WAX-TARKA CAAFIMAAD EE BIYAHA SAMSAMKA

  Biyaha Samsam, waa biyaha ugu saafisan uguna caansan dhulka guudkiisa. Ma jiro wadan ka mida caalamka oo aanay gaadhin biyaha Samsam, marka la eego tirada Muslimiinta ah ee sanadka kasta ka yimaada daafaha caalamka si ay u gutaan faralka xajjka. 

Aad ayay u badanyihin Axaadiista saxda ah ee laga wariyay Rasuulka NNKH tee ee ku saabsan awoodda iyo barakada ku sugan biyaha Samsam. Waxa ka mida .....

  Muslim, 1922/4 ((إنها مباركة، إنها طعامُ طُعْم))

Abu Darr Al-qafari waxa laga wariyay inuu Makkah ku qaatay bil dhamaystiran isaga oo aanay dhuuntiisa marin wax aan biyaha Samsam ka.

Marka laga tago barakada iyo dheeraadka gaarka ah ee hore looga yaqaanay biyahan Samsam ka, waxa an wax ka tilmaami doona Wax-tarkooda caafimaad iyo qiimohooda nafaqo (Medical and Nutritional Values), waxaan si cilmiya u dulmari doona natiijooyin la taaban karo oo ka soo baxay Diraasado/cilmi-baadhisyo caalamiya oo ku daabacan mareegaha iyo jariiradaha waawayn ah ee lagu kaydiyo diraasadka cilmiyaysan ee ku saabsan arinta tan.

QAAB-DHISMEEDKA KIIMIKEED iyo QIIMAHA NAFAQO EE SAMSAM KA

_________

Cilmi ahaan, biyahan Samsamka waxa lagu sifeeyaa inay yihiin biyo Alkali ama base ah marka la eego halbeega qiyaasta qiimaha aysiidhnimada ama Hydrogen ta (pH). Heerka pH ka Samsamku wuxuu u dhexeeyaa 7.5 - 8.0, waana qiimo waafaqsan pH ka loo ogol yahay biyo kasta oo la cabayo sida ku xusan talo bixin ta Hay'ada caafimaadka aduunka (WHO) ee ku saabsan biyaha la Cabo.

Dabeecadan kiimikeed ee BASE ka ah waxa lala xidhiidhiyaa dhagxaanta BASE ka ah ee ay kasoo burqadaan biyahan Samsamku, sida ay cadaysay diraasad geology ah oo ay samaysay jaamacadda Damaam ee Sacuudigu.

BASE nimada biyaha Samsamku waxa ay hoos u dhigta xaddiga guud ee milmeyaasha biyaha (TDS). 

Diraasad muraajaco ah (systemic review) ayaa tilmaamtay xaddiga milmeyaasha (TDS) ku jira biyaha Samsamku inuu yahay 650 mg halki litir e kasta, taasi oo waafaqsan TDS ka rasmiga ah ee loo ogol yahay biyaha la Cabo oo u dhexeeya 250 - 800 mg/L.

Sidoo kale biyahan Samsamku waxay kaga duwan yihiin biyaha kale, inay ku jiraan xaddi macdano qaali ah oo ay ka mid yihiin Potassium, Calcium, Magnesium iyo Zinc, waana macdanaha suura galiyay inay yeeshaan qiimo nafaqo oo gaar ah ama ay soocmeen biyaha kale. Waana macdanaha muhiimadda wayn u leh hab-sami u shaqaynta ha-dhisyada dareen-wadka iyo muruqyada, sidoo kale waxay door wayn ka qaataan dheeli-tirka xaddiga dareeyasha jidhkeena. Waxa layaab leh doorka ay ku leeyihin dheeli-tirka iyagoo aan lahayn maadoyin tamareed.

Diraasad tijaabo ah ayaa noocyo xayaanka ka mida la waraabiyay biyaha Samsamka muddo laba usbuuc ah, nasiib wanaag kamay muuqan waxyeelo sumeed oo ay keeni karaan macdanaha qaarkood oo ku jira biyaha Samsamka.

WAX-TARKA CAAFIMAAD EE BIYAHA SAMSAMKA.

______________________________

Hadaynu is dul taagno wax-tarka caafimaad ee biyaha Samsamka, dabeecadooda kiimikeed ee BASE ka ah ayunba lala xidhiidhiya saamayntooda caafimaad. Tiro badan oo ka mida diraasaadka cilmiyaysani waxay isku raacsanyihin, cabitaanka joogtada ah ee dareereyasha BASE ka ahi ay ka takhalusaan macdanaha sunta ah ee ku dhex rasaysma unugyada jidhka sida Mercury ga.

Cilmi-baadhayasha sayniska ee caalamka islaamku waxay sugayaan jiritaanka, awood buuxda inay biyaha Samsamku u leeyihiin badhxinta iyo ka hor taga Saamaynta xun ee falaadhaha Gama (Gama Rays). Cilmi-baadhayashu waxay Gama Ray's dher mariyeen dhuuxa lafaha koox xayawaan ah oo la waraabiyay biyaha Samsamka iyagoo bar-bar dhigaya koox kale oo la waraabiyay biyahan kale ee caadiga ah.

GUNAANAD

_________

In si cilmiyaysan loo dhuuxo ama loo dhugto nusuusta cilmiga ah ee ku jira kitaabka iyo sunnadu waxa ay aad u xoojinaysa quwadda rumaynta, waxay qalbiyada ku ridaysa ashqaraar, wa hubaal inaad dhabanada iyo gacmaha isku dul ilowdo. Suura gali maaha inuu cilmi-baadhka saynisku buriyo ama Beniyo wax kasta oo cilmiya oo ku sugan kitaabka iyo sunnaha. Waana tilmaan xoojinaysa inaynu rumaysano dhamaan QAYBKA iyo waxa maqan ee la inoo sheegay.

Si kale hadaynu u dhigno, cilmiga iyo caqligu waxay ka marag-kacayaan saxnimada waxyiga Rabbi, mana jirto arin cilmiya oo ka talaabaysa xuduudaha iyo sunnaha Rabbigeen u jeexay in nolosha kawnkani ku socoto.

﴿ وَمَنْ أَحْسَنُ مِنَ اللَّهِ حُكْمًا لِقَوْمٍ يُوقِنُونَ ﴾ [المائدة: 50].

TIX-RAAC 

___________

1- موقع الإسلام سؤال وجواب. https://islamqa.info/ar/1698

2- Bamosa, A., Elnour, A., Kaatabi, H., Al Meheithif, A., Aleissa, K., & Al-Almaie, S. (2013). Zamzam water ameliorates oxidative stress and reduces hemoglobina1c in type 2 diabetic patients. J Diabetes Metab, 4(249), 2.

3- Abdelsalam, E., Abdullah, B., & Khaled, A. (2012). Antioxidant effects of Zamzam water in normal rats and those under induced-oxidative stress. Journal of Medicinal Plants Research, 6(42), 5507-5512.

4- Shomar, B. (2012). Zamzam water: Concentration of trace elements and other characteristics. Chemosphere, 86(6), 600-605.

5- Ali, A. F. M., Cosemi, E., Kamel, S., Mohammed, S., Elhefnawy, M., Farid, L., & Shaker, S. (2009). Oncolytic action of Zamzam water on azoxyonethone (AOM) induced colon tumors in rats. In Thirteenth International Water Technology Conference, IWTC (Vol. 13, pp. 1521-1526).

6- Saif, A., Sarhan, O., Mohamed Elmogy, M., & Mutwally, H. (2014). Hepatoprotective effects of Zamzam water against Carbon Tetrachloride induced liver damage in Rats: Biochemical, Histopathological and molecular evidences. Life Sci Journal, 11(10), 300-308.

7- Yazdi, F. K., Monfared, A. S., Tashakkorian, H., Mahmoudzadeh, A., & Borzoueisileh, S. (2017). Radioprotective effect of Zamzam (alkaline) water: A cytogenetic study. Journal of Environmental Radioactivity, 167, 166-169.

8-  Halim, S., Mohamad, N., Toriman, M. E., Bakar, N. H. A., Hashim, S. N., Adnan, L. H. M., & Zakaria, N. H. (2016). Role of Zamzam water as a vital mineral supplement in the treatment of opioid dependence and tolerance: A Review. Research Journal of Pharmacy and Technology, 9(7), 957-963.

9- Elnour, A., Bamosa, A. O., Al-Meheithif, A., & Aleissa, K. A. (2013). Amelioration of Severe Carbon Tetrachloride Toxicity by Zamzam Water in Rats. J Nutr Food Sci, 3(197), 2.

10- Alfadul, S. M., & Khan, M. A. (2011). Water quality of bottled water in the kingdom of Saudi Arabia: a comparative study with Riyadh municipal and Zamzam water. Journal of Environmental Science and Health, Part A, 46(13), 1519-1528

Qoraa Ahmed Ismail Hersare (Senior lecturer at UoH).





Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -