Sheeko Murugo Badan.
Wiil da, yar oo Ilaa 15 jir ah, aanan jecayln inan halkan magaciisa ka shaaciyo Oo Bosaaso wada joogno ayaa Dhawr cishaba lmika markan masaajidka Cishaha ku tukano masaajidka ku hadha, anoo yaaban Oo la yaaban sababta uu maalin walba masaajidka marka laga dareero uu kaligii ugu soo hadho ayaan maanta ku leexday oon waraystay.
Waxan ku idhi walaal maalin walba marka la dareero masaajidka kaligaa baa ku hadhee maxaa kugu kalifay ileen ummadu iskama war haysee,
WIilkii yaraa wuxu yidhi hadal aan qirooday oo udhignaa Sida tan "walaal hooyaday waa geeriyootay aabahayna cilaaj buu ku xidhanyahay ededay Oo si bilaa Arxan darro ah igula dhaqanta Ayaan la jooga iyadiina maalmahanba way isoo caydhisay waanan isku dhacnay masaajidka ayaan Habeenkii iska seexda Subaxiina magaalada ayaan galaa"
Soomalidii odhan jirtay ninka ragi duruufta wuu qarsada dumarkuna dareenkoodee wiilkii waxan ku idhi ma Cashaysay? wuxu igu yidhi ma Cashayn mana qadayn Cuntona dooni maaye masaajidkan iska seexanaya. Anna kamaan yeelin ee waan soo kaxeeyay si uu aniga iila Cunteeyo,
Wiilkii yara Hadda anuu ila Cashaynayaa, qolkayga ila seexan ku idhi wax kastood ubaahatana aniga iwaydii, wuxuu kaloo iiga sheekeeyay wiilku qiso xanuun badan oo eededii ku samaysay oonan jeclayn inaan halkan idinkula wadago Ragu Wuu is fahmaa inanka yar waan fahmay inay dhibaato haysato sidaa u dareema walalayaal qof kastoo dhibaataysan aduunkani wuu iska dhibaato badan yahee
Wiilkaa yar ilaahay duruufta iyo noloshaa adag haka saaro aamiin aamiin

Comments
Post a Comment