Waxqabadka Ciidamada Dabdamiska Somaliland.

 Ciidanka Ugu Tayada iyo Wax-qabadka Badan JSL

Booqasho gaaban oo aanu todobaad ka hor booqanay anagoo ka socona mahadka shaqaalaha dowlada Ee  Civil Service Institute CSI waxaanu ka soo korodhsanay qaabka ay u shaqeeyaan ciidanka naftood hurayaasha ah Ee Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sidaa daraadeed,

Waxaynu war bixinyar ka bixin doonaa ciidanka ugu tayada badan ciidamada Jamuuryada Somaliland ,

Ugu horayn marka aad ka gasho irida ugu horaysa ee dayrka Waxa lagugu soo dhawaynayaa waji furan iyo soo dhawayn diiran kadib Waxa laguu dhiibayaa kardhka martida “guest card” waxa aad usii gudbaysaa baraxada tasliska guud ee ciidamada halkaasi Oo aad ku arkayso rag dhalinyaro u badan Oo bartaa ku sugaya ama heegan ugu jira wararka dhiilada leh Ee ay soo dirayaan muwaadiniinta ku dhaqan caasimada hargeisa iyaga Oo ku mada-daalanaya Dhanka kalena ku dhisaya jidhkooda kubada cagta ee ay ku dhex ciyaarayaan barxada hore ee taliska,

Intaa kadib waxa aad u sii gudbaysaa Dhanka xafiisyada “administration section”ka iyada Oo ay ku galibinayaan dhalinyaro ka tirsan ciidanka Oo u qaabilsan soo dhawaynta muwaadiniinta,

Halkaasi Waxa nagu sugayay taliyaha u sareeya ciidanka dab-damiska JSL Sareeye guuto Ahmed  Mohamed hassan “sawaaxili”

Taliyuhu waxa uu nagu soo dhaweeyay waji furan Oo ay ku dheehantahay jacayl wadaninimo taliyuhu waxa uu sharaxaad dheer naga siiyaya waaxaha kala duwan Ee ciidanka dab-damiska,

Anagoo ogaanay in aanuu ciidanku kaliya ka shaqayn dabka,

Kadib waxaanu usii gudubnay dhamaan qaybaha kala duwan Ee taliska guud Ee ciidanka DAB-damiska sida 

▫️fasalka aqoon korodhsiga ciidamada 

▫️Qolka call centerka Oo ay inayana diyaar u yihiin hablo loo tobabaray shaqada ay qaranka u hayaan 

▫️iyo qaybta gaadiidka .

Waxayaabaha aan ku arkay Ee la dhacay ama I cajab galiyay waxa ka mid ahaa 

1.dhalinyaro waji furan u badan da’ yar ku faradsan shaqada ay hayaan qadarin la mida mid ay waalidkood u hayaan u haya Taliyahooda 

2.Taliye ku idho doogsanaya dhalinyarada uu carbiyay jecel iyaguna ay jecel yihiin 

3.Taliye had Iyo jeer heegan ah dhiirigaliya ciidankiisa 

4.shaqo la jeclaysanayo in mar walba la joogo iyo hogaamiye u dabacsan shaqaalihiisa 

5.Taliye iyo ciidankiisa Oo markasta diyaar u ah booqosho kuna dhaqama Daah-furnaan “transparency”

Hadaba Maxaa keenay inay sidaa u dhismaan ciidanka dab-dabdamiska JSL mudo yar Oo kooban?

Waxa aan su’aashaa kaga jawaabi  karaa Waa hogaamiyaha loo dhiibay ayaa ah hogaamiyihii ku haboonaa jagada uu hayo waxa afka qalaad lagu yidhaa “right person to the right postion” 

Ahmed mohamed hassan “Sawaaxili” 

Waa shaqsi ogaamin leh qoonteedana u leh position ka uu hayo 

MAHADNAQ 

Waxaan u Mahad celinayaa macalikayga qaali Ah Ee noo qabaty aqoon korodhsigaa aanu ku tagnay Taliska guud Ee ciidamada Dab-damiska JSL 

Macalin SICIID AADAN CAABI  

Iyo dhamaan ardayda aanu wakhtiga badan wada qaadanay Ee pubic administration ka ka barta jamacada CSI 


W/Q:-Ahmed Daauud Mawel





Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -