TALOOYIN NAFAQO OO KU SAABSAN SOONKA RAMADAAN

 Soonku waa cibaado iyo waajib culus oo korkeena saran. Dan caafimaad aya ugu jirta jidhka marka lagu saleeyo culuumta “daawaynta nafaqada (Clinical nutrition)”.

Hadii eebbe idmo, Waxa aan qormadan idinkula wadaagi doona talooyin la xidhiidha habka cunto qaadasho ee lagama-maarman ka ah inta lagu jiro bisha Ramadaan, Si loo gaadho wax-tarki caafimaad ee soonka.

RAMADAN KA HOR (Prefasting).

1. Ugu yaraan hal usbuuc ka hor bisha Ramadaan, waxa fiican in la yareeyo isticmaalka Bunka, kafayga iyo cabitaanada tamarta badan leh (High caloric and caffeinated drinks), Si looga hor-tago hoos udhac dagdag ah oo ku yimaada habka tamar-dhalinta unugyada maskaxda (Neuronal respiration).

SUXUUR TA 

2. Waxa muhiim ah inaan la hilmaamin “suxuurta”, ugu yaraan in la qaato cunno yar iyo cabitaan. Inaga oo raacayna sunaha nabiga NNKH

  “السحور أكلُهُ بركة فلا تدعوه، ولو أن يجرع أحدكم جرعة من ماء، فإن الله وملائكته يصلون على المتسحرين" (رواه أحمد)

“suxuurtu” waxa ay ilaalisaa dheeli-tirka jidhka, waxay ka hor tagtaa hoos-u-dhaca sonkorta dhiiga (Blood glucose depletion) gaar ahaan saacada badan ee soonka malinta.

3. Ku dadaal inaad ku suxuurato cunto gashi leh oo dheeli-tiran, ka taxadir cunnoyinka sonkorta iyo milixduba ku badanyihiin, kuwaas oo cariyana haraadka iyo gaajada.

4. Waxa fiican inaad qaadato khudaarta gal-iniineedka leh ee ay ku jiraan biyaha badan, si aanad u dareemin haraad.

AF-FUR KA 

5. Inaad ku dag-dagto af-furka, si ay unugyada jidhku ay hore ugu helaan wixii ay haleeli wayeen ee biyo iyo tamar ah. Sunnada nabiga NNKH aya ina faraysa dadajinta Af-furka.

 "لا تزال أمتي بخير ما عجلوا الإفطار وأخروا السحور"

Af-furka oo dib loo dhiga waxay keenaysa inay hoos u dhacdo sonkorta dhiigu (Hypoglycemia) oo sababi karta inuu qofku diiddo (dhaco).

6. Ku bilow Af-furka dhawr xabbo oo timir ah. Saacado badan oo soon ah ka dib, unugyada jidhku gaar ahaan maskaxda iyo adareen-wadku waxa ay u baahanyihiin il-tamareed  dagdag ah oo si fudud loo isticmaali karo (Glucose). Timirta ayaa ka mida cuntooyinka ugu haboon ee jidhka siin kara tamar dagdag ah. Waa sida uu samayn jiray nabigu NNKH.

"(إذا أفطر أحدكم فليفطر على تمر، فإنه بركة، فإن لم يجد تمراً فالماء، فإنه طهور" رواه أبوداود و الترمذي . وعن أنس رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم كان يفطر قبل أن يصلي على رطبات، فإن لم تكن رطبات فتميرات، فإن لم تكن تميرات حسا حسوات من الماء" رواه أبو داود والترمذي.

7.       Cabb ugu badnaan koob biyo caadi ah oo aan aad u qaboobayn. Cabbitaanka biyuhu waxa ay haboonyihin xiliga Af-furka. Dareerayasha oo jidhka ku yaraada waxay qofka u nugleeyan in kalyaha dhagxaan ku samaysmaan (Renal stones)

8. Cab ugu badnaan koob casiir badhxan ah oo an aashito (Acid) lahayn.

9.  Yarayso duxda saa’id ka ah ama hilibka baruurta leh iyo dhanaanka badan.

10.   20 daqiiqo kadib gudashada salaada maqrib, cun Af-furki rasmiga ah (Cashada). Tani waxa ay fursad siinaysa Hab-dhiska dheef-shiidku inuu u diyaar garooba inuu qaado raashin adag.

11.   Waxa la door bidaa, laba saacadood ka dib cashada, in la qaato macmacaan ama khudaar sonkortu ku badantahay.

--

Ahmed Ismail Mohamed, BSc, PGD, Mph

Senior lecturer at University of Hargeisa.



Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -