Sifooyinka Macalimiinta - Waxa Qoray Ustaad Cabdiraxmaan Sameeco

 SIFOOYINKA MACALLIMIINTA ............

Macallimiinta Qaar:
1. Waxay neceb yihiin qorsheynta casharrada waxayna had iyo jeer sameeyaan macalimiinta kale in ay kaga raagaan fasalka, Maamulkuna wuxu kala hadla arrimo ku saabsan qorshaynta casharka.
2. Had iyo jeer waxa la xasuusiyaa inay gaadhay waqtigii fasalladooda. Waxaa laga yaabaa inay ka ragaan xiisada oo ay marka dambana goor hore uga soo baxaan fasalka.
3. Ma saxaan diiwaanka ama Farta ma saaran Finger printer-ka imaanshaha Dugsiga maalin kasta.
4. Ma jecla u dirida laylisyada shaqo guriga,(assignments) xitaa marka ay u diraan si dhib leh ayay u saxaan.
5.Waxay jecel yihiin inay dejiyaan Imtixaanka su'aalo tayadoodu anay wanaagsanayn. Waxay sidoo kale saxaan oo soo gudbiyaan natiijada imtixaanka goor danbe.
6. Waxay jecel yihiin Hawlaha ka baxsan casharada ee habsaamiya xiisadaha.
7. Waxay jecel yihiin inay ardayda qaar u dhibaan qalinka si ay ugu qoraan casharka sabuuradda. Waxay isticmaalaan laylisyo, ama Sharaxaad isku mid ah muddo 10 sano ah.
8. Macalimiinta qaar Waxay aad ugu fiican yihiin sheeko-sheegidda halkii ay wax ka dhigi lahaayeen way sheekeeyaan.
9. Ma daneeyaan in ardaydu wax ku qoraan buugooda iyo in kale.
10. Waxaa laga yaabaa in ay u diraan laylis shaqo-guri ah ama laylis-fasalka dhexdiisa ah laakiin waxay isticmaalan hal sax (Tick Symbol) oo weyn waxayna u niyeystaan inay saxeen dhammaan su'aalaha, xitaa haddii ay yihiin 20 su'aalood.
11. Waxay ku hawlan yihiin taleefankooda in ka badan shaqada dugsiga.
12. Qaar baa caadaysta inay dugsiga uga maqnaadaan cudur daaryo been abuur ah/macquul aan ahayn.
13. Shaqadoodu ma aha mid mar walba habaysan. Waxay kaloo diidan yihiin inay wax bartaan oo isbeddel sameeyaan.
FIIRO-GAARA:
Goob kasta oo waxbarasho waad ku arki kartaa macalimiinta sifooyinkan leh.
Waxa jira sababo badan oo kala duwan oo ku kalifaya macallimiinta qaar in ay sidan u dhaqmaan oo astamahan yeeshaan.
Waad i saxi kartaa haddii aan khaldanahay.
Aynu ku dadaalno sidii aynu nafteena qiimo ugu kordhin lahayn walalayaal.
_______________________



Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -