Waa in ka mid ah suugaanta abwaan Khaliif Faarax Xayir, waxa isku soo ururriyay oo qoraalkan innagula wadaagay Jamaal Ibraahim Dasuuqi.
Dasankii| Dal-mareen Khaliif Faarax Xayir.
Waxa aynu duruus ahaan u darsi doonaa, Khaalifkii ka bilaabay Dugsiga Diridhaba ee Waagu ugu baryay Koonel, Kafir, lagahare, adhis-keela iyo Sabtanyaaga. Si guud ayaynu u baran doonaa suugaanta iyo Shaqsiyadda Ina-Faarax Xayirkii; Dabaasha ku bartay dooxa Daami ee Hargeysa, Doolo-na xuduntiisu ku aasnayd. Dalmarkii Dalxiis iyo ku noolaanshaba ku maray deegaan Daraawiisheed, Degmo Xamar iyo Baladweyntii Hadraawi ducada faraqa u sudhayba. Waxa uu ku dhashay gobolka Soomaalida Atoobiya ee gumaysigu gacanta ku hayo, gaar ahaan degmada WARDHEER, waa bogcadii uu Cabditahliil Warsame lahaa:-
"Waddan kala wnaagsane
Wacan ciidii loobogay
Hareerigii wadhnaa iyo
Aad walwaalo aragtide
Yaa wardheer kusoo bara"
Sidaa si le'egna waa Deegaankii
Xasan Aadaan Samatar ku majiiran jirey suugaantiisa isaga oo leh:-
"Hadal uma dhag taagoo
Heesaha wardheerbaan
Ku habaa naftaydoo"
Da'da Sindheernimada iyo Sagaal gu' ayaa uu ku gaadhay WARDHEER oo ka tirsan gobolka Doolo. Bilowga geedigiisa Waxbarashao waa Dugsigii H/Dhexe Magaalada Diridhaba ayaa uu ka bilaabay, Halka Dugsigiisii Sare Hargeysi nasiib uheshay. Waa guri-dambays, Aabihii geeriyooday isaga oo aan guyaal badan jirin Maalmihii wedku haleelay Aabihii; waxa Qaddarka eebbe la Qeybiyay, ubadkii Marxuumka ka tagay, oo uu Khaliifna kamid ahaa, Kuwo Koonfur iyo Muqdisho ayaa loo qaadday, Halka Khaliif uu la noola Hooyadii. Qaxii kaddib AHN, Hooyadii waxa ay ku geeriyootay MUQDISHO, goor casar ah. Saddex sanno ka dib geeridii Hooyadii ayaa warka dhiilada lihi Albaabka guriga soo garaacay, in Hooyadii wedku seegi waayay! Xilligaasi socodkii uu kabaha kasoo iladay gurigii uu jooggay, ilaa hadda Bad iyo Banaanba waa ka gudbay. Wadada gaadhiga Caanaha ka qaadi jirey deegaankii uu Xilligaasi jooggaybuu lugta soo saaray, Magaalada Qaloocan buu yimid, markiiba Xamaali iyo Mudalab ayaa uu Noday. Badi dadkeennu waxa ay haddeer horumarka iyo horusocodka shakhsigaa ki saleeyaan, inta uu buug iyo qalin qaatey, mase aha oo waa hadba sida uu noloshiisa caqabadaha soo haleelau u maareeyay, una kafeeyay baahiyihiisa nololeed, wado kasta ha u maree! Tu qalin iyo tu xamaali ba. Waana halka ay Khaliif iskaga eegyihiin, AHUN Boon Xirsi, Basbaas iyo Maxamed Nuur Giriig, oo fanka ka hor Mudalabyo miigan ahaan jirey.
Barbaar aan Da' weynayn buu ahaa, Nasiibku se ku beeggay Noloshaasi. Muddo kolkii Meheradii Cunada Xamaal iyo Xeeladba ku jooggay, ayaa Shimbir eebbe usoo diray helay, waa Abtigii oo Darawal ah, magaalda Diridhabana deganaa. Abti waa Hooyo aan Naas lahayn e, gacanta ayuu qabtay oo uu Dugsi ku yaala Diridhaba qoray. Kalkii hore ee tagay, habeen kamid ah habeennadii noloshayda waxa aan Idaacadda Codka Ubax ka dhagaystay Khaliif oo waramaya, waxa Ciwaan looga dhigay, "Socdaalkii Dheeraa ee Khaliif F. Xyir" Habeenkaasi Khaliif keli ah oo aan aqaannay baa boqol ii noqday, Sheekooyin badan oo aan noloshayda ka suuraysanin ayuu dhagtayda ku guntay. Khaliifka Suugaanyahanka ah, Maalintaasi si weyn baan u sii bartay waana Sababta aan ula baxay Batuutaha iyo Roobin kuruusowga Soomaalida. Dhul yaqaanimadiisu waxa isoo xasuusisay Suugaanyahanno sidiisa Dalmarro ahaa waa Xaaji Aadan afqalooc, Faysal Cumar Mushteeg iyo Cabdilaahi Qarshihii Kabanka gobta ah duudka sudhan jiray.
Murti-maal Khaliif Faarax Xayir, muxuu Hal-xidhaale iyo jirab nololeed oo furdaamin ubaahan kasoo dabaashay? Kaasi oo nayaayiro iyo naxdin ba lahaa. Waa Qormo kooban oo aynu wacaalka ka gureyno Rikoodh waayo-aragnimo ah oo aynaan xogtiisa hayn. Barashada Khaliifka aynu suugaantiisa naqaan ayeynu bogan doonaa. Dulqaad, boholyoow iyo kalgacayl sida hogosha hooraya ayaa aan kala kulmay, Maalmihii aan baadhitaanka ku jiray. Waayaha noloshu Khaliif Isaga oo da' yar ayey ku bariidisay dhirbaaxo, halagan iyo naf hurnimo aan xad lahayn. Noloshaasi boqolaalka weji leh ee ay gorroda isdareen, Suugaantu waxa ay ahayd waxa keli ah ee aan ka hadhin dhacdo walbana oo uu sumadda uga dhigayey. Dalmar duruufi qarqisey ayaa uu noqday. 22 Bilood oo xabsi Maraykan ayaa uu kasoo biyo cabay. Bisaylka iyo Qaangaadhnimada wacyigiisa maalintii aan si weyn u qiray waa dharaartii Meerisyadan Runta ah afkiisa aan ka maqlay.
"Gadhku timo uun weeye
Ha uqaadan garashadu
Labka in ay ugaar tahay
Haween guurtiyaa jira
Iyo Gaari talisoo
Xilma waa gayaa dumar"
Waa Xiddigii Silsiladii Ina-Maclin Ciise,
Taxane suugaaneed Kaftan iyo Heeraab badan leh buu ahaa. Bal suurayso Khaliif oo Suugaan ku baadigoobaya Bilcan uu jeclaaday, ku dhawaad Kotomeeyo halabuurka Suugaanta ah ayaa ka qayb galay Silsiladaasi cajiibka ahayd ee uu bilaabay Khaliif. Waa Silsiladda uu Cali Ileeye lahaa:-
"Ina macalineey hadal".
Suugaantiisa Deegaanka ayaa Saameeya, waana Markab shiraaqle oo deegaan waliba mara, dareen dadka mideeya oo aan laga daalayn buu ka maansoodaa.
Waa sababta aan ujeclahay Heestiisa: "HOOYOOY DULBADAN"
Dareenka hooyadu waa mid Qaali ah oo ku samaysan Qalbiga. Jacaylkeeda lagama weynaado, lagamana caajiso, oo waa Ma guuraan waligii. Abwaanku Shan sanno ayaa uu jiray, markii Hooyadii Qabriga lagu hubsaday AHN, weliba isaga oo aan Indhaha Saarin Kafantii iyo Caalamkii Cusbaa ee ay u guurtay. Heestan waxa dareenkeeda dhaliyey Halabuurku markii uu arkay Dhalinyarro Moogan hooyadood oo aan danayn, Dareenkiisa Hooyo la'aanteed iyo waxa is cuskaday Dhalintaasi aan warkaasiba hayn.
"Hooyooy dulbadan
Dabayl maxaad
Dadab laga geliyo
Dhistay hoy dugsoon"
****
Mar adoo da'aad
Dabka ugu jirtaa
Danyar iyo caruur
Heesihiisu, boqolkiiba Toddobaatan aan yidhaahdee waa Badda Maqasha; ma garan karo sababta keentay in ay sidaas u bataan. Waayo-aragnimada xoogan ee uu ka dhexlay‐--- waddamadii iyo dhulalkii kala duwanaa ee uu noloshiisa ku qaatay waa mid ka dhex muuqata heesihiisa, wareysigii Codka UBAX baynu weli kolba waxooga jafaynaaye, Labadii Sanno iyo labadii bilood ee uu Xabsiga ku jirey heeso door ah baa ka soo raacay, waxaana kow ka ah Heesta uu qaado Cabdicasiis Cali Ciise waa Iskalaaji e, magaceedu inuu ahaa DHAWR-WAJIILE ayaa aan filayaaye. Dabeecadda Jirjiroolaha waa mid xun oo aan sal lahayn, waa halmuceedka ugu weyn ee Heesta. Dadka qayb kamid ah Laba kun oo waji baa lagu bartaa, Maalin qaylka iyo Maalmaha Badhaadhaha oo keli ah baa la arkaa, balse Xilliga jeebkaagu gabaabsiyo waa kala huleelshaan.
"Dadka dhawr wajiiliyo
Waxa jira dhadhamo raac
Dharaaraha ladnaanshaha
Dhacdhacaaga uruursada
Waxse kala dhamaataan
Marka jeebku dhiib gabo
Shilin waxa ku dhafsada
Ruux dhalasho kuu xiga
Oo dhuuni kaa jecel
Ruux kuu dhawaabaa
Mar dhibsada libtaado
Dhabarjabinta kugu dila
Cadaw dhimashadii rabay
Ruux aad ka dhicisaa
Isaguna ku dhawaaca
Dharaar ruux xumaado
Dhulka aad ka qaadoo
Waxa jira dhib kula jecel"
Maalmaha Khaliif iyo kuwii Cabdi Iidaan AHUN waa is shabahaan, haddii Cabdi Jeelkii Mandheera gudihii kasoo diray gabaygii Boqorkayoow iyo Heestii midhaheeda ay kamidka ahaayeen:-
" Inta marinku xidhan yahay
Misna ooda laga gurin
Maruun ila suga caashaqa
amba waygu maranyee".
Saw ma ogid isla heesta Khaliif e "Kun-jeer Raali noqo" in ay ka timid badweyntaasi, labada darbi dhexdooda maraysay.
Maanso ku sheekayntu waa mid sooc ah, Khaliifna waa dadka kooban ee Sabankan ku xaragooda, bal ufiirso oo dhagayso Maansadii Bullo iyo Bilan, Gabadh Baariis ku barbaartay oo baadiye la geeyaybuu sheekadeeda Suugaan urogayaa, laba jiil oo kala duwanbuu wada hadashiinayaa, kolka laga tago Ereyada maansadu siddo, waxa weyn oo yaab leh inta ay isku jiraan Gabadha yar iyo ayeeydeed.
Khaliif Faarax Xayir waxa loo doortay isla Sanadkan gudihiisa inuu Jilaa ka noqdo Filimka "DEMBI BAADHIHII KA YIMID BALADWEYN" kaasi oo afka Iswiidhiska ku noqonaya:- Detektiven Från Beledweyne oo laga dhursugayo in 2023-ka laga daawado Masraxyada dunida.
Sida uu wareysiyo laga qaaday ku sheeggay Suugaantiisa waxa Saameyn xoogleh ku leh Isirka Soomaalida, Daljacaylka iyo Daltabyada Qurbaha ku heshay; ufiirso Heesaha kala ah :- Geeska Bari, Haybis iyo Dhakhtarkii Qalbiga.
Heesaha tuman curintoodana uu leeyahay Kh.Faarax Xayir halkan hoose ka daalaco.
1] "Dhalaan saan ahay
Idhool dhooliyaay
Xiskayga dhayaay
Hankayga dhisaay
Midaan dhursugee
Dhabteed ku gamaay-------Xariir Axmed
****
"Dhabeel quruxlaay
Dhextaakaleey
Sidii dhabigii
Dhamaystiraneey
Cir dhagaxbuur
Dharaaro helaay
****
"Dhirtoo ubaxlaay
Mankiyo dharabkiyo
Labeenta dhulkaay
Yartaan la dhacaay
Midaan dhugashada
Ku dhaygagayey
Ku dhawr qadayaay
Dhakhtarkii qalbiga
Dhayaha aragaay
Miyaan dhedigaba
Ku dhaafsan karaa."
2] "Markii aad iga dhaqaaqday-
Dheeraateed iga fogaatay
Gogosha dhincaad banaysay
Cidliyo dhaxanbaan dareemay
Ilma dhabanada iqoysay
Dhabaan adi kuugu xiisey
Xasuusbaan iga dhamaan
Dhagbaa ku yaboohinaysa-Mursal Muse
****
Dhawaaqaagii tabaysay
Ma dhigo dhaban jiif habeenoo
Ma dheelmado aawadaye
Hadmaan kugu dhaayo doogsan
Sidii dhaan maqan ayaamo
Ayaan kuu dhawrayaayoo
Waxay dhursugtaa naftaydu
Dharaartaad ii iman lahaydee
Hadmaad dhayi boogahayga
Daweyn dhaawaca jacaylka
Oo aad iisoo dhawaani
Dhabtaadana aad isaari
Idhawri sidii dhalaanka."
3] "Cirkoo dhudub---- Suldaan Seeraar
Biyo dhigay
Dhool ku hooray
Dhulka hawdka
Dhir caleenleh
Ubaxa dhashay
Man dhalaalay
Dharab tif leh
*****
Roob la dhac
Dhul siraaday
Dhaayo doogsi
Dhugashada
Iiga dhigan
Axdi dhawra
Waanla dhacay
Waan udhuubtay
Waan ku dhaartay."
4] "Qalbigu inan yahay
Ma qaybsamoo
Qof mooyee laba
Ma qaadi karoo
Adigoo qudha
Laabta kuu qoraye"---F. XAWAASE
5] Kalgacayl marbuu----Najiib Alfa
Kadis kugu helaa
Kolna waa dareen
Kugu soo kacoo
Waakugu horee
Ama kugu dambee
****
Hadaan lagula korin
Kula haynin ruux
Kalinimo cidlada
Wuu kugu dilaa
****
Kamaan samrine
Kuu soo noqdee
Waan kugu gafee
Kunjeer raali noqo
Qalbigu igu kalsoon
******
Kalmadiyo odhaah
Kuma koobi karo
Sidaan kuu taboo
Kalgacayl dhabay
Naftu kuu qabtaa."
6] Koonkaba adanaa
Kuu jecelahoo
Adigay kun iyo
Kaw jeer naftani
Kugu kooban tahay
**** -------Suldaan Seeraar
Kolka aan ku dayo
Kalagacayl ayaa
igu sii kordhee
Kool kooliyoo
Ila kori cishqiga
Xiska kaama goyn
Qalbibaa ku taba
****
Qalbi kugu kalsoon
Baa kugu lamaan
Kuligood hablaha
Kacay kaala baxay
Adna kaliyo laaba
Igu keli ahoow
Sida keena ruug
Keli reemayoo
***
Keenada xubiga
Iga jabi kurbada
Kalmadaha macaan
*****
Kax waxaan la ahay
Cishqi kaydsanoo
Igu laba kacoo
7] Qalbigay tan ku taal, Ku talaalan
Hablahaba ka tilmaaman,Taan gaclooday
Tafiirtii dhaqankeeda,way tixraacday
Quruxdana waa tusaale,aan la tiigsan
Timaheeda tidcan,Teedsn dhabarkeeda
Talaabo socodkeeda,jooga toosan
**********
Dhexdeedu taaka weeye
Buuxda taama'ahoo
Tusmadii arageeda,Waan talaalmay
Dayaxoo toban iyo shan taagan
Tabtiisa nuurka weeye aan ku taamo
Tiriiga indhahahayga tooshka
Xiskaygaa tabayoo ku talaalan
Ka taagan qalbigaygu tu kaleeto
Tahliilbay utahay kaaha maanka
***** ------ Cawaale aadan
Yaa jabuuti lataga xeebta, teedsan
Yaa aroos ugu tuma, togwajaale
Yaa tigaada galaadi ku taala iyo
Togdgeer aloow yaa tusa daalo
Toddobaad yaa taleex kula qaata
Tamashleyn xamar yaa utalaabsho."
8] Yartii lagu habay
Hawlwadaagiyo
Hoyga raaxada
Hanka kama tiro
Xisku kama hadho
Yartii heer mudan
Een ka heli jirey
hurdo kama ledo
************* Codkii Iskalaaji
Hanaan wacantii
Een ku hiran jiray
Waan uhiil go'ay
Jubaan halacsaday
Oo kamaan helin
Hiiraan goortaan
Ku hungoobay
Hobyo iyo mudug
Iiga hiraysaa
Hiirta waaberi
Nugaal hibitiqay
Hadaaftimo bari
Waan ka haybshee
Ma hargeysay
Heelo tumataa."
9]"Waa xaruuriyad-------Iskalaaji
Leh xaqdhawriyo
Laabta xuunshada
Waa gob xaafuun
Xeebta lagu habay
Oo xishood badan
Dhashii xaramkiyo
Waa xadaariyada
*******
Gaari xilosha leh
Maan xasilisaay
Oo xalimooy
Xiiso gelisaay
Xaqiiq waa tii
Ifka xero negi
Iigu maal xoor
Xakiimkuna naar
Ka xoreeyoo
**********
Xanta may baran
Xiqdi kuma jiro
Xinka kuma korin
Mid xumeeyay
Xaal marsiisaa
Xasidnjmadana
way ka xalantahay."
10] "Naf ka baaday-----Iskalsaji
Calan boqrano
Buluuga ah
Bog tabayaa
Baradii uu
Ku barbaaray
Naf bukaanoo
Baxdoow oo
Baqoosha
Naf uu baraf
Boqno gooyay
Boholyowsan
Waa besteede
Geeska bari
Yaa ku baanta
*******
Naf uboyda
Booramiyo
Xeebta bilan
Bookh hargeysa
Naf ubaahan
Ubasaastay
Boocamiyo
Berbera naf
Burco hayss
Basanbaaska
Jiifka badi
Bogan wayday"
11] Dadka dhawr wajiiliyo------Iskalaji
Waxa jira dhadhamo raac
Dharaaraha ladnaanshaha
Dhacdhacaaga uruursada
Waxse kala dhamaataan
Marka jeebku dhiib gabo
Shilin waxa ku dhafsada
Ruux dhalasho kuu xiga
Oo dhuuni kaa jecel
Ruux kuu dhawaabaa
Mar dhibsada libtaado
Dhabarjabinta kugu dila
Cadaw dhimashadii rabay
Ruux aad ka dhicisaa
Isaguna ku dhawaaca
Dharaar ruux xumaado
Dhulka aad ka qaadoo
Waxa jira dhib kula jecel
Dhankaaga ruuxaad
Heeryayso dhinac tidhi
Ayaan dhuunta kuu qoyn
Dhabta kaad ku qabtaa
Adigoo dhudhumo jaban
Cidlo kaaga dhuunto
Dhurwaa kaaga taga bahal
Ana dhabanno hayskii
Dhacdadiyo xasuustii
Ma iloobin dheeshaad
Igu kala dhantaashoo
Waxa aan dhursugayaa
Nabsi kuu dhitaysnaa
Markaad dhxasho aayaha
12] Duleedka miriyo
Doolaan ku dhashoo
Anoo dayarbaan
Qaloocan degnoo
Bulshooy diridhabaan
Dugsiga ka galoo
Hargeysaan dabadeed
Udigoroganoo
Baliga daamibaan
Dabaal ku bartoo
Maraan dila maray
Gugoo da'ayee
Darandaaray
Daymo dhugashada
Dalxiisay burciyo
Daaliyo suradoo
Daraawiishbaan
lasoo digriyoow
Dooxadaa nugaal
Ku diirsadayoo
Dalayska dugsoona
Waan dultagoo
Dayrbaan baladweyn
Diihaal ku tiroo
Webiga durduraan
Ku diirsadayoo"
13] Adaa haqab-tira-----Faysal Xawaase
Naftayda haboo
Huqdiyo iga baanta
Hadamidoo
****
Markaan ku helaan
Suhayra haldhaa
Hurdadii ladaye
Mudaan uhajaday
Dartaa halisiyo
Haraad umutee
Dhammaad
W/Q Jamaal Ibraahim Dasuuqi

Comments
Post a Comment