Maansada Aygarad iyo Curintii Curiye: Yuusuf-Shaacir Cismaan Cabdille.

 Sharrax iyo Ereyfur!

Maanso: Aygarad.

God: Jiifto.

Curiye: Yuusuf-Shaacir Cismaan Cabdille.

Ararta ayaa uu kuugu sheegayaa waxa ay maansadiisu daaran tahay, waxa wada iyo waxa ay ‘u dig iyo dam’ leedahay. Ararta ayaa uu, isaga oo ereyo culculus ku bilaabaya, kuugu sheegayaa in jeedafkiisu yahay soo banbixinta hodantooyada afeed ee Soomaaliga; iyo in afku yahay ubax bilnaa oo sida darayamuuska oo kale ahaa, hadda se ay dadkiisu hagradeen ilaa uu dawrarmay, cardaaduqay, mataataxay, ansaleelmay oo uu ka fadalmay!

Marka uu intaas kuu qaddimo ayaa uu halhaleel kuugu bilaabayaa muujinta af ereyo qaro weyn lehi ay higil ka yihiin, af ay hamasheeyeen ereyo wada armac ah, af anuug ah oo qoddo dheer ayaa uu oodda ka soo rogayaa. Markaas buu ku soo bandhigayaa af leh aqoon darfo ballaaran. Xiddigiska iyo xoolaraacata, afyahankiyo abogaaga, falaadka nolosha iyo sida uu aadanuhu u la fal galo ayaa in door ah kaaga tilmaamayaa.

Yuusuf oo ku xarragoonaya ereyo barwaaqasooran ah ayaa markanna ku soo hor dhigaya, sida adiga oo og in afkaagii hodanka ahaa uu nacab dhabarjabinayo aad u gamaanyoonayso ee aadan u dhoocaarin, sida afkaagii ay dandarro iyo diif adagi u haraysay ee halkii aad isku luri lehayd aad isugu ladayso. Isaga oo intaasba ka yaabban buu haddana awaare kugu dhaafayaa.

Ugu dambaysta ayaa uu xusuusanayaa, isaga oo xusuusnaa, ragdoorkii afkan u soo halgamay, qaarkood, ee naftoodii iyo duunyadoodiiba ag dhigay, si uu u sii jiro. Ragdoorkaas buu nin weliba kaalmihiisii qaaliga ahaa ee uu ku suntanaan jiray middood ku sheegayaa, si ay maansadiisu, malaha, u urursanaanto. Inta dhimatay buu, gebagebadana, Eebbaha weyn uga durraamayaa in uu u samo falo.


Ururtiyo laxaa sare

Afagaalle Caliyow

Ninka adhaxda jiilaal

Eegaa ma ledi jirin!

Anna oonka lahashada

Umalkiyo wisiisiga

Waxaan oodda dhacameed

Ashqaraar u ka la guray

Oogadayda laacdiyo

Ubaxii bilnaan jiray

Sidaan ugu abtirin laa.


Awinkiyo aswaantiyo

Arahdiyo argeegtiyo

Agadkiyo adeentida

Orobkiyo arbeebiga

Abaajiga asoolka leh

Awsaaxa jiifiyo

Ilmadhuug kolay tahay

Ardalkiyo amuumkiyo

Adamii tilmaannaa

Uusmiirka liitee

Nafta lagu la eertiyo

Abqadiyo adaahida

Abxadiyo adarigii

Iyo aabigeedii

Allamaanka saarraa

Agabaraha geedkiyo

Igmashada fartaagga leh

Olloggiyo ardaayada

Axdartiyo asaayaha

Awgiyo ijaabada

“Adur!” tii la odhan jiray

Agloolkiyo anfaaciga

Arooskiyo agliilkii

Ajuurada wedaadkii

Eeraanka dheeraa

Agtilaalkii soocnaaa

Amihiyo aboodiga

Axadhiyo akeekiga

Anfariirka jaantiyo

Aynfaadka yaabka leh

Arartiyo halhayskiyo

Ilmarogashadeedii

Ereyada tasoobiyo

Afku inuu agoon yahay

Aqoonyahan tilmaamiyo 

Abwaan kaa ma qarinine

Kumaad eersanaysaa?


Ayax guuray eel reeb

Aragtida xidaarkiyo

Wax la yidhi aftahankii

Aamus buu ku dhow yahay

Bayaxaw oddoroskii

Naaf dhaladka eedee

Ammin iyo god lays waa

Asal oodan baa jira

Runta abasaxeediyo

Abaraaqa waayaha

Abogaa warkiisiyo

Arnaa’uudka weydii

Aygaradka sii raac

Eelaweynta naaxdiyo

Baydari ugaadhsiga

Ishinkeeda raacdee

Ohligaad jeclaydiyo

Okholaha halkiisii

Umal baa ka sare kacay.


Aroortiyo Aroorida

Ashkir inuu bariistiyo

Wax la yidhi adeeryadu

Dhulka meel aftoolin ah

Ku ma uunsi shidatoo

Aarmigu ma saacido

Waa Agaalli-waranley

Iyo nugul abaareed

Carshintii Aloog iyo

Calow darantii Eexood

Alle waxay ka sugayaan

Cirku in uu mar ooftiyo

Arligoo ku doogsada.


Ukulidii dareenkiyo

Uubatays ha joogee

Yaa irdheeyay waayaha?

Yaa agoolka saanyaday?

Aydinkiisa laaciyo

Ijadiisa ayaa luray?

Arbe waa yaqaanaa

Halkuu oosha mariyoo

Oolimaad diraaceed

Udo weyne ku ma furo.


Garashada ab guurtiyo

Aradkana hankaw daran

Agoon waa qofkii madhan

Indhaa aragtidooday

Ilkuhuna wax gooyaan

Aadmigu isqaadqaad

Isagaan abuurtiyo

Aayihiisa faallayn

Damaciisa iibgee

Hadba aag u soo gudub

Nin adduun majeertaa

Indheergarato maahee

Iimaankii duug noqoy

Asalkiina laga faan.


Adduunyada af baa fura

Aqoontana af baa qora

Dhaqankana af baa sida

Dhaxalkii awoow iyo

Isirkana afkaw mudan

Aasaarta duuggiyo

Taariikhda aadmiga

Afku udubdhexaad iyo

Aqalkooda weeyaan

Ummaddana hankeediyo

Ilbaxeeda weeyaan

Ubadkana asluubtiyo

Aayahooda weeyaan.


Allif macallin baa dhigay

Iyo Awgii weynaa

Keenaddiidna aashiis

Aragtiyo far buu qoray

Galaal aynigiisii

Ummadduu wax uga tagay

Shire-Gaab ammaan iyo

Ubax baa dul saarraa

Kaddaraa ogaalkay

Qoraal loogu iman jiray

Aqoontana Shiraa yiri

Maan Iftiin ku saanyado

Afrax inuu dadaaliyo

Weli orodkii muu dayn

Gaarriyana astaamaha

Afka waa macnayn jiray

Arbayaasha qaar iyo

Akhyaartii badh baa maqan

Abaal lagu xusuustiyo

Tixdu waa abbaartood

Inta iilka jiiftana

Alle hawgu samo falo.


_________________________


Ereyfurro:


1. Urur: Waa xiddigo urursan oo cirka ka muuqda.

2. Laxo: Urur xiddigo ah oo tiradoodu lix ka kooban tahay. 

3. Afagaal: Waa god ka mid ah 28ka ee dayuxu maro. Godkan ayaa ka tirsan bahda toddobbada ah ee la isku yiraahdo “Raqo,” oo ka la ah: Godan, Libcas, Urur, Galgaal, Agaallicad, Agaalliwaranley iyo Afagaal.

4. Cali: Waa Cali-Seenyo Axmed Raabbi oo ah wariye.

5. Lahasho (Laho): Wax aad u hanqaarantay oo aad laabta si daran ugaga jeclaatay.

6. Umal: Caro ciilqab ah.

7. Wisiisiga: Qof aad u carooday oo ismadaxmaray, si aan aabbayeel lehaynna wax u qarribis.

8. Ashqaraar: Yaab weyn; amankaag.

9. Awin: Nin; harti. Waa af ay ku hadlaan dadka Gabooyaha la yiraahdo.

10. Aswaan: Naag; marley. Waa af ay ku hadlaan dadyowga Gabooyaha la yiraahdo ee dega Waqooyiga.

11. Arah: Tiro dad ah oo u darbaday in ay soo gurtaan miro, xabag, caws iwm.

12. Argeeg: Geed nagaar aan qodax lehayn, oo leh laamo dhuubdhuuban, caleemo yaryar iyo xididdo dheerdheer oo weelbiyoodka laga tolo.

13. Agad: Dhagxaanta macdanta dhagax ka mid ah. Degaannada qaarna waxa looga yaqaan: xilliga  barwaaqada kolka ay dhirtu hamashowdo faraqyadeeda.

14. Adeenti: Adiga oo baadiddoon ah oo cidla’ jooga ayaad maqlaysaa dhawaq koor ama ci’ xoolaad, ama se ma ahee aad raad dad ama duunyo la kulmaysaa, oo aad degmo la deggan yahay u soo dhowaanaysaa, waa taas adeentidu.

15. Orob: Waa fadhiga kabajaaga.

16. Arbeeb: Idinkoo halis ku jira oo lagaba yaabo in la idin dilo ayaa nin soo baxayaa oo oranayaa “Anigaa garanayee daaya,” kolkaas baad ku sheekaynaysaan “Annaga oo halis ku jirna ayaa Ilaahay Hebel nagu arbeebiyay!” Waa wax sababa in aad ku badbaaddo.

17. Abaaji: Xoolo lumay mar dambe tebis. Nin baa xoolo badan leh (ari badan oo kun kor u dhaafaya) markaas baa neef ka lumayaa oo aan la tabayn, saa kun neef, neef wax u ma ay oga e. Kolkaas baa muddo dheer ka dib neefkii la isu sheegayaa in uu xoolaha ka maqan yahay se waa mar uu ‘abaajiya’ ama uu ‘raagay!’

18. Asool: Waa iduhu marka ay wanka u baahdaan (wadartooda) si uu u kudo. Laxda kaliya marka ay tahayna waxa la yiraahdaa: wax oslaysaa.

19. Awsaax: Waa maska marka uu aad u gaboobo.

20. Ilmadhuug: Awrka ayaa marka uu hasha ursado ayaa wax uu garan karaa, ilmaha ay calosha ku siddo in uu dhintay iyo in uu nool yahay.

21. Ardal (af Carabi): Doqon; gocor.

22. Amuum: Nin aamus badan, ama aan aragtidiisa cabbiri karin.

23. Adami: Ugaarsatada ayaa labo jaad ah: dar ugaarsada oo ugaarta hilibkeeda doonaya in ay ka dheefsadaan; iyo dar kale oo foolka maroodiga, haragga shabeelka iwm ka dheefsada, jaadkan dambe ayaa ‘adami’ la yiraahdaa.

24. Uusmiir: Geelii ayaa ceelka ka soo fulay. Haddii in cabbaar la socday ayaa geeljirayaashii qaarkood ama giddigoodba aad u harraadeen markaas bay biyo oo idil waayeen. Haddaas oo kale ayaa ay hal geela ka mid ah qalan jireen oo inta uuskeeda geel ka soo laadlaadiyaan hoosta ka duleelin jireen oo sidaas, biyo, kaga haqabbeeli jireen. 

25. Eer: Miciin bidis; irakasho; agabsi.

26. Abqo/Aqbo: Miro dhuuban, galoolan, dhexda iniinyo ku leh, quracu bixiyo oo xooluhu cunaan; dhaameel; qabco.

27. Adaahi: Geed xooluhu ku dhacartaan oo leh sal weyn oo wada buruq ah iyo laamo yaryar oo dhuubdhuuban.

28. Abxad: Waa harag weyn oo wax lagu gurto, maanta se shandad baa halkiisii gashay.  

29. Adari: Dheri weyn oo dhoobo ah oo laga keeni jiray Adari ama Herer.

30. Aabi/Aabhi: Gardarro islaweyni kibir ku jiro oo cid lagu la kaco.

31. Allamaan: Waxa uu ka mid ahaa qoryihii ay Soomaalidu ku diriri jirtay.

32. Agabare: Hanti la siiyo cid wax dhexdhexaadisay; hagarbey.

33. Igmasho: Cid dood u wakiilasho; igbasho.

34. Ollog: Deris; jaar.

35. Ardaa: Dugaal kor ka furan, ood ka samaysan, aqallada hortooda laga dhiso oo habeenkii lagu caweeyo ama la seexdo.

36. Axdar: Belaayo; aafo.

37. Asaaye: Ciqaab ka dhasha waxyeello horay la isku gaarsiiyay; godob.

38. Aw: Waa kutubqaadka aan wedaadka weyn gaarin. Degaannada Koonfurta, ninka weyn ee da’da ahna waa laga yiraaahdaa.

39. Ijaabo (af Carabi): Aqbalista duco Ilaah loo jeediyo oo uu aqbalo.

40. Adur: Waa erey laga oran jiray waxyaabaha la baasaysto; Allow naga weeci!

41. Aglool: Waa haruubka ama caanaha cusub ee la agloolayo ama la xooleenayo. Waxa ugu horreeya ee lagu shubo, badanaa, isaga ayaa liqa.

42. Anfaaci: Dheefta la quuto.

43. Agliil: Toddobada casho ee hore ee uu aroosku cusub yahay raashinka ay cunaan ayaa la yiraahdaa.

44. Ajuuro: Waa gunnada la siiyo wedaaddadu marka ay Quraan kuu akhriyaan ama ay qof jirran cashariyaan.

45. Eeraan: Socod dheer ama orod badan.

46. Agtilaal: Waa nin had iyo goor muran badan oo akeekin ka keena hadba wixii la soo jeediyo.

47. Ami: Waa xoorka lab.

48. Aboodi: Jaad haadda ka mid ah oo xagga weynaanta u dhexeeya gorgorka iyo coomaaddaha, oo habeenkii dhulka u hoyda oo afka lugaha iyo baalasha dhinacyadooda ay guduudan yihiin.

49. Axadh (Axar): Waa lafagurka garta ama in si xeeldheer oo qoddo dheer loogu gondo daadego. 

50. Akeeki: Isyeelyeel; oogayeel.

51. Anfariir: Dareen kulminaya yaab weyn iyo beerkaag (cabsi).

52. Aynfaad: Dhibaato aad u ballaaran.

53. Arar: Dhulka u dhow eek u heeran ceel ama degaan. Gogoldhigga loo sameeyo tix ama tiraab. Halkan macnaha dambe ayaa ay ugugu jirtaa.

54. Ilmarogasho: Uurjiifka naasleyda, gaar ahaan dadka, marka uu korriinkiisu gaaro heer loo aqoonsan karo muuqaallada qof weyn. Dadka uurjiifkiisu laga billaabo siddeed toddobaad ilaa inta uu ka dhalanayo waxaa la yiraahdaa ilmo-calooleed.

55. Tasow: Baadi wax muddo badan maqnaa noqosho. Nafley dayoobis. Halkan Abwaanku waxa uu uga jeedaa: wax lumay ahaansho.

56. Eel: Dhibaato aad u ballaaran.

57. Xidaar: Waa ninka xiddigiska iyo dabaylaha yaqaanna.

58. Bayaxaw: Waa xiddigta u dhexaysa Garbo iyo Gudban oo bah “Daalalli” ah. Mar kale, waa wiilka dhasha 14-15d dayaxa. Kaas oo la aaminsan yahay in wiilkaasu aakhirkiisa uu noqonayo hodan falxad ah. Macnahan dambe ayay ugugu jirtaa. Inantana “Mareegadheer” baa la yiraahdaa (waa xidigga u dhexeeya Shawle iyo Dameer oo waa bah “Daalalli”) oo waa haddii ay dhalato kolka dayaxu marayo habeennada 17-18d.

59. Oddoros: Male; awaal; saadaal; hilaad.

60. Naaf: Waa god isaguna uu dayaxu maro.

61. Abasax: Baahida ay hal ama qaalin geel ahi u qabto abaahi.

62. Abaraaq: Waa fadhi xun oo ka la daadsanaan ah; baraaqsi.

63. Abogaa: Waa soojire; inbadanjoog; qof degaanka uu joogo u dhashay ee aan ahayn abaari keentay.

64. Arnaa’uud: Waa derajo uu Turkigu bixin jirin jeer hore oo uu geyiga Soomaaliyeed yimid.

65. Aygarad: Qof garaad badan oo aan la dagi karin; waxgarad; indheergarad feejignaan aad ah leh.

66. Eelaweyn: Waa qaalmaha marka ay yaraantana ka tagaan, goortii awrku abaahiyi lehaa ee ay caloosha wax ku qaadi lehaayeenna aanay gaarin.

67. Baydari: Waa labadii jaad ee ugaarsadaha mid hore ee ahaa: midka u ugaarsada in uu ugaarta hilibkeeda cuno ama ka dheefsado; hargaanti.

68. Ishin: Ugaarta ayaa labo qeybiyaa: ishin iyo yaris. Ishinku waa inta waaweyn; yaristuna waa inta yaryar.

69. Ohli: Kolay weyn, harag ama mayrax ka samaysan oo badarka iyo waxyaanaha yaryar ee guriga lagu gurto.

70. Okhole: Gaawe weyn oo sida badan qori ka samaysan oo ceelasha gaabgaaban biyaha looga soo darsado.

71. Aroorta: Waaberiga.

72. Aroori: Waa ban weyn oo Burco dusheeda ah.

73. Ashkir: Midab ka mid ah midabbada fardaha.

74. Adeeryo: Waa goodirka dheddig; adeericaarrey.

75. Aftoolin: Meel cabsi leh; afdoolin.

76. Aarmi: Waa hub.

77. Agaalli-waranley: Waa god ka mid ah godadka dayaxa; agaalli-casna waa la yiraahdaa. Godkan ayaa ka tirsan bahda toddobbada ah ee la isku yiraahdo “Raqo,” oo ka la ah: Godan, Libcas, Urur, Galgaal, Agaallicad, Agaalliwaranley iyo Afagaal.

78. Nugul: Waa xoolaha intooda aan biyaha wax badan ka qadi karin.

79. Carshin: Dhul daaq leh.

80. Aloog: Waa buur Boorame dhanka bari ka xigta.

81. Cali: Waa Cali-Seenyo Axmed Raabbi oo ah wariye.

82. Daranta: Geed yar, jaadad badan oo dhooddida iyo dibirka ka baxa oo dhanaan geelu ku jeelbaxo leh.

83. Eexo: Waa degaanno Burco berigeeda dhaca.

84. Oofto: Deexdo ama da’o.

85. Ukuli: Waa hees la qaadi jiray marka libaaxa laga baqayo.

86. Uubato: Bahal eyga u eg; yey; uuley. Mar kale waa qaylo aad u dheer. Macnaha dambe ayay ugugu jirtaa.

87. Agool: Waa uskagga madaxa gala. Midka jirka intiisa kale gala waxa la yiraahdaa: toxob.

88. Aydin: Waa midabbada geela mid ka mid ah.

89. Ijo: Waa geela hasha madhaafaanka ah ee u sidata.

90. Arbe: Waa maroodiga lab.

91. Ool: Kooxda uu arbuhu kaxaysto ee uu hoggaamiyo.

92. Oolimaad: Waa guri diraacdii oo idil ay reerku degganaayeen. Kolka, marka uu gu’gu da’o dadku had iyo jeer ma jecli in ay ku sii negaadaan.

93. Udo: Waa saxaraha ama banka lamadeggaanka ah.

94. Arad: Haweenay la qabo; naag; oori; afo.

95. Majeero: Wax si aad ah u jeclaansho.

96. Aasaar (af Carabi): Raadad.

97. Awgii: Waa Sheekh Yuusuf al-Kowneyn.

98. Keenaddiid: Waa Cismaan Yuusuf Keenaddiid oo 1921kii qoray far Soomaaligii ugu horraysay, inta la og yahay ee qof Soomaaliyeed qoray, oo Farta Cismaaniya ama Far Soomaali la oran jiray.

99. Galaal: Waa Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal oo ka tirsanaa Guddigii Qorista Af Soomaaliga ee 1971.

100. Shire-Gaab: Waa Maxamed Shire-Gaab Maxamed oo ka tirsanaa Guddigii Af Soomaaliga ee u horreeyay, 1960. Markii dambana ka mid ahaa buddhigayaashii Wasaaradda Waxbarashada iyo Hanuuninta Dadweynaha.

101. Kaddare: Waa Dr. Xuseen-Kaddare Sheekh Axmed Hilowle oo 1952kii qoray far Soomaali la oran jiray Farta Kaddariya. Waxa kale oo uu ka mid ahaa Guddigii Qorista Af Soomaaliga ee 1971.

102. Shire: Waa Shire Jaamac Axmed oo ka mid ahaa dhidbayaashii far Soomaaliga Laatiinka ah.

103. Iftiin: Waxa uu ahaa jariirad uu Shire Jaamac Axmed kaligiis qori jiray dabayaaqadii 60d qarnigii tagay. Waxa la oran jiray jariiraddaas: Iftiinka Aqoonta. 

104. Afrax: Waa Maxamed Daahir Afrax oo ah qoraa jiitay. Immikana waa Guddoomiyaha Akademiyad Goboleedka Af Soomaaliga.

105. Gaarriye: Maxamed-Gaarriye Xaashi Dhamac ayaa dhintay 01 Oktoobar 2012. Waxa uu ahaa abwaan murti culus iyo xeeldheere miisaanka maansada; waxa uuna ka mid ahaa barayaashii maaddada af Soomaaliga ee Kulliyaddii Barayaasha ee Jaamacadda Ummadda.

106. Arbayaal: “Arbe” waa atooraha filinka ama kunjeertada (riwaayadda). Waxa halkan looga jeedaa: foolaadkii iyo labeentii.


W/Q: Aar Aw Fiqi.

14 October, 2020.





Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -