Abbaarihii Sanadahan Dambe Dalka Soomaray.
《ABAARTII ODAYKAWAYN EE AAN IYADOO KALE WELI LA ARKIN
Qaybtii 1aad....
Diraacdii sawlsawl ayay ahayd oo way gabal baaqatay, karantuna garafgaraf bay noqotay oo ma ahayn wax gu' loo sheego, waa daba yaaqadii ama galaguurkii jiimce iyo sabti ee ku beegnayd tirsi taariikheedka miilaadiga ah sanadkii 2014kii.
Waxaa soo galay nawris sabtiyeed oo kulul, shanta bilood ee jiilaal aadbay udaba dheeraadeen, wax xays ahna lama helin oo kaliilshu aadbay uga kala hadlisay xoolo dhaqatada gallinka.
Saansaanyaha abaarta waxaa laga farriyaa lo'dii oo mataanaysay, oo sacadaygii DARBI ayaaba laba waylood oo isku eg hal mar dhalay.
Markii lasoo gaadhay wakhtigii lafilayay inuu curto todobkii kaliiisha lagaga raysan lahaa waxaa afka soo kala qaadday abaar qawlallo wayn, oo diraacdii wax walaawayay ayay noqotay.
Anakoo diyaaraddii hawada martaba hilaac moodaynna unbay oromadii kacdoonka diyaarinaysayna buuraha dhakadooda tiriiigyo nooga bidhisay, taasina inkaarbay naga furatay, waa bishii MARCH ee sanadkii 2015kii.
Iyadoo Roobkii diraaceed looba dhiil qaadin, waxaana daba joogsatay labadii bilood ee xagaaga ayagoo xuladdo la isgeshay ah.
Arintu faraha ayay kabaxday oo agaalli uma saddex baryin xoola dhaqatada iyo beeralayba, reer magaalkana cabashadoodu mayara illeen noloshu way isku taxantahaye.
Sida caadada ah mar kastay abaati dhacdo waxaa kullifaaqan CUDURRO, markanna xanuunnadu mayara oo meelaha qaarkood shuban biyood iyo golleere ayaa kadilaacay, kaas oo arwaax badan hooyay.
Sidoo kale meelo kale macaluul ayaa loogu madhaaa , oo raqda bani aadamka iyo tan xoolaha ayaa isku mid noqotay, siiba gallinadii ay abaartu sida gaarka ah ugu habsatay.
Xagaagii markuu dhammaaday haddana waxaa lawaayay gugii karmeed ee lagu doogi lahaa, meel meel yar unbuu kadaruureeyay, taasna wax kama tarto abaarta lagu jiro.
Karantii kodxin iyo agaalli midna lama arkin miicaadna habasheegin, dayr ayaa lagaadhay waxaana soo daba joogsaday kii jiilaal ahaa, sidaasuuna ku dhammaaday sanadii 2015 iyadoo wax roob ah aan lahelin.
Kadib waxaa dhacday xaalad aan laga sheekayn karayn, shantii maal aduunyo dam iyo rax kadhig dadkii qaar maacaluul iyo darxumo udhinta iyo qaar daaduuma ayay noqdeen.
Inkastooy dawlado, maalqabeenno iyo hay'adaba aad ugurmadeen haddana waxaa jiray meelo aan gargaarba lagaadhsiin karayn, oo gerigo'ano ah.
Masiibadaasi waxay ku habsatay dhammaan geeska afrika, hana ugu xumaato(sideen filayo) galbeedka gobolka sitti.
Abaartaasi casharka ay noo dhigtay maaha mid oon illaawayno ee goortay dhamaatay iyo sidii looga baxay iyo raad waxay nagu reebatyaba qormo kale ayaan kusoo qaadan doonnaa insha allaah.
Bahda Maqaalmaal Media

Comments
Post a Comment