Dabeecadihii Uu Lahaa Sheekhii Tabliiqiyiinta Soomaaliyeed Sheekh Ismaaciil

 Shaqaale Diineed

Nin iska hawlo badnaa oo wax kasta oo xumi agtiisa caadi ka ahaayeen ayaa galab galbaha ka mid ah, waxa jawlad ku soo qaaday Jamaacadda tabliiqa, shan daqiiqo ayay ugu dudubiyeen wacdigoodii caanka ahaa, waxa ay xasuusiyeen geerida, ciqaabta iilka, jannada iyo guud ahaan ujeedooyinka nolosha, waxa ay si edeb leh iskugu barbardhigeen sida uu hadda yahay iyo ujeedada laga lahaa abuurtiisa. Ninkii odayga ahaa Ilaahay wuu jilciyay qalbigiisa, sida hilaaca ayuu wacdigoodii u hor yaacayay habeenkii oo dhan, waxa uu garawsaday naxariista Ilaahay iyo waliba ciqaabtiisa, waxa uu go'aansaday in Ilaahay isku dhiibo wadaaddadiina u tago. Saddex cisho ayuu raacay, haddana 40tan kale ayuu baxay, ninkii oo aan kiiba ahyn ayaa imika jawlad kusoo qaadaya asxaabtiisii hore iyo majlisyadiisii, soo Ilaah mahaddii maaha?
Haddaba arrinta xiisaha leh waxa ay ahayd markii ay kulmeen wadaad salafi isku sheeg ah oo ay tol iyo qaraabo ahaayeen, kuye "waar hebel ma bidcooleyaashii ayaa ku helay, haddaan karayo nimankaa waa layn lahaa dhammaantood" si cadho leh isagoo u hadlaya waxa uu sii raaciyay "albaabada naarta ayay dadka ugu yeedhaan inkaari ku dhacday". Ninkii odayga ahaana aad ayuu u yaabbanyahay, waxa uu filayay in la boogaadiyo oo lagu dhiiri galiyo is badalka uu sameeyay.
"Waar I dhagayso" ayuu yidhi isaga oo yaabban "ninka dad iigu dhaw ayaad tahay, xaaladdaan ku jiray adigoo og maalinna salaad iyo cibaado ma igala hadashay? Eeg hadda! Intooda shaah igu ag cabto soo iskamaad kici jirin, ma imika oo aan masaajidka galay ayan albaabada naarta garaacayaa? mise markii hore?" Bal wakaase ha ka jawaabo salafi isku sheeggu, indhaha ayuunbuu taagtaagay. Oday kale oo isku dhagaysanayay labadan nin ayaa isaguna lasoo booday "orod oo bal wakaase dadka maqaaxiyaha ku qayilaya kasoo dhaadhici masaajidku waa albaabkii naarta".
Nimankan tabliiqa ahi waa adeegeyaal bulsho iyo shaqaale diineed oo dhab ah, aad ayay uga damqanayaan walaalkooda aan tukan, waxa ay wakhtigooda galiyaan in ay dadka u jiidaan xagga alle, waad nasiib wacantahay haddii uu kula jaaro nin tabliiqi ahi, kaa quusan maayo oo kaa daali maayo ilaa inta uu subaxa safka hore kusoo kaxeeyo. Waa niman ay muuqato yaqiin oo ka saahiday aduunka iyo imtixaankiisu.
Sheekadan qoraalkeeda waxa aan ku keenay, geerida sheekh Ismaaciil IHUNte, shalay ayaan akhriyay taariikh nololeedkiisii, waxa uu diinta u adeegayay 50 sannadood, lama tirin karo inta qof ee ashaahadda loogu qabtay sababta fikirkiisa, waxa kasii badan inta qof muslima uu kasoo saaray bulaacad dhexdeed ee uu masaajidka keenay.
IHUNte waxa uu nasiib u helay in jinaasaddiisa laga tukado xaramka barakaysan, maydkiisana waxa lagu aasay xabaalo 15 sano ka hor la xidhay oo aan loo ogolayn in cid lagu duugo, waana xabaalaha ay ku aasaanyihiin saxaabadii Nabiga (SCW) iyo raggii ragga ahaa. Taas lafteedu waa tilmaan ififaalo wanaagsan ah oo ku tusaysa Ismaaciil ninka uu ahaa.

Bahda Mareegta Maqaalmaal Media



Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -