jiray Taliyihii Iskuulkii tababarka SNM ee ku yaalay Awaarre,ahaana Macalinkii tobaray mujaahidiin badan oo SNM soona saaray rag badan oo magac ku Snm. Guutada Shanaad Ayaa waxaa waajibkoodu ahaa inay Gabiley iyo naxaawigeeda ka xoreeyaan ciidankii dawladda, dhanka kalena ay joojiyaan gurmadkii ka imaanaayey gaaska 1-aad ee qaybtii lixaad iyo labbaatanaad fadhigooduna ahaa magaalada Boorama.
Si weyn oo ayna ka soo waaqsan ayey guutadan shanaad uga guuleysatay ciidankii Soomaaliya ee fadhiyay Aagga Gabiley iyo hareeraheeda. Faataxada haloo maro shuhadadii SNM.
Mujaahidka leh Sawirka 17aad
17.Shahiid maxamed xasan Gacmo dheere . Heebtiisu waa Zubeer Awal -Sacad Muuse - Nuux Ismaaciil - Reer Shirdoon
Hordhac
Geed balaadh iyo sayliyo
Aroor Goodiyadiisiyo
Gunburaha dhinaceediyo
Wadadii Gummareed
Sahankii Gacmadheere
Guutadii Cadaroosh
Ciidankii Gudbanaayee
Faqash Goobwalba Joogtee
Gaadhi waayay sirtiisee
eydhi eydh gulufkii
geyiga aan ku xoraynay
loogusii gogolxaadhay
gaar Raguu la kulmaayay
habeenkii Gigta weyne
dhacday ood Garanayso
gariirkii Qaybta Hargaysa
Gacmadheere Habeeno
Guduhuu Ku jiraa
By Cali xasan Aadan ( Banfas)
Mujaahid gacmo dheere wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu cuslayd SNM . Wuxuu 5 Habeen ka soo horeeyay Ciidankii SNM soo galintaankii Hargaysa isaga iyo ciidan sahana uu watay waxaanay ka koobnaayeen 18 mujaahid oo isku baahiyey Gudaha Hargaysa . Waxaana ka mid ahaa ragii cuslaa ee la socday cali Guray iyo axmed Japan. Gacmo dheere wuxuu ku dhintay dagaalkii Hargaysa ee socday 73 naalmood. Mujaahidku wuxuu ku aasanyahay anayo oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Hargeysa.
Mujaahidka leh Sawirka 18aad
18.Mujaahid Muuse biixi Cabdi .Heebtiisu waa
Zubeer Awal -Sacad Muuse -Siciid Ismaciil -Reer Samatar.
waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ku taal galbeedka magaalada Hargeysa dabayaaqadii sannadkii 1948. Malcaamaddii u horreysay ee Qur’aanka looga bilaabay waxay ahayd Macallin Jaamac, HEEGADA, Hargeysa. Waxa kaloo lagu daray Malcaamaddii Ina Sheekh Ibraahim Baraawe ee dooxa agtiisa.
Sannadihii 1959 ilaa 1966 waxa uu waxbarashadii dugsiga hoose/dhexe ku qaatay dugsiyada Biyo-dhacay iyo Biyo-dhacay dhexe.
1966 – 1970 waxa uu waxbarashadiisii sare ku qaatay Dugsigii sare ee Camud ee Boorama.
1970 – 1973 waxa uu shahaaddidiisa koowaad ee degree-ga ku bartay cilmiga ciidammada cirka iyo bayloodnimada (Military Air force and Pilot Training) oo uu ku qaatay Akadamiyada ciidammada ee Djembe oo ku taalay Karganistan ee dalwaynihii midowgii Soviet (USSR).
1973 – 1974 waxa uu ka hawlgalayey xafiiskii hawlgelinta ee Raxanta Diyaaradaha duqaynta Soomaaliya ee ku taallay Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
1974 waxa uu ka mid ahaa saraakiishii hawlgelinta ee xafiiskii Raxanta Diyaaradaha duqaynta Soomaaliya ee magaalada Baydhabo.
1975 waxa uu noqday ku-xigeenka sarkaalka hawlgelinta ee saldhiggii diyaaradaha dagaalka ee Balli-doogle
1977 waxa uu ka mid ahaa saraakiishii duuliyayaasha diyaaradihii ka qayb galay dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Etiopia, isagoo markii dambena diyaaraddiisii oo lagu toogtay Jig-jiga iyadoo gubanaysa uu kaga booday garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo uu ka badbaaday.
1978 wuxuu noqday ku-xigeenka xafiiskii cilmi-baadhista Wasaaraddii Gaashaandhigga Soomaaliya.
1979 wuxuu ahaa hoggaanka Waaxda Arrimaha Dibadda ee Wasaaraddii Gaashaandhigga Soomaaliya u qaabilsanayd Yurub iyo Maraykan.
1981 waxa uu kamid noqday 4-tii sarkaal ee u horreeyey Soomaali ee shir ku gala Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon, waxaana saraakiisha wehelinaysa ku jiray Marxuum Ciise Soofe Durraan.
1981 waxa uu kooras gaaban oo ku saabsan sida qalabka Ciidammada loo kala iibsado iyo shuruucda la isku dhaafsado ku soo qaatay kulliyad ciidanku leeyahay oo ku taal Dayton, Ohio, dalka Maraykanka.
1983 waxa lagu xidhay magaalada Moqdisho isagoo loo aanaynayo inuu ku lug lahaa muddaharaaddadii ka dhacay Hargeysa, waxanu xabsiga ku jiray muddo lix bilood ah.
1984 waxa uu galay tababbar kulliyadda Fort Lee ee Virginia dalka Maraykanka.
1985 waxa uu ku biiray ururkii SNM, waxana wax yar kadib loo magacaabay Taliyihii aagga galbeed ee ciidankii SNM.
1987 waxa uu xubin ka noqday golihii dhexe ee SNM kadib shirweynihiisii waqtigaa la qabtay.
1988 waxa uu noqday madaxa Sahanka SNM.
1988 June ilaa August wuxu ahaaTaliyihii dagaalkii SNM la gashay ciidammadii dawladdii Somalia aagga Hargeysa oo uu ku dhaawacmay laba jeer.
1988 bishii November waxa uu ka qaybqaatay dagaalkii ugu cuslaa ee SNM iyo ciidankii Siyaad Barre oo muddo bil ah ka socday Kala-baydh ilaa Wajaale, December 1988 waxa uu hormood ka ahaa in si rasmi ah loo hirgaliyo Golaha Guurtida ee SNM
1989 wuxu ahaa Guddoomiyihii shirweynihii SNM ee Balligubadle ee lagu doortay Marxuum Cabdiraxmaan Axmed ali (Tuur), Madaxweynihii u horreeyey ee Somaliland.
1989 – 1991 madaxii nabadgalyada taliskii ciidanka SNM iyo xeryihii qaxoontiga ee Daroor, Kaam Abokor, Balliyalay iyo Dul-cad.
1991, 92, 93 wuxu hormood ka ahaa shirarkii dib-u-heshiisiinta iyo ku dhawaaqista Somaliland ee Berbera, Burco iyo kii siyaasiyiinta dalku yeesheen ee gunaanadkiisu noqday magaalada Sheekh (Towfiiq).
1993 waxa uu ka mid ahaa ka qaybgalayaashii shirkii qaran ee Boorama, isagoo markaa noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ilaa bishii August 1995.FADLAN LIKE IYO SHARE LA BOOB

Muj. JIdhif wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu waaweynayd ee khibrada u lahaa Cilmiga ciidamada waxaa ka horeeyay uun mujaahid xasasan yoonis habane iyo mahdi cali bidhiidh . Jidhif wuxuu ahaa taliyihii Guutadii 99 ee lagu naaneesi Jiray indho casayaasha. Waa nimankii galay xeebaha galbeedka ilaa lowyocadao. Guutadii 99 waxay dagaal kula jirteen laba ciidan . Ciidankii Dowladii Soomaliya gaar ahaa taliska 26 naad gaaska koobaad iyo jahbadii horseed (gudehuursi )ee siyaad barre hubeeyay .

1993 waxa uu ka mid ahaa ka qaybgalayaashii shirkii qaran ee Boorama, isagoo markaa noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ilaa bishii August 1995.
#KabtanBaaruud.

Comments
Post a Comment