Kitaabka Siirada Rasuulka ee Raxiiqul Makhtuum

 Bilowgii bishan Janaayo ee dhammaadka ah, qorshahayga ugu wayni waxa uu ahaa in aan akhriyo oo aan dhuuxa kala baxo siiradii Nabiga (scw) bilow ilaa dhammaad. Waxa aan akhriyay Raxiiqal Makhtuumka, waxa aan sidoo kale dhagaystay 29 cajaladood oo uu Sh. Mustafe alle ha ka abaaliyee ku duubay siirada Nabiga (https://youtube.com/playlist?list=PLAyURNhkCPaKWtumFBd-Vf-A-k25JuwzC). Lama koobi karo duruusta iyo casharada aynu ka qaadan karno fahamka siirada Nabiga (scw). 

Haddii aynu xogaa yar ka soo cad goosanno dhaxalkan taariikheed ee qiimaha leh ee uu innooga tagay Nabigu (scw), waxa aynu tobaneeyadan qodob ee hoos ku taxan kaga warrami doona arrimo door ah oo aad ka guran karto siirada Nabiga (scw) ilaa laga gaadhayo.

1. Waxa aad si buuxda u fahmaysaa tartiibta uu qur'aanku u soo dagayay, fasiraaddiisa,  munaasibadaha uu ku soo dagayay iyo sida uu waxyigu uga falcelinayay wacyigii taagnaa xilligaas uu soo dagayay iyo dhammaan duruufuhii ku xeernaa Nabiga Maxamed (scw). Sidaas awgeed waxa aynu odhan karnaa, siirada Nabigu waxa ay qayb wayn ka qaadataa barashada iyo fahamka tafsiirka.

2. Waxa aad dareemaysaa muhiimadda uu leeyahay adkaysiga iyo dhabar adaygu, waad la yaabaysaa marka aad u fiirsato culaysyada nooc walba leh ee uu Nabigu (scw) kala kulmayay gaaladii quraysheed ee uu badbaadadooda ku dadaalayay, waxa aad arkaysaa in Nabiga la dhibay si aad cid loo dhibin. Arrinta u fiirsiga mudan waxa ay tahay, in uu Ilaahay (swt) Nabigiisa raacin karayay Malag dhulka la jara cid kasta oo hor istaagta dacwadda, laakiin waxa la rabay in Ilaahay diintiisu ay ku socoto awood bashar iyo xujooyin caqli gal ah.

3. Waxa aynu siirada Nabiga (scw) kala dhex bixi karnaa doorka ay Oorida wanaagsani ka qaadato dajinta iyo furdaaminta hawlaha uu qaadi kari waayo saygeedu, waxa aad arkaysaa doorka ay Khadiija bintu Khuwaylad ay ka qaadatay dajinta iyo xasilinta dareenka Nabiga (scw) markii uu Malaku Jibriil uu neefta ku cidhiidhyay Nabiga (scw).

4. Dacaayadaha beenta ah, boronbagaandaha, buunbuuninta iyo cunaqabataynta nooc walba leh ee maalinkan maanta ah ay isticmaalaan reer galbeedku in ay yihiin wax soo jireen ah oo lagu hor istaago xaqqa iyo runta, waana isla kuwii ay la kowsatay Ilaahay diintiisa iyo Rasuulkiisu. Gaaladii quraysheed wax walba way ku sheegeen Nabiga (scw), sixiroole, gabyaa, faalalow iyo xataa in uu yahay nin waalan. Aakhirkii, waxa ay Nabiga iyo intii raacday galiyeen cunoqabatayn dhinac kasta ah. Haddana waxaas oo dhami waxba kama ay tarin in ay joojiyaan xaqqa uu la yimid Ia yimid Ilaahay rasuulkiisu.

5. Siiradan Nabiga (scw) waxa laga dheegan karaa, kaalinta ay tagtada iyo taariikhdu ay ku leedahay dareenka aadamaha. Xilligii Nabigu (scw) uu Makka joogay waxa uu dareemayay culays iyo cadaadis aad wayn oo kaga imanayay tolkii, sidaas awgeed waxa aad arkaysaa in badan oo ah Qur'aankii Makkiga ahaa Ilaahay uu ku dajinayaa qalbiga Rasuulkiisa, waxa Nabiga (scw) ku soo dagayay suuradaha ka warramaya taariikhda nabiyadii hore iyo wixii ay kala kulmeen tolkood iyada lagu qaboojinayo oo lagu adkaynayo qalbiga Nabi Maxamed (scw). Bal u fiirso! Suuratu "Huud" sida uu Ilaahay u xidhiidhinayo dhawr Nabi taariikhdooda iyo waxa ay kala calfadeen iyaga iyo toolkood.

6. Waxa aad cashar wayn kala baxaysaa taariikhda ku xeeran hijradii Nabiga iyo sidii ay u sanqadh tirteen isaga iyo saaxiibkii. Waxa ay magaalada uga baxeen dhinaca koonfureed iyada oo madiini ka xigta dhinaca waqooyi, waxa ay galeen god ay ku jireen saddex habeen, waxa ay diranayeen sahan joojto ah. Hadda garo, oo Ilaahay ilbidhiqsigi kaliya ayuu dhoofin karayay sidii dhacdadii "israa wal micraaj" laakiin sirtu waxa ay tahay in aan la cajsi galin garaadka Aadamaha, maadaama diinta islaamku ay tahay dacwad sii socon doonta nabiga dabadii waa in ay noqotaa mid ku socota dadaal aan ka baxsanayay karaalka basharka.

7. Waxa aad garwaaqsanaysaa kaalinta uu Masaajidku ku leeyahay dhismaha mujtamaca islaamiga ah. Nabigu (scw) markii uu Madiina yimid talaabadii kowaad ee uu qaaday waxa ay ahyd in Masaajid dhiso ka hor inta aanu dhisan guri uu dago.

8. Waxa aad fahmaysaa, marka la doonayo in la dhiso mujtamac islaami ah, gundhig waxa u ah in dadka Ilaahay lagu xidho marka hore, dabadeedna la dhiso xidhiidh adag oo iyaga dhexdooda ah. U fiirso! Halka uu Nabigu ka bilaabay dhismaha dawladeed ee Islaamka, dadka Ilaahay ayuu addoomo uuga dhigay, ka dibna waxa uu walaaleeyay Muhaajiriintii iyo Ansaartii, waxa ka dhex abuuray xidhiidh adag oo aan ku salaysnayn abtirsiin iyo xoolo toona.

9. Waxa aad arkaysaa doorka uu Quraanka Madaniga ahi ka qaatay dhismaha mujtamacan islaamiga ah. Quraanku waxa uu dhisayay akhlaaqiyaadka, mucaamalaadka iyo qiyamka wanaagsan ee looga baahanyahay qofka muslimka ah, sida oo kale waxa uu dadka ka jafayay dhaqannadii liitay ee jaahiliga. 

10. In yar ka dibba, waxa aad arkaysaa sida uu Nabigu u dhisay xidhiidhka ay muslimiintu la yeelanayaan ummadaha kale ee ay la dagan yihiin. Waxa uu heshiis nabad galyo la galay yuhuuddii iyo qabaa'ilkii carbeed ee dagganaa magaalada Madiina. Haddana dhinaca kale waxa uu Nabigu aad ugu adadkaa in aanay dhaqan ahaan Muslimiintu meelna uga ekaan yuhuuddii meesha dagganayd.

Intaas aan ku joojiyo e' waxa aan qormo kale ku tixi doonaa haddii Alle ka dhigo, midhaha laga guran karo, dagaalladii Nabigu galay, hagardaamooyinkii munaafiqiinta, sida uu imaanku u kala fogeeyo laba is dhalay ama wada dhashay iyo awoodaysigii dawladdii islaamka.

Waxa Qoray: Axmed-Yaasiin Ismaaciil Maxamed (Yasto).



Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -