Maansame Hadraawi: Boqorka Maansayahannada Soomaalida!

Aniga oo yar ayaan ku ababay heesaha uu sameeyay qaar ka mid ah. Kuwa aan ugu hor maqlay waxa ka mid ahaa hooyo. Aniga oo afar jir ah ayaan ka qayb-galay aroos ka dhacay Gahaydh-weyne, heesihii ay dadku dhegaysanayeen waxa ka mid ahaa Saxarla’, erayadii Maxamed Ibraahin Warsame iyo Codkii Shahiid Maxamed Mooge Liibaan.:

“Waan soo socdaa kowdhe
Waxna waan sidaa laba dhe
Samir yeelo weligaa
Saxarlaay ha fududaan
Sidaas ayaa ay ereyadiisu maskaxdayda meel gaar ah ugu lahaayeen, bal ka warrama ninka aad weedhiisa maqashay adiga oo dhallaan ah, welina aanay maankaaga xasuusteedu ka bixin.
Intii aan ku jiray dugsiyada hoose/dhexe/sare waxa la ii dhigay qaybo ka tirsan suugaantiisa sida maansada Jeegaanta, gabayga Durdur iyo heesta Hooyo. Dhadhan iyo macne gaar ah ayaa ay ii lahaayeen. Boqollaalka ama kumannaanka ku ababay maansadiisa ayaa aan ka mid ahaa.
Markii kowaad waxa aan Hargeysa kula kulmay sannadkii 2006da, bishii Julaay. Isaga, Maxamed Axmed Cabdillaahi (Shabeel) oo ah Agaasimadda Idaacadda Quraanka ee Hargeysa iyo Abwaan Maxamed Axmed Beddel ayaa kulan gaar ah ku lahaa Rugta Shaaha ee Dawladda Hoose ee Hargeysa. Si aan ku talagal ahayn ayaan ugu soo baxay, waxa ii yeedhay Maxamed Shabeel, halaas ayaanu barashadii kowad ku qaadannay. Ayaantaasi waxa aan qortay taleefan numberkiisa oo illaa hadda aan maskaxda ku hayo.
Maalmo kaddib waxa uu noogu yimi Jaamacadda Hargeysa isla 2006da, waxaanu ka qayb-galay munaasibad ay suugaan ku soo bandhigeen Isaga, Abwaan Xasan-Ganey, Abwaan Axmed Aw Geeddi iyo rag kale. Maansada Hal-abuur ayuu habeenkaa madasha ka akhriyay.
Xidhiidh xooggan waxa aanu yeelannay horraantii sannadkii 2009ka oo aan waday qoraalka diiwaanka CULUUMTA MAANSADA. Kulammo door ah ayaanu yeelannay ka hor intii aanu si rasmi ah iigu soo gudbin weedh uu buugga ka yidhi. “Adeer, bal eeg sida aad ereyga suugaan u sharraxday. Dedaal badan ayaad gelisay” “Adeer, waa ereyadii aad daafaha caalamka ka tidhaahdeen oo aan ururiyay. Mid ka mid ah micneyaasheeda adiga ayaan kaa soo xigtay. Qaar kale Gaarriye, dar kalena Carraale ayaan ka xigtay”. Hadallo ay kuwaasi ka mid yihiin ayaanu is-dhaafsannay. “Maanta hawl kale ma lahayn, adiga iyo Xasan Maxamed Yuusuf Cabdi ayaanu ballan lahayn”. Sidaas ayaanu kulan saddex-geesood ah ugu qaadannay galab hudheelka Cali Jirde ee hore loogu yaqaannay Fish and Steak ee ka dambeeya Maaweel waa isla sannadkaas 2009ka.
Ogos sannadkii 2009ka waxa aan ka mid ahaa jileyaal soo saarayay filin la yidhaahdo “Tusmada Nabadda” oo uu Hadraawi sameeyay. Bil ayaanu hawshaas ka wada shaqaynnay, waxa aan nasiib u helay in aanu safar isugu raacno deegaanka Sayla oo ku yaalla Gobol-halgameedka Hawd. Halkaasi, waxa nalagu sooryeeyay caano geel, dhaqan iyo agabkii aanu u baahnayn sida dhiisha caanaha oo aanu jilidda u adeegsannay iyo geel xero ku jiray oo aanu doobbiga ku maalnay. Riwaayaddani waxa ay ahayd tii kowaad ee ay si rasmi ah udub-dhexaadka ugu noqdaan jilayaasha caanka ah ee Ibraahin Ismaaciil Sugulle (Sooraan) iyo Ciise Cabdi Ismaaciil (Jawaan). Anigu waxa aan ku qornaa akhriska qayb ka mid ah maansada Af-ku-siran.
Ujeedka bandhiggaasi waxa uu ahaa in uu gaadho qof kasta oo Soomaali ah. Nin caddaan ah oo ka socday Haayadda DRC ayaa igu yidhi “So you will be famous after acting this play?” “Ma caan ayaad noqonaysaa marka aad riwaayaddan jisho?”. Aniguna “yes” “haa” ayaan idhi. Abwaan Hadraawi waxa uu ahaa heegin aan habsaamin, hiirta waaberi, habeennimada iyo hadhka maalintiiba waxa aanu ku kulmi jirnay Maansoor Hotel ee Hargeysa. Laf-dhabar ayuu u ahaa tilmaanta, toosinta iyo tayaynta jileyaasha.
Haddii ay dhawaan BBCdu u aqoonsatay Boqorka Maansayahannada Soomaalida ama ninka Soomaalida ugu jira halka uu Shakespeare ugu jiro dadka ku hadla Afka Ingiriisiga,waxa aanu kaalintan u aqoonsanayn tan iyo 2011kii. Waa uu naga guddoomay milgaheeda iyo maamuuskeeda.
Waxa xus mudan in aanu Hadraawi diyaarad ka wada raacnay magaalada Berbera 13kii Disember 2012ka si aanu uga wada qayb galno afartan-guuradii qoraalka Afka Soomaaliga oo Jabuuti lagu qabtay. Markii uu bandhiggaasi dhammaaday waxa si gaar ah u casuumay dawladda Jabuuti, isaga iyo Marxuun Abwaan Dhoodaan ayaan xasuustaa in lagu hakiyay Jabuuti. Garo oo Hadraawi waxa uu garoonka diyaaradaha sii tegay 09:00 aroornimo si uu Somaliland ugu soo dhoofo, laakiin madax sare ayaa kaga daba-tagtay gegada oo casuumad gooni ah kula soo hadhay.
Aniga oo aan maqaal iyo laba kaga geyoon karin xuska iyo xasuustiisa gaar ahaaneed, waxa aan idiin soo gudbinyaa tix kooban oo milge u ah abwaankeenna weyn. Magaceed waxa la yidhaahdaa 'boqorkii shakhsiyaddaw". Waxa ay tidhi
Fig bay buurtu leedoo
Baandhaynta hadalkana
Suugaantu waa baar
Afna way u bilantoo
Waa bili Ilaahay
Aadmiga ku beermee
Billadaha kuwaw mudan
Baarqabkii hantiyayow
Hawraartii baac-dheer
Buruud kii ku qaatow
Boqorkii shakhsiyaddaw
Batar iyo tix gabay
Markii baadhitaan dheer
Oo baahsan loo galay
Biibisiideenniyo
Bulshadiisu hanadkay
Barta ugu sarreysiyo
Baarkeeda siisow
Beylihii Abwaankow
Maanso beretenkeedana
Kowda kii ku baxayow
Barihii habdhaqan togan
Barbaartiyo dadkiisaba
Ku barbaarinaayow
Damal baaxad weynow
Barde aan hadhsanayow
Bidhaanta iyo muuqana
Baalkiyo ishaydiyo
Bu’daa kuu riyaaqdee
Beryahaan arag kaan.
Boholyowga xiisaha
Baadi-goobo maqalkow
Bartii waalid aabbaa
Kii buuxinaayow
Bixinta iyo deeqdana
Geesi uunku baantaw
Marka maamul baydhaa
Badi uunka quudhsado
Goortii belaayiyo
Biime aan la hurin karin
Fule maalintuu baqo
Hanadkii badheedhee
Baaddilkiyo xumaantaba
Budka kala hortagayow
Marna baydka nabaddiyo
Xasillooni beerow
Dhaqankana badbaadshow
Bini ruux la siiyoo
Beensadu hagtaabaa
Baydh-baydh yaqaannoo
Hadba baal u leexdee
Hal-adaygga loo bogo
Bidixta iyo midigtaba
Baxsanii ku qaatow
Birlab geed-adaygow
Baarri hooyo jecelow
Bilistiyo haweenkiyo
Dhammihii Basrada dumar
Barbarkeeda joogow
Bashar lagu daydaayoo
Biligiisu roonyow
Beeleyn intuu nacay
Bigilkii sinnaantee
Qarannimo ku baaqow
Hayb-sooca boogta ah
Maansame ka baydhow
Ballankoo la gooyiyo
Been iyo ninkaan burin
Kolna looga baranow
Badaheeda maansada
Bili kii ku hoystow
Inta aanad bixin
Bili baanu leennoo
Waxaad tahay bayaanshiyo
Bare aanu jecelnoo
Wanaag noo burqanayoo
Bogga waxaad ku leedahay
Xasuus aan ba’aynnine
Intii aan adoo bohol
Badhtankeeda jiifsaday
Booyi laa malyuun jeer
Wax ka fiican Baashow
Billad aan adoo nool
Kugu baanto sharaftee
Iga hano bariidiyo
Bilyan jeer tixgelin weyn
Baydkayga maansadu
Buunbuunin maahee
Buruudkaad u qalantaan
La bakhayli waayoo
Runtii baan biniixshoo
Waa bar aad u qalantee
Billaddiyo tixgelintiyo
Guddoon bayd-sharfeedkiyo
Bushaarada an kuu sido
Inkastoon birtiisiyo
Billaawuhu qof deynayn
Ballan Weyne qoray yahay
Wedku noole badan yahay
Baaqi aan la noqon karin
Barakaale khayrlow
Beryo dunida noo joog
Boqol gu’ iyo dheeraad
Laga badi da’daadoo
Badiiciyo Ilaahay
Caafimaadka kuu badi.
Waxa qorey sannadkii 2017 abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.



Comments