Wax ka baro Qiimaha ay Somaliland u Leedahay 20-ka Feberwari.

 

"20 February waa taariikh ay Somaliland oo dhami leedahaye yaan lagu xanuunsanin taariikhda.


Maalinta Ufo & taariikhdii dhagax tuurkanka  ee taariikhda Somaliland ku suntan qaar ayaaba ka cadhaysane tolow kuwayagii Ufo ka buuxayna ma sidii Ucid & Faysal ayaa Garxajiska  lagu waashay ayagana laga saaray?


  1) AHN Dr Yuusuf Aadan Abokor

  2) AHN Dr Colaad Cali Cadar.

  3) Dr Cismaan Badmaax.

  4) Dr Sulub Cali Canjeex.

  5) Eng Maxamed Baaruud Cali.

  6) Eng Yuusuf Geydh.


Waxay ila tahay Ragaana in Jarku sidii Xisbiga  Ucid ay ka  dhigayaan oo aanay  xisaabtooda Qabyaalada ah ee  ay wax ku cabiraan aanay ugu jirin.


Aqoonyahankii Ufo waxay ahaayeen qaar markaa Gobolka Waqooyi Galbeed oo maca Boorama ku jiro u dagaalamayey waxaanay badankoodu   ka soo  jeedeen G/ Waqooyi Galbeed oo maca Rag Reer Boorama ahi ay ku jiraan,  walaw ay Sacad Muuse & Ciidagale u badnaayeen Ragii la xidhay ee aqoonta ahaa.


Dadka xanuunka qabaliga ahi uu ku dhacay waxay  taariikhdaa Dadka ka wada dhaxaysay ee maca Reer Borama wax ku lahaayeen  ay  hadana ka dhigayaan mid Sacad Muuse gaar u leeyahay ileen meel ayaa bukta oo wax kasta uga dhex muuqanaysee.


Ilaahoow cudurka ayaga haya ka dawee inta ka fayawna aanay naga qaadsiin.

Al-faataxa.




 

Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -