Awr Muraayad Loo Xidhay. Waxa Qoray: Axmed-Yaasiin Ismaaciil Macamed (Yasto).

Awr Muraayad Loo Xidhay. Waxa Qoray: Axmed-Yaasiin Ismaaciil Macamed (Yasto).

Waa arrin aanu muran ka taagnayn in bulsho ahaan aynu ku fashilmanay in aynu yeelanno dawlad dhexe oo la jaanqaadi karta nidaamyada dawladeed ee casriga ah ee ay ku dhaqanyihiin badiba bulshooyinka caalamku. Lagasoo bilaabo 1960kii markii aynu helnay madaxbannaanida ilaa maanta waxa jira mushkilado joogto ah oo caqabad ku ah hannaanka dawladnimo ee aynu rabno in aynu ku gaadhno barwaaqo sooran iyo caddaalad buuxda. Asalkaba haddii ay mushkiladi joogto noqoto oo ay bulshaduna tahli waydo in ay maarayso waxa aan is lahayn mushkiladda lafteeda iyo qalabka aynu u adeegsanayno maaraynteeda, inta ay labadaasi kala duwanyihiinna sidaas ayay inoo ahaanaysaa waligeed oo jahawareer iyo dhiig bax innaga dhammaan maayo.

Si aynu uga fakirno mushkiladdan iyo xalkeeda waxa aynu u baahannahay in aynu lafagurno xididka iyo salka dhibaatooyinkan ku gudban hanaqaadka dawladnimo casri ah oo aynu yeelanno.

Marka hore, waxa aynu ka anbabaxaynaa in aynu dib u suurayno haykalkii bulsheed (social structure) ee ay ku dhaqnaayeen mujtamaca Soomaalidu dawladnimada ka hor, waxa ay Soomaalidu ahyd bulsho raacato (reer guuraa) ah oo u qaabaysan qabaa'il iyo reero ay adagtahay in lasoo dhex galo, waxa ay ahaayeen mujtamac gaashaan adag ka samaystay in lagu dhex milo nidaamyo soo galeeti ah oo qalaad, waxa ay noloshoodu ku salaysnayd lagdanka afarta kal ee sannadka (gu', jiilaal, dayr iyo xagaa), marka laga tago in ahyd nolol la qorqoray oo qaan-gaadh ah oo boqolaal sano soo dhismaysay oo ay dadku sinnaayeen haddana waxa jiray dhaliilo badan oo wax ka soo qaad leh, tusaale ahaan, quudhsiga, qabka iyo tookha qabiilka ku salaysan ayaa marar badan keeni jiray isku dhacyo dhiig ku daato, waxa ay ahaayeen mujtamac ogaalkoodu gaabanyahay oo aanay suuragal ahyn in ay saamayn ku yeeshaan bulshooyinka kale ee la jaarka ah. 

Geela ayaa u ahaa dhaqaalaha ay ku dhaataan oo tacabka ay galiyaan uu ka badnaa munaafacaadkiisa, awoodna uma ay lahyn in ay si cilmiya uga jawaabaan ama ay uga tabaabushaystaan abaaraha yimaada iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

Waxa ay ahaayeen mujtamac ku filiqsan dhul baaxad leh oo aan lahyn soohdimo gaar ah, waxa xajiib ahyd in ay ahaayeen dad deeqsinnimo leh oo ku fiican wada noolaanshaha kaasi oo mooddo hanti-wadaag la isla ogolyahay.

Iyadoo sidaas ah ayuu guumaytihii u yimid, difaac adag ayay ka galeen inuu gumaystuhu soo dhex galo qaab bulsheedkoodii u dhisnaa, aad ayay iskaga caabbiyeen in uu saamayn ku yeesho haykalkoodii nololeed. 

Si kadis ah ayuu markii danbe guumaystuhu u siiyay xurriyad aanay si fiican u qeexi karahay Soomaalinnimadu, judhiiba waxa ay xorriyaddii u magac dareen hal maan-deeq ah oo xaggii geela ayay ula durkeen, bal adigu suurayso awr muraayad loo xidhay.

Iyaga oo aan faham sax ah aan ka haysan dawladnimada ayuunbaa lagu baraarugay in ay tahay nidaam maamul oo si buuxda uga hor imanaya toodii waayo aragnimada ku dhisnayd ee reer guuraannimadu u asalka ahyd.

Dawladnimadani waa tii maamulaysay dhaqaalaha warshadaha ku dhisan (industrial society) ee ma aha tii geela lagu maamulayay, waa dawladnimo magaalooyinka ku xooggan oo tii miyiga ka dhisnayd ma aha, tan dadku waa dabaqado maamulka u kala sareeya oo ma aha toodii la sinnaa, dawladnimodsni waxa ay ka shaqaysaa seere iyo soohdin calaamadsan oo ma toodii bilaa soohdinta ahyd, markeedii horena gumaystaha waxa ku adkaatay in uu si buuxda u dhex galo raacatadii. Intaas oo arrimoodba waxa ay keeneen is fahamwaa iyo loollan ka dhex aloosmay dawladnimadii la qaatay iyo raacatonnimadii lagu noolaa ee qabaa'ilka ahyd.

Sidii ayay ilaa maanta u kala shakisanyihiin dawladnimada iyo sooyaalka hab nololeedkeennu.

Lixdankaas sannadood ee ay dawladnimadu innagu dhex silcaysay waxa aynaan is waydiinba mushkilad aan xal lahayn maba jirtee, sartu halkay ha qudhunsantahay? Sidee ayaynu isku ogolaysiin karnaa dawladnimada iyo qaab bulsheedkeennan reeraha ku dhisan (clan based social structure)? Aqoontan maadiga ah ee arts ka ah (social sciences) ee aynu ku daalnay ma tahay aqoon deegamaysan oo lagaga gudbi karo caqabadaha hor taagan hanaqaadka dawladnimo rasmi ah?.

War celinta waydiimahaasna haddi uu wakhtigu saamaxo waxa aynu ku gorfayn doonnaa qormo iyo qayb labaad.

Waa Qalinkii: Axmed-Yaasiin Ismaaciil Macamed (Yasto).

Ahmed I. Hersare, MSc




Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -