Danab/ Biriq /Jac/ Hanqadh/Guguc (Thunderlighting). Qalinkii: Dhulbeeg Axmed Mooge.

 Danab/ Biriq /Jac/ Hanqadh/Guguc (Thunderlighting)

1. Danabku waa maxay?

2. Danabku muxuu ka samaysan yahay?

3. Danabku Meeshee ayuu ku dhacaa?

4. Danabka maxaa soo jiita?

5. Danabka sidee looga badbaadi karaa?.

 

1. Danabku waa aayad ka mid ah aayadaha ILLAAHAY, waa mid ka mid ah aayadaha ILLAAHAY ku dhaartay.

أَوْ كَصَيِّبٍ مِّنَ السَّمَاءِ فِيهِ ظُلُمَاتٌ وَرَعْدٌ وَبَرْقٌ يَجْعَلُونَ أَصَابِعَهُمْ فِي آذَانِهِم مِّنَ الصَّوَاعِقِ حَذَرَ الْمَوْتِ ۚ وَاللَّهُ مُحِيطٌ بِالْكَافِرِينَ  :(سورة البقرة {19})

وَيُسَبِّحُ الرَّعْدُ بِحَمْدِهِ وَالْمَلَائِكَةُ مِنْ خِيفَتِهِ وَيُرْسِلُ الصَّوَاعِقَ فَيُصِيبُ بِهَا مَن يَشَاءُ وَهُمْ يُجَادِلُونَ فِي اللَّهِ وَهُوَ شَدِيدُ الْمِحَالِ :(سورة الرعد {13})

Sidokale waxa loogu magac daray suurad ka mid ah suuradaha quraanka kariimka oo layidhaahdaa "الرعد".

Danabku waa mid ka mid ah masiibooyinka waaweyn ee dabiiciga ah ee aan layska difaaci karin ILLAAHAY haynaga nabad geliyee.

2. Danabku wuxuu ka samaysan yahay dab (Charge), gaar ahaan maayad-neg (electrostatic), kaas oo ka kooban danab togan=+(Posive charge +) iyo danab taban=-(Negative charge -) oo ka dhalata daruuraha dhexdooda ama daruuraha iyo dhulka dhexdooda. Daruurta dhexdeeda waxa ka dhasha maayad taban(-),  hoosteeda na waxa ka dhasha maayad togan(+). Ama daruurta waxa ka dhasha maayad taban(-), dhulka na waxa ka dhasha maayad togan(+). 

Sidaa daraadeed waxa jirta inay isa soo jiitaan danabyada kala duwani (Attraction), Kuwa isku midka ahna kala cararaan (Repeltion). Sidaa awgeed  labadaa maayadood ee kala duwan ee mid na daruurta ka dhalatay midna dhulka ka dhalatay ayaa isasoo jiita oo uu ka dhashaa danabku/Biriqdu, Kuwaas oo

Soo dhexgala danabkii isku Dheelitirnaa (Neutral charge) ka ahaa ee hawada dhulka iyo daruurta u dhaxaysa ku jiray, taasoo dabeed qaraxda oo samaysa dhawaaqa danabka iyo onkodka caadiga ah ee waaweyn ee awood badan oo dhulka kusoo dhaca toos na u gasha dhulka.

 Hilaaca iyo Qaraxa ama jugta weyn ee danabka waxaynu hor aragnaa falaadho hilaac ah oo dhulka isku qotomiya, kadibna qarax ama jugweyn ayeynu maqalnaa. Sidaa awgeed waxaynu moodnaa hilaacu inuu ka horeeyo danabka oo markuu hilaacu dhaco uu danabku na dhaco, laakiin sidaa maaha ee waa lidkeeda oo hilaaca iyo dhicitaanka danabka ee qaraxa ama jugta weyn waxa horeeya qaraxa iyo dhicitaanka danabka, Waayo Hirka Jabaqda (Sound Wave) waxa ka xawaare sareeya Ilayska(Light),

Xawaaraha Hirka Jabaqdu waa 343 m/s oo u dhigan halkii ilbidhiqsigii ba wuxuu jarayaa mastaafo dhan 343m,

Halka uu xawaaraha Ilaysku yahay 

299,792,458 m/s oo u dhiganta halkii ilbidhiqsigii ba wuxuu jarayaa mastaafo dhan 300,000 kiiloomitir (Km/Sec).

Danabku markuu ku dhaco walax dab gudbiye ah (Conductor) sida biraha, dadka, xoolaha.....iwm, danabku waxba ma yeelo ee sifudud ayuu ku dhaafaa oo ay ugu gudbiyaan dhulka oo uu ku galaa.  Laakiin haddii uu danabku ku dhaco walax ma gudbiye ah (Insulator) sida looxa, dhagaxaanta, gidaarada sagbadda ah, dhirta.....iwm, danabku waa ku qarxaa kadibna wuu jarjaraa oo uu burburiyaa.

Waa na sababta markuu danabku ku dhaco dadka ama xoolaha aanu u jarjarin jidhkooda ee uu sida qof laydh ku dhegey oo kale. Halka uu jarjaro ama burburiyo dhirta, dhagaxa....iwm.

Sidaynu wada ognahay tamartu (Energy) way is bedbedeshaa oo waxay noqotaa dhawr nooc oo ka dhasha tamarta, Waxa ka mid ah iftiinka(lidht) oo ka dhasha tamarta maayada qulqulka danabka (electricity Current), Sidokale waxa ka dhasha Tamarta loo yaqaano hirarka jabaqda (Sound waves), Sidokale tamarta waxa ka dhasha xoogga iyo socodka (Force or motion), Sidokale tamarta waxa ka dhasha kulka (heat), Sidaa darteed hilaacu waa Ilays, Ilaysku na waa tamar maayadeed, Keliya waa maayada danabka oo iftiimaysa. Maadaama ay tahay maayad ka kooban danab togan (positive charges) iyo maayad taban (negative charges). Tusaale xadhkaha korontada marka uu shoodhku galo ee maayad togan iyo maayad taban isku dhacaan (labada waayir ee xadhiga dabka ee mid na cas yahay {-} mid na madowyahay {-} yahay) waxa ay bixiyaan qarax iyo Ilays la mid ah hilaaca danabka roobka.

3. Danabku wuxuu ku dhacaa meeli ba meesha ay ka sarayso dhulka, sababtu na waxa weeye maadaama uu danabku yahay maayad qulqul waxa soo jiidanaya maayadaha ku dul samaysmay oogada dhulka. Sidaa darteed ka fogow walxaha kaa dhaadheer ee dhulka ka sareeya sida dhirta, guryaha, biraha....iwm.

4. Sidokale waxa danabka soo jiita aaladaha casriga ah oo dhan, waa laga fogaadaa ama layska damiyaa aaladaha elektarooniga ah xilliyada roobku da'aayo.

5. Meel dhir leh haddaad joogto geed dheer haka gelin roobka, haddii aad ka gasho na waxaad gashaa geed gaaban oo geed dheeri ku dhowyahay adigoo aan ku tiirsanaynin jirida geedka oo ka durkaaya, waayo danabku markuu geedka ku dhaco wuxuu raacaa jirida geedka oo uu dhulka ka galaa.

Meel banaan haddaad joogto na ha istaagin ee fadhiiso adigoo aan madaxaaga na kor u qaadeynin.

Xoolaha sidokale waa inaan lagu xaraynin xero dhir leh, markuu roobku da'ayo na dhirta halista ah ee dhaadheer laga kaxeeyaa.

Guryaha, Masaajidyada iyo fooqyada waa in laga dul taagaa bir ka dheer guriga oo ah biraha wax soo jiita oo dhulka ku xidhiidhsan si ay danabka dhulka u geliso.

Sidokale waa in guriga hortiisa lagu beeraa dhir guriga ka dhaadheer si ay danabka guriga uga duwaan oo uu iyaga ku dhaco.


Dhulbeeg Axmed Mooge 🖊




Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -