Sooyaalkii Taariikheed ee Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy.

Taariikhdii Danjire Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy AUN ( oo kooban )

1953 Muxiyaddiin Maxamed Kaalmooy waxa oo ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose sanadkii ,
1965-1976 intii u dhexeysay waxa uu waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare ku qaatay Muqdisho, isagoo ka mid ahaa ardaydii ka qalin-jebisay Dugsiga sare ( *Jamaal Cabdinaasir* ) ,
1976-1978 intii u dhexeysay uu kaga qalinjebiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo uu dhammeeyay heerka koowaad ee Kuliyadda Culuumta Siyaasadda.
1979-1990 intii u dhexeysay Kaalmooy , bare Jaamacadeed waxa oo ka noqday isla Kuliyadda Culuumta Siyaasadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sidoo kale qoraa iyo xeel-dheere maadooyinka Juquraafiga iyo Taariikhda.
1987-1990 intii u dhexeysay Muxiyaddiin Maxamed Kaalmooy ayaa waxa uu ahaa Xoghayaha iyo Kuxigeenka Hoggaanka abaabulka ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) ,
1985-1990 inta u dhexeysay waxa uu xubin ka noqday Golihii Shacabka ee Dowladdii Jaalle Siyaad Barre .
1993-2002 intii u dhexeysay Qaran-burburkii kadib waxa uu saldhigtay dalka Yemen, halkaasi oo uu macallin dugsi sare ka ahaa , halka cilmi baare uu ka ahaa Jaamacadda Sanca intii u dhexeysay 1992-1993.
Danjire Kaalmooy oo ka soo kala shaqeeyay Wargeysyadii (Ogaal iyo Halgan) , (Kasmo) iyo Telefishanka Universal ayaa ahaa barnaamij soo saare iyo qoraa sare .
2010-2012 intii u dhexeysay waxa uu Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ka ahaa Qunsul.
2012-2013 Intii u dhexeysay waxa uu ku shaqeeyay xilka Wasiirka Howlaha guud, Dekadaha, Gaadiidka Badda iyo Tamarta .
2016-2019 intii u dhexeysay waxa uu Siihaye ka ahaa Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya.
Waxa oo kaalin wayn ka qaatay in oo soomaali badan oo maxaabiis ku ahaayeed liibiya in ay xurriyadooda helaan.
2020 ayaa loo dallacsiiyay darajada Safiir, isagoo noqday Safiirka Soomaaliya ee Liibiya oo uu xilkaasi hayay illaa iyo geeridiisii maanta.
2022 /12/ 25 waxaa oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho , waxaana lagu aasay qabuuraha Xooga Dalka.

Allah u Naxariisto Muxiyadiin Maxamed Kaalmooy .

Waxa Qoray: Cabdirashiid Muxiyodiin Kaalmooy



Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -