Wax Ka Baro Caaddada Dumarka? (Dysmenorrhea) ?.
Dysmenorrhea.
Waa Maxay Dysmenorrhea.
Waa Xanuun Badan Oo Ay Dareeman Dumarku Xiliga Dhiiga Caadada Ka Socdo.
=> Dumar Badan Ayaa Ka Cawda. Waana Xanunka Ugu Badan Ee Dumarku U Yimaadan Cusbitalka Qaybtisa Bukaan Socodka.
=> Waxa Lugu Qiyaasa 25 Boqolkiiba In Ay Xaaladani La So Deristo.
Dumarka Qaar Ayaa Dareema Xanuun yar xiliga Caadada. Lakin Lama Odhan Karo Weli waa (dysmenorrhea).
Hadaba Kalmada Ama Erayga Dysmenorrhea Oo Aan Kor Ku So Xusay Wuxuu Yahay Waxa Keliya Loo Adeegsan Kara Marka Xanuunka Caadadu Caqabad Ku noqodo Gabadha Uuna Ka Hor Istaago Nolol Maalmadkada, Taasi Oo U Baahan In La Daweeyo.
=> Noocyada Ay U kala Qaybsanto Dysmenorrhea Iyo Waxa Yaabaha keena (Types Of Dysmenorrhea and their Etiology).
1) Primary Dysmenorrhea.
(Taaso Ayaa Keento Khalkhal Ku Yimada Decaanada Prostaglandins Ka Keliya).
NB:(Maanta waxa kaliya aan Xooga Saarayna Qodobkan 1waad Qodobada hoosa 2,3 waxan ka hadli doona isbuucyada Danba Haddii Allah Awooda Lehi Inugu Simo)
2) Secondary Dysmenorrhea.(Taas Oo Ay Keenan Buroyinka Ka So Baxa Makaanka(Myoma, Endometrial Polyps) Infectionada Ku Dhaca Makaanka Iyo Macdanta ( Endometriosis, Pelvic inflammatory disease)
3) Membranous Dysmenorrhea ( Xaaladani Waa Xaalad Inta Badan Aan La Arkin Lkn Keenta Xanuun Saayida Dhiiga Caadadana Waxa So Raaca Hilbo Yaryar.) Laakiin intaa badan lama arko 100,000 hal qofba lugu arka
Hadaba Maxa Keenaya Xanuunkan
__________________________________
Xanuunka waxa inta badan ku lug leh dheecanada Prostaglandins iyo Leukotrines Ku Waaso Keenaya Xanuunka Xiliga Uu So Dadanayo Makaanki Loo Diyariyay in Aay Ka Dhacdo Aabuuriaanku Ayaa isnaa Soo Daynaya dheecanadan kuwaso subabay isku uruuritanka makanka iyo kala bixitankisa (Contractions) kadibna qofku wuxu daramaya Xanuun saayida
=>NB: ( waxad u bahaan tahay Inaad so Fahanto Menstrual Cycle kaa weli Uterine Cycle ka).
HADABA QOFKU MUXU KA CABAN KARA
________________________________________
1) Calamada Ugu Badan Ee Qofku Ka Cawdo Ayaa Ah Xanuun Saayida Kaaso Ka Hor Istaag Nolol Maalmadkisa Xanuunkasi Oo Bilowda Maalinta Ugu Horaysa Ey Gabdhu Hesho Caadada. Siiba Badana Xiliga Uu Ka Socdo dhiiga Caadadu.
2) Calamadah Kala Oo Ay Ka Mid Yihin Dhabar Xanuunka, Lalabada, Mantaaga Iyo Madax Xanuunku Uma khaas ah Cudurkan Laakin waa la Dareema Xiliaga Lugu jiro Cadada.
=> Sida qofka Loo Shaybaadha(investigations)
_________________________________
1) CBC : OO qofka dhiig laga qadayo Oo mihimadis tahay in La eego WBC oo meesha laga sarayo in infection jiro sida PID iyo iyado la eegayo HGB and HCT oo meesha laga saarayo dhiiglan ay keentay dhiiga cadadu iyo Platelets ka oo iyana larabo in la ogaado xinjirowga dhiiga .
2) Vaginal smear oo ah dheecan laga qaadayo Xubinta Dumarka Taaso looga dan leyahay in Daaqada laga saaro Bactariyada keenta PID
Hadaba Hadaanay intaas Waxa Kale La Soconin. Waxad U Bahantahay inaad U Bilowdo Dawoyinki lugula Tacalayaye.
HADABA SIDA LOOLA TACALA XAALADAN
Treatment of primary Dysmenorrhea
__________________________________________
Daweeynta Xanuunka dhiiga Caadada waxan u qaybinayna 3 qaybood oo wawayn
1) medical therapy oo ah in qofka lugula tacalo dawooyin
A) NSAID Iboprofen 400mg po TID oo sadaxad wakhti ah ayaamo yar intaa cadadu socoto dawadan waxad qaadanay malin ka hor ama xiliga xanuunka Caadadu bilowdo waxadan wadaysa mudo 4-6 bilood ah adigoo la soconaya dhakhtarkaga
B) WAXA jira xaalad kale oo loo bahan karo dawooyinka dhalmada lagaga (Monophasic Combined Oral Contraceptives Pill)hortago haddii ay shaqayn waayan dawooyinka aan ku Xusay kor taasna waxa ku qoraya dhakhtar
2) Surgery (Presacral Neurectomy and hysterectomy) oo macanahadu tahay qalin kaso inta badan aan la saman oo hal mar la sameyo oo loo samayo dumarka aan Rabin inay mustaqablka uur qaadan oo laga sarayo makanka (hysterectomy).
Kuwa raba inay qadana uurna waxa loo samaya (Presacral Neurectomy) oo macanahadu tahay in neerfaha xanuunka Keenaya laga dilo.
THE END
Pageka Like ku dhac sii siina share garay.
Si asxaabtadu uga faaiidaysato
W/Q: Dr. Sharma’arke Saed Awed

Comments
Post a Comment