SOONKA RAMADAN, GABOWGA IYO XANUUNADA DA’DA
Gabowga waxa lagu timaami karaa inuu yahay, hawl-gab gaabis ah oo ku yimaada qaar ka mida xubnaha jidhkena taasoo kordhisa inay loo nuglaado xanuuno badan.
Cadaymo kasoo baxay cilmi-baadhisyo dhawr ahi waxay isku raacsanyihiin in soonka bisha Ramadan uu saamayn togan oo la taaban karo ku leeyay ka hortaga Gabowga iyo xanuunada Da’ada.
Is-badalada ugu waawayn eek u dhaca jidhka aadamaha xiliga uu soomanyahay wax aka mid ah: -
1. Hoos u dhac ku yimaada cariyeyasha Macaanka.
2. Unugyada jidhka waxay fursad fican u helaan inay gubaan duxda badan eek u kaydsan jidhka, taasi oo muhiimad caafimaad u leh dar-yeelka hab-sami u shaqaynta wadnaha iyo xidida dhiiga.
3. Unugyada jidhka waxa u suura gasha inay ka hor-tagaan khalkhal ku yimaada hab-qaybsankooda iyo koritaankooda, tasina waxa ay aad u yaraysa suura-galnimada uu ku dhico kansar ka noocyadiisa kala duwan.
4. Waxa aad u kordha hawl-galada ay unugyada difaacu ku burburiyaan unugyada kale ee falaagay (Abobtosis) iyo la dagaalanka jidh-galeyasha (antigens)
5. Waxa badanaya xadiga dheecaanada joojiya caabuqyada (adiponectin and ghrelin)
6. Waxa yarada dheecaanada kordhiya xaraarada guud ee jidhka (thermogenesis) iyo gubashada maadooyinka orgaaniga ah (thyroid hormones and catecholamines)
Arimahan kor ku xusani dhamaantood waxa ay si toosa iyo si dadbanba uga qayb-qaataan inaanay inagu soo dag-dagin gabowga iyo xanuunada da,du iyaga oo rajinaya mudada ay sii shaqaynayaan xubno-yareyaasha ku dhex jira unugyada jidhka
Ugu danbayn aad bay muhiim u tahay in lagu baraarugsanado wax tarka caafimaad ee Soonka inagoo ka war qabna Abaal marintisa xaga alle.
(وَاَنْ تَصُوْمُوْا خَيْرٌ لَّكُمْ اِنْ كُنْتُمْ تَعْلَمُوْنَ)
Axmed-Yaasiin Ismaaciil Maxamed Axmed (Yasto)
Senior Lecturer at UOH

Comments
Post a Comment