Xidhiidhka Ka Dhexeeya Macaanka Iyo Caafimaad Wadnaha.

 Macaanku waxa uu ka mid yahay cudurrada raadka taban iyo dhibaatada ku keena caafimaadka wadnaha. Marka uu heerka macaanka dhiiggu muddo dheer kacsanaado, waxa uu dhaawacaa xididdada iyo halbawlayaasha dhiigga gaadhsiinaya wadnaha. Marka uu macaanku muddo dheer qofka hayana waxa uu inta badan keenaa wadne xanuun.

Daraasado caafimaad ayaa muujinaya in dadka macaanka qabaa a mar kasta wadne xanuunka uga dhow yihiin kuwa aan macaanka qabin, marka tahay dadka waaweyn ee macaanka lehna, sababta tooska ah ee ay inta badan u dhintaan aanu ahayn cudurka macaanka, balse uu yahay wadne xanuun ku yimi sababta cudurka macaanka.

Talooyin caafimaad

– Dhakhaatiirta takhasuska ahi waxa ay qofka macaanka qaba kula talinayaan in uu waqti gaar ah u sameeyo jimicsiga, oo ugu yaraan maalin kasta saacad badhkeed ah. Waxa aanay sheegeen in jimicsigu uu xoojinayo burqashada dhiiggu uu ku marayo xididdada dhiigga, iyo in uu dhiiggaasi saaro wixii dufan ah ee ku dheggen darbiyada xididdada dhiigga.

– Talada labaad waa in qofka macaanka qabaa uu ku dadaalo in uu helo cunto caafimaad ahaan ku habboon xaaladdiisa. Muhiimadda koowaadna waa in uu iska yareeyo dufanka iyo hilibka xoolaha. In cuntadu ay noqoto cuntooyinka ganka leh iyo khudradaha noocyadooda kala duwan. Haddii uu miisaanka qofku dheeraad yahayna waxaa waajib ku ah in uu hoos u celiyo si uu uga taxaddaro in macaanku uu ku sababo wadne xanuun.

– Waxaa muhiim ah in qofku uu ogaado khatarta caafimaad ee sigaar nuugista, sidaa awgeed uu dhaqso iskaga daayo, gaar ahaan haddii uu cudurka macaanku hayo. Waxa ay dhakhaatiirtu ogaadeen in qofka macaanka qaba ee sigaar nuugaha ahi uu wadne xanuunka ugaga dhowyahay qofka xanuunkan qaba ee aan sigaarka nuugin.

Khaliif Raage.

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika



Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -