Waxaad Istaahishaan....?

 Waxaad fur-furaysaan oo qabiil-qabiil u kala saaraysaan ciidankiinnii ay walaalaha Turkigu idiin dhiseen. 

Waxaad bur-burinaysaan hay'addii sirdoonkiinna, waxaanad maalin iyo habeen beegsanaysaan saraakiisha iyo hoggaankeeda.

Ciidankiinnii Badda ee amaanudka ahaa, waxaa dhulkiisii boobaya Madaxdiinnii. 

Waxaad kala garan-ladihiin dalka  Soomaaliya iyo Shakhsi hoggaanka jooga maanta; sidii aad u kala garan waydeen Maxamed S. Barre iyo Soomaaliya ee aad dalkiinna u burburiseen idinka oo shakhsiga hoggaanka ah diiddan isla markaana cadow shisheeye ugu soo hoggaamiseen ciiddiinna iyo calankiinna. 

Karti xumo, kala-socod, iimaan la'aan iyo Alle caasinimo awgeed, 30 sano dalkiinnu dawlad malaha! Baddiina, berrigiinna iyo cirkiinna midna kama talisaan, tiiyoo lagu jiro qarnigan 21'aad ee dunidu Dayaxa dushiisa edeg-edeg u qaybsatay. 

Waxaad ku abaal-dhacdeen Rabbigii idin siiyay NICMADA WAYN!  Barwaaqada Rabbi idin siiyay waxaa kamida: Diin mida, dal mida, af mida, dhaqan mida, midab mida, cimilo wanaagsan, khayraad ceegaaga bad iyo berri. 

Dadka waxaad ugu neceb-tihiin ciddii abaal idiin gasha, waxaanad ugu jeceshihiin ciddii idin dullaysata. Tusaale, maalin walba siyaasiyiintiinnu (cadaqaatayaasha) waxay safaaradda Turkey u diraan farriimo cabasho ah oo nuxurkoodu yahay "Farmaajo ciidan haw dhisina!"(Soomaaliya iyo Farmaajo waa isugu qiimo!). Laakiin Kenya iyo Imaaraadka waad u kala dhuumataan; maxaa yeelay dalkiinna boobkiisaad dillaaliin uga tihiin. 

Tusaale kale, hoggaaniyaha Eritrea markay Madaxtooyadiinna qabsadeen ciidanka Itoobiya ee ay calankiinna Askarta Wayaanuhu ku dul kaajayeen ee ay masaajidda Muqdisho culimada ku gawr-gawracayeen, waxa uu idin siiyay fursad dhifa! Dalkiisuu idinku marti qaaday, wuxuuna idin ku yidhi: "Xoraysta dalkiinna, waxaad u baahataanna waa idiin diyaar; — xitaa hadday Eritrea halis ku galayso." (Dabcan waaba u gashay oo go'doonkii Soomaaliya darteed loo galiyuu ku jiraa wali). Waatii aad TPLF oo gabdhihiina kufsata usoo kala dhuumateen, iyada oo uu Inna Geelle dilaal idinka yahay.

Mar kale, maanta oo uu hoggaamiyaha Eritrea (Afwerki) tababar casriya idiin siinayo kumannaan ciidana, waxaad u aqoonsan-tihiin cadowgiinna koowaad! Laakiin ninka subax walba ciidankiisa cirku duqeeyaan hooyooyinkiin iyo caruurtiinna (Uhuru Kenyatta) waad u kala dhuumataan. 

Tusaale kale, Abiy ahmed, waxa uu talada Itoobiya qabtay idinka oo 27 sano u dullaysan oo dacay idinku xidharay TPLF, oo ay idiin dhistay 7 imaaradood oo tolaysan iyo 7 Madaxwayne. Waxa uu idin siiyay ixtiraam iyo sharaf aad hore uga waydeen madaxda gobalka geeska Africa, — xitaa midka aad isku dubka iyo diinta tihiin (Inna Geelle). Waxaa uu eber gaadhsiiyay faragalintii Itoobiya ku haysay soomaaliya. Waxa uu si buuxda u khilaafay siyaasaddii arrimaha dibadda ee dalkiisa ee halka qarni jirtay iyo ujeeddooyinkii lagu aas-aasay waxa loogu yeedho "Qaranka Itoobiya." 

Markale waxaad kala garan-la'dihiin Farmaajo iyo dawladnimada Soomaaliya,  Abiy ahmedna maadaama oo uu villa Somalia kaligeed xidhiidh la leeyahay waa cadowgiinna koowaad maanta; sababta oo ah waxa uu diiday in uu Madaxwayne-qabiileedyadiinna mid-mid ugu qaabilo Addis Ababa. 

Maanta waxaad leedihiin: Siduu ciidan badeed u dhisanayaa Abiy ahmed? Oo ma intaad dantiinnii ka saaqiddeen, ayaad rabtaan in aad isagana saaqidnimadaa usii yeedhisaan ama aad macalin ugu noqotaan? Ma waxaad filaysaan in uu sida R/Wasaarihiinna guryo ka jeexdo xeryaha iyo xarumaha ciidamada oo bililiqaysto? Ma waxaad rabteen uu yidhaahdo, "ciidamo iga waardiyeeya ciidankayga adduunku ha isoo direen? (Sida R/Wasaarihiinna?)

Dhammaantiin hal magaalo (Muqdisho ama Hargaysa) ayaa idinku filan; laakiin dhulkii waa idin qaadi la'yahay oo meel walba dhiigbaa quban/daadan. Xitaa adduunyadii kalaad dhib iyo qaxar ula tagteen!. 

Rabbiga dusha iyo deeqda badan naxariistiisa umbaad ku dhaqan tihiine, waxaad istaahishaan in Badda Hindiya iyo tan cas biyahooda la idinku kulmiyo, si uu dhulku fasahaadkiinna uga raysto.


@ _______  xigasho



Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -