Xusuustii Fanaanadii Saado Cali Warsame (AHU).

 — Codkii xoriyadda 1950-2014

— The voice of freedom 1950—2014

           —Sado Ali Warsame

Durbaba siddeed sano ayaa kasoo wareegtay duhurkii Saado lagu qashay Muqdisho. Saado, xasuustayda markasta oo ay kusoo dhacdo waxaa kusoo dhaca; sawirka qof goba oo dhar gobonimo xidhan, muusig gobonimo u baxayo, ereyo gobonimana ku heesaya, masrax gobonimo ka heesaya, dad gobonimo doona garab u ah, gole gobeedna laga dhagaysanayo. Saado inta ay ahayd hoobalad heesta waxaa ka badnayd inta ay ahayd qof xora oo dadnimo nafteeda buuxisay.  Saado tan iyo intii ay ahayd qof heesta waxa ay ahayd hoggaanka gobonimo u dirirka. Waxa ay ahayd hoobalad kulansatay ka heesidda labada daraf ee nolosha aadamaha waa jacaylka iyo xornimo doonka oo dagaalku astaan u yahay. Waxa ay ahayd mikrafoonka dadka dulman. Qoraalkan yar ee kooban waxa aan ugu baroordiiqayaa geeridii Saado oo maaanta siddeed sano kasoo wareegtay.

Proff Faysal Rooble, qoraal uu July-02-2011 faafiyay, kagana warramayay hoobalad Saado waxa uu kusoo qaatay; Saado dhanka heesaha jacaylka iyo laxan qurux badnaanta in ay ka shabahdo heesaayaddii reer Maraykan ee Aretha (1942-2018), inantii lagu magacaabi jiray BOQARADDII RUUXDA, BOQORADDII DAREENKA NOOLAHA. Aretha, waxa ay kamid ahayd heesaayadii albumyadooda heesaha sida xoogga ah loo iibsaday. Hoobaladdan Aretha iyo Saado waxa ay iska shaabahaan sida ay labadooduba u ahaayeen labo gabdhood oo laxan, ereyo iyo muusig toolmoon ugu heesa dadkooda. Sida ay u yihiin labo qof oo heesta jacaylka ee ay qaadayaan iyo dareenka ay muujinayaan is leeyihiin. Sida uu Roobleba yidhi "In her romantic and melodic songs, she is our Aretha." 

Sidoo kale Rooble waxa uu qoraalkiisa kusoo qaatay in xornimo u dagaalanka iyo u hadalka dadka dulman ay ka ahayd Rosa Luxemburg (1871-1919). Rosa, waxa ay ahayd halgamaayad reer Boland-Germany ah, waxa ay ahayd mikrafoonka gobonimada iyo xornimada raadiska. Waxa ay qayb weyn ka qaadatay halgankii dib u xoroowga Boland. Waxa ay qayb ka qaadatay afkaaro ay u aragtay in aysan bulshada Boland iyo Germany oo ay labadaba kasoo jeeday u cuntami karin. Saado iyo Rosa, waxa ay ka siman yihiin sida ay u yihiin labo qof oo xornimo u hadalka caadaystay dabadeedna noqday mikrafoonka dadka dhibaataysan. Saado waxa ay dhab ahaan ugu dhaqantay una dabooshay ereyadii Bob Marley ee ahaa “u dagaalama xuquuqdiina.” Proff Rooble ayaa sidaas qaba. Hubaashiina waa runtii.

Haddii aan dhanka sooyaalka, ereyada dareenka leh, bulshada ay kasoo jeedaan iyo halgan ay galeenba eegnana aragtidayda waa Muslim Gursus-ka Soomaalida. Muslum (1986-2013), waxa uu ahaa hoobal Turkiya. Isaga iyo Saado waxa ay iska shaabahaan halganka ay naftooda u galeen iyo dadka ay kasoo jeedeen. Matalanba Muslum, waxa uu ka yimid dhul miyi xigeena, waxa uu bilaabay hayaanka uu ku galayo fanka intii uu ku jirayna aabbihii waxa uu dilay hooyadii iyo walaashiisii ka yarayd. Saado, iyana waxa ay ka timid dhul miyi ah. Bulsho aan fanka aqoon ayeey hayeenkeeda ka dhex bilowday illaa ay gaadhay figta sare ee dhismaha fanka. Balse Muslum turkidu waxa ay ku magacowdeen Muslum Baaba ama aabbe Muslum, Saado—se iyada oo aan xataa mahadsanid la odhan ayaa koox afka duubani duhur cad madaxa ka  toogteen! Waa halyeeyaddii ahayd mikrafoonka xornimo-doonka halkaas ayuu kusoo dhammaaday sooyaalka malaayin qof oo isku dhex noolaa.

Saado waxa ay dhab u aaminsaneed sida ay u tahay qof kastaa in uu helo xuquuqdiisa qofeed ee ku leeyahay dunida. Sida ay u tahay in cid walbaa ka xorowdo dulmiga cidda dulmiga wadda. Sida ay tahay in bulshadu u hesho xorriyad fikir, dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed. Sidaas darteed ayaa Saado u ahayd garabka, codka iyo cod-baahiyaha halgamayaasha. Halganku bilowga waa qadhaadh, dhammaadkana waa sida timir bislaatay oo kale. Saado waxa ay ahayd qofka qadhaadhka halganka u dulqaata ee aan haddana dheefsan macaanka timirta. Waayo, Saado ma ahayn qof u hadasha dan qofeed , waxa ay ahayd qof u hadasha ruux halganka jecel oo ku jirta darteed. Ruux, qableh oo jecel cid walbaa in ay ka baxaan dulmiga dulmiwadayaasha.

Saado, haddii aan nafteeda halganka dhex jibaaxno kama dhammaan karno waayo nafteeda iyo jidhkeeda ayaa ahaaba ruuxiyad iyo jidh gobeed. Saado intii ay fanka ku jirtay waxa ay qaadday heeso tiro badan. Markasta oo aan xasuustayda geliyo hees ay Saado qaaddo waxaa isoo baxaysa Saado oo qaadaysa heesteedii:-

—Hadduu caawa igu yiri

—Badda cagaha geliyoo

—Timaha caarada usoo

—Soo xiro cunnaabiga

—Saddex qayd caddiin loo

—Weli caarad jebiniyoo

—Calmashayoo laasimo

—Siddig ceeriigaabiya

—Hadduu cududa ii suray

—Ila caari anigiiye.

Markaas baan xasuustaa Saado oo xidhan dhar dhalaalaya oo buluug xigeena. Midabkeedii marriinka ahaa iyo quruxdeedii dabiiciga ahaydna ay sida il biyo xareedlaa u dhalaalayaan. Codkeedii oo uu bilayo muusigga heesta. Saado hoobalnadeeda waxaa ku ladhnayd hibo qofeed oo qurux iyo masraxiyad weheliyaan. Proff Faysal Rooble, waxa uu leeyahay Saado kuma qeexi karo ereyo habkii ay ahayd dheddigood dhammaysa. Jaaskeedii, dhaqaajinteedii laafyaha sida u dhalashadaa. Heesta uu soo qaatay waxa uu inoo sheegayaa in la moodo in Saado lagu qeexayo.  ”My words cannot express Sado’s commanding, yet feminine presence at the stage. Dancing to a typical Somali tune, she moves her body parts with ease effortlessly (laafyo tuurkeeda, timaheeda dheeree dhabarka joogaa, Ilaahay Dhameeyey…).  Indeed, that song (markaa socoto laafyaha miisaanka lagu daray, dadku waxay yidhaahdaan may daarin ciidee, daa'uus lamoodyey) seems to describe Saado.”

Saado waxa aan si gaara anigu ugu xasuustaa sidii nafhuridda lahayd ee ay afka ugu dagaalantay markii Siilaanyo kusoo duulay Buuhoodle. Marka aan dagaalkaas soo xasuustaba waxaan lasoo xasuustaa Saado. Markaas baan niyadda uga duceeyaa, yada iyo nafhurayaashii kaleba. Saado waxaan si gaara ugu xasuustaa yada oo ka daaran gaadhi qori saaran yahay oo si gaara marka ay leedahay "Buuhoodle maxaa kaa yaalla?" Jiimta iyo codka ragga gaadhiga saarani isla helayaan, yaga oo qoryahooda kor u taagaya. Heestaas ereyada, laxanka iyo codkaba Saado ayaa iska leh waxa ay abaalmarin u siisay nafhurayaashii 15-01-2012 ka diiday in SL la wareegto Buuhoodle ee naftooda huray. Sidoo kale waxa aan xasuustaa Saado oo ONLF ban bannaan ku dhagaysanayaan iskuna maaweelinayaan heesteedii OGAADEENIYA WAY XOROOBI.

Haddii lay dhihi lahaa cid sii biladda halgamidda Saado ayaan taashkaas u xidhi lahaa. Maanto oo kale sannadkii 2014-kii kuna beegneed 27-kii Ramadaan ayeey dunida ruuxdaa gobonimada iyo halganka astaanta u ahi sagootisay. Alle waxaan u waydiinayaa naxariistiisa in uu ka waraabiyo.

Xigasho

• Maqaalka Proff Faysal Rooble ee A Tribute to Sado Ali Warsame (Abaalmarintii Saado Cali Warsame.)

• Masuul, webka lagu kaydiyo heesaha Soomaalida.

• History of Aretha.

• Rosa Luxemburg facts.


Cabdiraxiin Ciideed

abdirahimdayib@gmail.com

 23-07-2022.




Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -