Buuga Abasiiniya ee uu Qoray Ernst Heinrich Schrenzel sannadkii 1928kii.
Buugga Abasiiniya “dhul aan gaajo lahayn oo aan wakhti lahayn” ee uu Qoray dhulmareenkii Jarmalka ahaa ee Ernst Heinrich Schrenzel sannadkii 1928kii, qaybta uu Soomaalida kaga waramayo sidan buu u dhigayaa.
**********************************************************************************************************
Soomaalida dhulkoodu waxa uu teedsan yahay waqooyi bari qaaradda afrika, la ga soo bilaabo marinka Baab Almandeb ilaa geeska Raas Caseyr. koonfurna waxa ay gaadhaan meel u dhaw madagaskar. faransiisku waxa uu ka haystaa dekaddaha Jabuuti iyo Tajora, ingiriisku waxa uu ka haystaa Saylac iyo Berbera, talyaaniguna waxa uu ka qabsaday Muqdisho iyo dekedda Baraawe. dadka ku nool dhulka baaxaddaas leh, waxay ay ilaashanayeen dhaqankooda iyo caadooyinkooda muddo kumanaan sanno ah oo ay ku noolaayeen halkaa ay degan yihiin maanta.
Sida uu rumaysan karo, qof aan xaqiiqada ogayn oo u haysta soomalida dad la mid ah afrikaanta kale, in aannay ahayn dad garaad ahaan u soo jeeda oo aan xaddaaraddeena(Yurub) la barbar dhigi karin. Maya, Soomalidu waa ummad garaad sarre leh, oo ku qanacsan deegaankood si wacanna ugu xidhan oo la falgashay. xiiso u ma qabaan dhaqankeena barashadiisa.
Ingiriiska, Faransiika iyo Talyaanigu kama ay daalin in ay soomalida ka dhigaan “dad iyo dhul cidlo la ga helay” oo la guumaysto, sida meelo badan u suurtogashay.
Ingiriisku isagu waxa uu sameeyey wixii caadada u ahaa oo ah, in uu dadka uu qabsado ixtiraamo dhaqankooda iyo caadooyinkooda oo uu kolka dambe si taxadar leh ugu fido.
Sidaas si ka duwan ayuu faransiisku dhulka soomalida ku qabsaday oo ahayd, isku-day in uu wax walba bedalo isaga oo isticmaalaya awood ciidan, luuqaddiisa oo uu ku qasbo iyo wadaaddo diinta dadka ka saara. waxa uu dadka ku qasbay in ay faransiis noqdaan.
Talyaaniguna labadaas meel u dhaxaysa ayuu istaagay oo mid ba qayb ayuu ka qaatay.
Natiijada ay saddexdoodu ba ilaa hadda gaadheen waa wax la gu qoslo oo aan macno badan lahayn. Soomalidu uga ma fiicana guumaystaha halka ay taagan yihiin Rifian (barbariyiin degga waqooyiga afrika - marooko oo ka horyimid guumaysiga reer yurub).
waxa se muhiimaddu tahay, ilaa maanta 1928kii dadka soomalidu ma ay noqon wixii ay ka rabeen guumaystayaasha reer yurub.
Dumarka soomalida ee ka shaqeeya goobaha reer-yurub waxa ay bartaan xirfaddo kala duwan, waxaannay qabtaan waxyaabo kala duwan. waxay u labistaan sida reer yurub xiliga ay ku jiraan shaqada ay u qabtaan guumaystaha. Maalinta ay shaqada ka baxdo ee ay ku noqonayso dadkeedii iyo buulashii ay deganaayeen, waxay ku labisannaysaa wax xubanaha taranka iyo naasaha u qariya, dadkeedana wax ay la cunaysaa ceeshkii qalalnaa oo ay ku badalaysaa cuntadii reer yurub. kolka ay dadkeedii dhex tagto waxay si amar la’aan ah ugu shaqaynaysaa ninkeeda iyo ubadkeeda. gabadha aan ku noqon dadkeeda waxa ay gacanta u galaysaa ragga guumaystaha oo ay nin ka helaysaa ama waxa ay noqonaysaa dhilo gasha meelaha dumarku jidhkooda ka ganacsadaan oo halkaas ayay ku sugnaataa oo ay ku lumisaa xidhiidhkii dadkeeda.(Buugga waxa ku sawiran gashaanti soomaaliyeed oo qaawan, goobtuna waa diridhaba).
Ragga Soomalida ah, ee ka dhex shaqeeya goobaha guumaystaha waxay niyad ahaan u dareemayaan in ay ku sugan yihiin goob ay qariib ku yihiin oo, gudaha ayay ka qaloonayaan. dhalinyarada soomalida ee dhuudhuuban,dhaadheer, kartida badan ee nadaafadda badan. waxaan aad u la yaabay maskax furnaantooda sida fudud ee ay luuqadaha u bartaan. waxa loo gu yeedhaa “Boys”. si degdeg ah ayay xirfaddo u bartaan, waa fariido. intaas ay guumaystaha la joogaan isaga ayay ku foogan yihiin, waxa ay raadinayaa meelaha uu u jilicsan yahay. marka ay shaqada ka baxaan, waxa ay iska bixiyaan dharka ninka reer yurub oo waxa ay gashadaan dharka ay dhaqanka u leeyihiin. waxaan ku tilmaami karaa “wiilashii dhulkooda” Sons of their People.
waxaan jabuuti kula kulmay nin dhallinyaro somali ah oo 26 jir fariid ah. marka la ga yimaaddo luuqaddaha dadka madow ee uu ku hadlo, waxa uu sidoo kale si fiican ugu hadlaa afafka carabida, faransiiska, talyaaniga iyo ingiriisida. waxa uu la socday nin maalqabeen maraykan ah oo wata maraakiibta raaxada oo la safra reer yurubka u kala goosha dhulka carabta iyo badda cas. waxa uu tagay Masar iyo Faransiis. waxa uu ku hawlan yahay ganacsi, waxa uu haggaa musaafiriinta reer yurub ee dhulka ku safraya, waa turjubaan. waa nin aad loo ga yaqaanno dhulka xafiisyada guumaystayaasha reer yurub ee dhulka soomalida. dhawr jeer ayay basaasnimo u xidheen ingiriiska, talyaaniga iyo faransiiskuba. markii la gu waayey caddaymo ku filan na waa la iska soo daayey. waxa uu dareemay dananynta aan doonayo in aannu ka wada hadalno arrimaha siyaasad-juquraafiyadeedka reer yurub. waxa uu si aan gabasho lahayn ii ga la hadlay qiyamka aan daacaddu ku dheehnayn ee ay ku fadhido xadaaradda reer yurub ee rabta in ay dadka madow wax walba u yeedhiso. kolka ugu dambaysanna ay aqoontooda iyo ilbaxnimadoodu noqoto jujuubid iyo awood milatari.
soomaalidu aragtidan way wada qabaan oo, nin kale oo aan ku la kulmay dhulka sarre ee Schoa(Adis Ababa) waxa uu ii sheegay in dagaalkii 1aad ee adduunku afrika indhaha u furay. waxaannu ogaanay buu yidhi “in reer yurub aannay waxba na dhaamin akhlaaq ahaan iyo caqli ahaan toona, kaliya ay rabaan sidii ay hantida dhulkayaga gaajada dhulkooda haysa uga quudin lahaayeen iyaga oo adeegsanaya awoodda hubka ay haystaan”. waxa uu ii sheegay in ay u baahan yihiin hubkii ay iskaga dhicin lahaayeen reer yurub.


Comments
Post a Comment