Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare Oo Ummadda Reer Somaliland U Soo Bandhigay Mid Ka Mid Ah Dabeecaddaha Wanaagsan Ee Uu Ku Sifoobay Musharax Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Cirro.




Hargeysa (QMN)- Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi (Yaasiin Cumar Yare) Oo Ka Mid Ah Xildhibaannadda Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Uga Soo Baxay Degmadda Hargeysa, Ayaa Sifeeyey Shakhsiyadda Wanaagsan Ee Uu Leeyahay Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi (Yaasiin Cumar Yare) Oo Ka Mid Ah Hormoodka Golaha Deegaanka Ee Degmadda Hargeysa, Ayaa Soo Qaatay Mid Ka Mid Ah Dabeecaddihiisa Hogaamineed Ee U Gaarka Dr Cirro, Wuxuuna Xildhibaan Cumar Yare Tilmaamay Inuu Musharax Dr Cabdiraxmaan Cirro Uu Leeyahay Dabeecad U Gaar Ah, Taasoo Ah Dad Isku Wad, Isagoo Dhammaan-ba Shacabka Reer Somaliland Ee Uu Doonayo Inuu Hogaamiyo Oo Madaxweyne U Noqdo Isugu Mid Yihiin, Isla-markaana Aanu Soo Kala Dhawaysan.
Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi (Yaasiin Cumar Yare) Oo Boggiisa Facebook kaga faaloodday Dabeecadda Gaar Ah Ee Dr Cabdiraxmaan Cirro, Ayaa Ugu Horeynba Yidhi Siddan "Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Waa Nin Ummadda Reer Somaliland Isugu Mid Tahay".
Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi (Yaasiin Cumar Yare), Ayaa Xusay Markuu Arkay Dabeecaddaha Gaarka Ah Ee Dr Cabdiraxmaan Cirro Uu Leeyahay Inuu Yahay Shakhsi Ilaahay La Rabo Hogaaminta Ummaddan Oo Muddo Badan U Oomanayd Hogaamiye Wanaagsan, Waxaanu Yidhi Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare "ALLE AYAA KURSIGA LA RABA AYAAN FILAYAA.

Alle Ummadda Madax Wanaagsan Ha Siiyo Si Dalku U Wanaagsan-naaddo" Ayuu Yidhi Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi (Yaasiin Cumar Yare).

#Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Har/Office.
Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.




Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -