Waa Kuma Maxamed Sheekh Aadan?

 Waxa uu geeryooday sannadkii 2010, laakiin waxa uu noloshooda badbaadiyaa illaa maanta boqolaal carruur ah.


Waxa uu dhalasho ahaan kasoo jeedaa gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Maalmihii noloshiisa u danbeeyay ayaa waxa uu ka sii shaqeeyay in Hargeisa laga dhiso cusbitaal ubadka lagu daweeyo.

Cusbitaalka ugu wanaagsan magaalada Hargeysa tobankii sanno ee u danbeeyay waxa la yidhaa Dr Mohamed Adan Sheikh hospital.

Waxa loogu magacdaray ninka aan ka warramayo ee sawirkiisu idiin muuqdo.

Waa cusbitaalka kaliya ee daawayntiisu tahay lacag la'aan, uguna tayo fiican oo ay ka hawlgalaan dhakhaatiir ajaanib ah.

Dawladda talyaaniga oo cusbitaalka gacanta ku haysa ayaa ku sharaftay fulinta dardaarankiisii maaddaama oo uu muddo dheer ahaa dhakhtar in badan dalkooda kasoo shaqeeyay.

Dawladdii kacaanka waxa uu kasoo qabtay xilal ay ka mid yihiin:-

- wasiirka caafimaadka
-wasiirkii tacliinta sare
- wasiirkii warfaafinta iyo xilal kale.

Maxamed waxa uu dawladdii kacaanka marar badan kaga horyimi falal uu u arkay dulmi loo geysanayo dad aan waxba dhimin.

Waxa uu ka shaqeeyay badbaadinta rag siyaasiyiin ah oo dawladdu la rabtay xadhig iyo xukuno kasii daran.

Waa sababta dhowr goor xabsiga loo dhigay.

Lix sannadood ayuu arrimahaa ugu jiray jeelka.
Laba goor oo kalena min sannad ayuu xabsiga ku qaatay.

Waa qoraa buggaagtiisu adduunka caan ka tahay.

Aqoontiisa iyo waxtarkiisuba intan aan sheegay aad ayay uga badanyihiin.
Ku dar inta aad ka taqaanay.

Qoraa Siddiq Burmad



Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -