Cali Koore Oo Digniintii ugu Dambaysay U Diray Shacabka Laascaanood.

 Wasiir Saleebaan Cali Koore oo Fariin u diray Dhalinyaradda #Gobolka_Sool

"Dhalinyarada reer Sool maanta run baan idiin sheegayaa oo waan idin tilmaa’mayaa ee talodayda dhugta..." Wasiir Saleebaan Cali Koore
1993 ilaa maanta oo aan Somaliland joogo oo aan ku imi da’yari oo aan ahaa waliba ergadii Boorame raggii ugu yara da’ahaan hadana waligay intaan Somaliland joogay anigoo mansab walaba/jago kasta ka soo qabtay aan ahyn Madexweynenimo!

Waligay reernimo iyo isirnimo toona la iiguma diidin Jago/Xil aan anigu damcay.

Jaagooyinka faraha badan ee aan soo qabtay cid reer Laas-caanooda oo waligay igu tageertay ma jirin, Rag baan se “ilkahooda gowska ugu danbeeya kala soo baxay”
Waliba marka da’dayda loo eego ma jirio nin heerka siyaasada aan da’ahaan ka gaadhay igula dhigma Waayo 30jir waan ka yaraa markaan Ka mid ahaa Dawaladii u horeysay ee Maxamed Xaaji ibrahim Cigaal “AHN” oo aan jagooyin badan ka soo qabtay.

Waxaan sidaa u leeyahay hadaan shalay Dhalinyaro ahaa maanta idinka Dhalinyara, aniga waliba waxa iigu darnaa oo ii dhibi jiray intaan nimankan waxayga la dhacsanyey hadan reer Sool uun baa dhib igu hayey.

Maanta se jaanis baa idinka idiin banaan weyn ee maaha inaad intaad qol isku soo xidhaan aad jaaniskiinina ragga siisan; ee waa inaad waxa la yeelataan oo Hormuud ka noqotaan Somaliland.
Waxaan ogahay fursada dhalinyaranimo oo aad kartideeda la timaada waa raggnimo waxaan garnayaa anigoo wefti walaba iyo kulan walaba ninka ugu yara meesha! Markaan komishineerka ahaa 29jir baan ahaa yaraan baan ku qabtay Xilalkan oo dhan:

-Gudoomiyihii gudida dib u furista iyo ansixinta qaranka.
-Maareeye Guud
-Ergaygii gaarka ee Madexweyne gobolada bari
-la taliye Madexweyne
-Afar jago wasiirnimo
-Xildhiban Baarlamaan
Iyo waliba xilal kale oo aan soo koobi karin.

Inanka reer Sool’oow Somaliland xaq iyo xuquuq iyo deegaan baad ku leedahay waxaan waxa idinala wadaagya inaad ogtaan inaad dalkan leedahiin oo dadkan waxwada la-haansho idinka dhexeeyo ee maaha inaad Gobolada dhexe uga hadhaan, ma jiro nin deegaankeena oo sidan idiin tilmaamayo waxa idiinku sheegaya.
Anigu waxaan aaminsanahy in ninku uu ragganimadiisa kaga karti roonyahy reernimadiisa, ee kaalintiina deegaanimo buuxiya oo la qaybsada oo la tartma oo ku suntanaada.

Waan soo dhaweynyaa nin kastoo dhalinyaro iyo talo iyo tusaaleba iiga baahda oo raggnimadiisa isku wada.
Sulayman Yuusuf Cali “Koore”
Xigasho: Mustafe Cabdi Cali






Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -