Viruska Siyaasada Somaliland. Qalinkii: Maxamed Ex-Ilkacase
Viruska Siyaasada Somaliland
Horta xirsi waali waan ku aqaanay nacasnimose kuman filayn lakiin maantan ogaaday inanu fariid ahayn
Wuxu ku leeyahay taariikhda inamay soo marin hablo naasaha laag lagala dhaco
Hada shalay uunbay ahayd markuu isagu hablaha yaryar xabada nool makaanka kala dhacayey maantana ay bilaa mustaqbalka u yihiin.
Marna siyaasigu xumi ma xasuusto dhibtu gaystay shalay dadkan uu maanta xiniinyo tirayna waa dhalinyaro la mida kuwii shalay isaga amarkiisa ku naf iyo mustaqbalba waayey.
Xirsi waxanu leenahay waad digo kulushay meeshad gashaba way oloshaa,
dhalinyar badana way kugu maqan tahay dhiigoodiye kursigan dhiiga aad ku doonayso inaad heshaa waa kaa xaaran.
Shalay reer somaliland oo dhanba kulmiye uga hiiliyey xisbigii udub markad ka mid noqotay wasiirada siilanyo kulayl iyo buuqba siraadmay
Markii ku xigtay xisbiga wadani oo min bari illaa galbeed dadku laabta ka doonayaanbad gashay reerbad ka dhigtay xisbigii dhamaa.
Shalay intaanad siyaasada kusoo biirin hargeisa dhalinyaradeedu waxay isu yaqaaneen magacyada kooxa kubada iyo ciyaal xaafad hebel.
Maalintaad siyaasada somalilad soo gashay waxad dhalinyaradii naga bartay qabyaalad iyo reer hebel.
Heer waxa la gaadhay dadkii wada dhashay ee inan iyo abtiga isu ahaa ay kala qaloodan is nacaan.
Aniga ku sheegayna runtee siyaasi bilaa godaba oo xariira ma tihid waxan anigu ku aqaana viruska siyaasada somalilad.
Hadaad ilawday dhalinyaradii xaqsoor eed bilaashka ku laysay anagu manan ilaawin kuwan aad mustaqbal tirtay hadana waa talo aad adigu leedahay ayey ku mustaqbal beelen.
Balse waxan alle ka rajaynayaa in ay imandoonto maalin laguwada arko dadkuna iska kaa qabtaan fidmada aad la wareegayso.
W/Q: Mohamed Ex-Ilkacase

Comments
Post a Comment