Waa Kum Indheergaradku?
SIFOOYINKA DADKA INDHEER GARADKA AH
1. La qabsiga is badalka; waa dad si dhibyar ula qabsada isbadalada, sida:- cimilada, dabeecadaha dadka iyo dhamaanba isbadalada guud.
2. Qabashada howl kaligood; waa dad jecel inaysan qof u daba fadhiisan arimohooda mar walbana kali ayay howlohooda ku dhamaystaan.
4. Wuxuu leeyahay fikir guud oo wanaagsan wax walba dhanka wanaagsan ayuu ka eegaa.
5. Waxa uu sadaaliyaa ama sii qiyaasaa amuuraha siday isu badali doonaan iyo halka uu ku danbayn doono mistaqbalkiisa.
6. Qofkan kuma qanco howlaha yar yar uu qabtay oo dadka kale u arkaan wax wayn balse isaga la fudud mar walbana kuwo ka sii sareeya ayuu u hanqal taagaa.
7. Waxa uu dadka waydiiyaa su'aalo ay adagtahay in laga jawaabo, su'aalo caqliyaysan uusan qof walbaa ka jawaabi karin
8. Waa qof jecel isbadalka; waa qof aan jeclayn in sannado badan uu ka shaqeeyo hal meel qabtana howl isku mida waa qof jecel tijaabinta shay kasta.
9. Dadkan indheergaradla ah waa dad aanan dadka dulminin inta badan waa kuwo aan dadka ku wajihin kalmado adag.

Comments
Post a Comment