Wax ka Baro Taariikhda Gobolka Kaashmiir.

 Gobolka Kashmir Ee Taariikhda Weyn Leh Waxa Xukumi Jiray Suldanado Kala Dambeeyey.

Hadii Aan Soo Koobo Taariikhda Weyn Ee Gobolka Kashmir.

Markii Great India Xornimada Heshay Ee Lasoo Gaadhay Kala Gurashada Dalalka  Hindiya Iyo Pakistan Sanadkii 1948 

Waxa Lagu Hawlanaa Kala Xadaynta Labada Dalka Dabcan Gobolka Kashmir Waxa Loo Badiyaa Inuu Dhamaantii Raaci Lahaa Dalka Pakistan Dawlada Great Britain Waxay La Rabtay In Kashmir Raaco Dalka Pakistan Hiniya Lafteedu Waxa La Sheegaa in Aanay Dareen Sidaa U Weyn Ka Qabin Xaalada Meesha Ay Raacayso Kashmir 

Hadaba  Waxay Su.aashu Tahay Maxaa Qaldmay ? 

Maxa Dhulka Gobolka Kashmir Sadex Dal U Qaybiyey ?

Maxa Mudo 80 Sano Muran Iyo Masaasaq Geliyey Xaalada Gobolka Kashmir ? 

Yaa Mustaqbalkii Bulshada Gobolka Kashmir Ku Nool Ceelka Dheer Ku Riday ?

Kadib Bilowgii Kala Gurashada Hindiya Iyo Pakistan Waxa Dhaqdhaqaaqa Madaxbanaanida Pakistan U Ahaa Hormuud Aabaha Xorinimada Pakistan Maxamed Cali Jinaax. 

Maxamed Wuxu La Kulmayey Dhamaan Bulshadii Rabtay In Lasameeyo Dalka Pakistan Oo Ka Madaxbanaan Dalweynaha Hindiya   Maxamed Cali Jinaax Wuxu La Kulmay Suldaan  Xukumayey Gobolka Kashmir Iyo Oday Dhaqmeedkiisii Suldaan Hari Singh  Wuxu U  Sheegay In Lagu Hawlanyahay Qaadista Aftida Kala Baxa Labada Dal Ee Hindiya Iyo Pakistan Iyo Jeexida Xuduudka Labada Dalka 

Suldaan Hari Singh Wuxu Yidhi Xuduudka Xogtiisa Waa Sidee Kadibna Qariirada Xuduudka Ayaa La Tusay Oo Ku Jirto Kashmir Oo Pakistan Raacsan Suldaankii Intuu Kacay Oo Qayliyey Ayuu Yidhi Maxa Loogu Dariyey Dadka Meel Hebla Yaala Maxa Loogu Dari Waayey ? Cajiib Dadka Uu Suldaanku Sheegayo Ee Uu Rabay In Xaga Pakistan La Raaciyo Waa Dadku Jira Guddaha Dhulweynaha Hindiya  Oo Xitaa Meel Dhaw Oo Laga Soo Jiidi Karo Dhulkoodu Ku Oolin. 

Arinkaas Wuxu Muran Badan Ka Dhexdhaliyey Siyaasiyintii Xorinimada Pakistan Ee Uu  Hogaaminayey Garyaqaan Maxamed Cali Jinaax

Suldaan Hari Singh Cadhadaa Kuma Joogsane Wuxu Sameeyey Abaabul iyo Kicin Dadweyne Uu Qaab Qabiil U Abaabulay Wuxu Dadkii  Yidhi Reerkeena Ayaa La Kala Jirayaa Diida Aftida Kala Baxa Labada Dal Diida in  Xuduudka La Jeexo  Gobolkii Wuxu Galay Buuq Waxa Xaalada Gobolka Ku Baraaruga Dalalkii Gobolka

Gobolkii Kashmir Sidii Ayuu Kaga Hadhay Aftida Kala Baxa Labada Dal  Jeexidii Xuduudkana Wuu Ka Hadhay 

Markii Aftida Kala Baxa Labada Dal Ee Hindiya Iyo Pakistan Laqaaday  Waxay Xaaladii Kashmir Noqotay Sida ( Geelii  Hadhuudh Daatay ) La Odhan Jiray Oo Kale Waxa Ku Yaacay Sadex Dal Ee Kala Ah Hindiya Oo Heshay Dhulka Gobolka Kashmir 50% Pakistan Oo Heshay Dhulka Gobolka Kashmir 35% Iyo China Oo Heshay Dhulka Gobolka Kashmir 15% Sidaa Ayuu Suldaan Hari Singh Rajadii Shacabka Gobolka Kashmir Aakhiro Uga Xidhay  Oo Lagu Qaybsaday Si Qasab Ah Oo Waxba Laga Weydiin Suldaan Hari Singh Taladiisii Xumayd Waataa Weli Ciqaabteedii Ay Daalaacayaan  Bulshada Gobolka Kashmir. 

Markii La Boobay Kashmir Suldaan Hari Singh Waxa Yidhi Markuu Arkay Inuu God Ku Dhacay Bulshadiisiina Aakhiro Ka Xidhay Waxa Taariikhdu Werisaa In Siduu U Ooyey Uu Dhintay Labo Sano Kadib Kala Bixii Labada Ee Hindiya Iyo Pakistan Dadkuna U Habaarayeen. 

FG Ku Darsoo Kashmir Gobol Qani Laakiin Talo Xumo Suldaan Khayrkii Ka Reebtay !!!!!!!!

Hada Waxa Aad Mooda Inay Hayaan  Dariiqii Suldaan Hari Singh Reer  Kashmir Qaar Ka Mid Ah Madax Dhaqmeeyadda Beelaha  Darafka Beri Xiga Ee Jamhuuriyada Somaliland Dega kuwaas Oo Moodo Inay Rabaan Bulshada Inay Ku Hogaamiyaan Wado Aan La Ogayn Meel Ay Ku Dhamaan Doonto Mustaqbalka Dhaw Iyo Ka Fog 

Wuxu Yidhi Abwaan Hore 

Allow Yaa Wax

Suureeya Oonay 

Taladu Seegseegin 

Allow Ayaa Qabriga Kusoo Waraysta Oo  Wax Ka Weydiiya Taladii Uu Bulshadiisa Siiyey Suldaan Hari Singh Ninkii Halaagay Mustaqbalkii Bulshada Gobolka Kashmir


Cabdiqani Ismaaciil Maxamed (Foodcadde).

Bahda Maqaalmaal Media 2023




Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -