Nabada iyo Colaada.
WAAR TOLOW COLKA JOOJI
Dadkani iyo Dalkani midna ma gayo colaad iyo dagaal.
- Hadaad ka garwdo qalad gobbay caadadeeda tahay.
- Allaw garansii Nin moog.
Maanta waa maalin adag oo murugo iyo meeqaam xumo xambaarsan loona baahnaa:-
a) Dad midaysan
b) Caqli midaysan
c) Cudud midaysan
d) Niyo midaysan
e) Tallo midaysan
f) Dastuur/Sharci loo hogaansamo.
Nabaddii Dalkani kusoo caano maalay waxa maanta bedelay :-
Colaad Dad wada dhashay oon meela kala tagi doonin , loona baahnayn in loo guntado.
Taas oo sababta keentay ahayd:-
a) Siyaasad xumo
b) Dhafoor taabasho
c) Buuq ,car iyo wir
d) Is muquunin.
e) iyo is maqal la’aan.
CODSI
Dhamaan Dadkayga waxaan si waayeelnimo indiinku kuboorinayaa in sida ugu dhakhsaha badan xabadda loo joojiyo labada dhinacba, kadib caqli fayoow lagu dhameeyo dhibta dhacday iyo wixii ka dambeeya.
1- Madaxdhaqameedka Reer SL.
Halaga kaco oo Dadkeena isku dhintay aynu daba qabateeno, waana waajib ina saaran,Aakhirana lays waydiin doono.
- Dirkaagu haduu isku dhaco Suldaan dhexdhexaadsha noqo.
2- Garaaddada/Dhaqanka/Aqoon yahaka Laascaanood fadhiya:-
Waxa maanta dhacay ma hawl yara, waase qoraal.
Dadkeena inaga baxay maanta ma fududayn, waase qoraal.
Intii dhimatay Eebbe samir iyo iimaan hayna siiyo, inta dhaawaca ahna haw booga dhayo.
Waxaan leeyahay Dagaal waxa laga dheefo horana waad u taqaaneen maantana waad aragtaan, Awoowgaal ceebtaa maanta ka dhacaday labada dhanba hala joojiyo oo meel laga wada hadli karo arrinka dhiga.
Dhib iyo dhimasho dambena aan ka hawl galo.
3- Madaxweynaha Jam. SL,
Waxaan qabaa Madaxweyne Dadkiisii is cunayo inaan ayaan darane mooyee aan orod darane la odhan karin, waxaanse tallo ahaan raacin lahaa:-
a) Adoo wax ka gaws qabsaday mar baa gefka loo liqaa inaan danta guud murkacan.
b) Adoo dhaxal reebi kara
ha noqon dhinte aan la tabin.
c) Dhawayso ruuxii ku neceb.
4- Shacabweynah Reer SL;
Waxaan idin odhan lahaa:-
- Haloo hiiliyo cidda garta leh
- Haloo hiiliyo Runta
- Haloo hiiliyo Xaqa.
- Hallo hiiliyo Sharciga
- Haloo hiiliyo Distoorka
- Haloo hiiliyo Jiritaanka SL.
5- Ugu dambayn;
aynu dhamaan Eebbe(swt) waydiisano inuu Colaadaha, Abaaraha, Xanuunada inaga dul qaado. Nabadda iyo wada dhalashadeenana ina wada tuso isna keen af garadsiiyo.
Wa Bilaahi tawfiiq.
Ugaas Ahmed Mohomed Saeed

Comments
Post a Comment