Posts

Showing posts from September, 2022

Waxa Qoray Duqa Caasimada Puntland ee Garoowe Axmed Siciid Muuse.

Image
Dhamaan waxaan halkan ka salaamayaa Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan kuwaasoo ii muujiyey dhiirigelin iyo garab istaag mudadii aan xilka hayey iyo mararkii badnaa ee sida xaqdarada ah culayska lay saaray. Gaar ahaan, bulshada Garoowe mudaddii aan adeegaha u ahaa waxaan ku bartay wanaag, waxquur, wadajir iyo dawlad jacayl. Mudanayaal iyo Marwooyin, xilku waa meerto, qof walbaana Mar buu ka tegayaa ama hala jeclaado ama hala necbaado, balse taariikhda ayaa baal ku qoraysa muddo lagu xusuusan doono. Waxaan soo dhoweynayaa Duqa magacaaban C/qaadir Sh Axmed-Tuurre, waxaan la garab istaagi doonaa wixii talo iyo khibrad ah ee uu iiga baahdo. Waana ugu duceynayaa inuu illaahay u xilka u fududeeyo. Waxaan aad ugu qanacsanay inuu horumarka Caasimadda halkeedii kasii wadi doono, haddii aan culays la saarin ama dano gaar la doonin. Madaxweyne Deni, wuxuu xaq u lahaa inuu ii yeero iina sheego waxa uu ka doonayo Garoowe, balse bedelkeeda wuxuu soo warqado sharci-darro ah oo aan dalka...

SHAXDA DHABTA AH EE U DHAXAYSA GARXAJIS IYO JEEGAANTA.

Image
  SHAXDA DHABTA AH EE U DHAXAYSA GARXAJIS IYO JEEGAANTA. Wacanoo wanaagsan akhyaareey idil ahaantiinba, waxaynu qormadan kooban ku eegi doonaa arinka beesha ugu balaadhan degaan ahaan iyo dad ahaan Somaliland ee Garxajis, kaas oo tan iyo curashadii Somaliland la waabariisatay. Waxaynuna ka eegi doonaa dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin: Saamaynta beesha deegaan ahaan iyo dal ahaan iyo dad ahaanba, Taariikhda ay ku lahayd kifaaxii Somaliland soo gashay, xaalka Garxajis uu ku sugnaa 27 sano ee Somaliland jirsatay, shaxda loolanka Garxajis iyo beelaha kale, Garxajis maanta iyo beri. SAAMAYNTA BEESHA GARXAJIS DAL AHAAN. Inagoon ku dheeraanayn beeshani deegaan ahaan waa beesha ugu deegaan balaadhan mana jirto Somaliland beel baaxada dhuleed ee Garxajis dego degtaa14ta gobol ee hada la sheego 11 ka mida ayey deegaan ahaan degtaa waana wax iyada uun u gaara tilmaantaasi. Waa beesha qudha ee sadexda magaalo ee dalka ugu waawaayn Hargeysa,Burco iyo Berberaba deegaan rasmiya ku leh , sid...