Saddexda Xisbi-Qaran Muddo-Xileedkoodu MIyuu Dhammaaday ?
Waxa aan uga digayaa Xisbiyada Mucaaradka ah, Xukuumadda uu Madaxweyne Muuse Biixi joggaamiyo iyo cidkasta oo shirarkooda goob-joog ka noqotaba in ay ku heshiiyaan wax ka baxsan:
1- Xuquuqda muwaadinka ee ku qeexan 9aad iyo 22aad ee Dastuurka JSL.
2- Xuquuqda Muwaadinka ee sidkeedii taaganyahay sida ku xardhan Xeer Lr. 14 / 2011.
3- Xuquuqda muwaadinka ee ay Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL sawraca, sumadda iyo baadi-soocda ugu yeeshay qaraarkeedii ku taariikhaysnaa 16/01/2022 ee dhammaan dhinacyadan is hayaana soo dhaweeyeen.
Dhanka kale waxa aan u soo jeedinayaa saddexda Xisbi qaran ee wakhigoodii dhammaaday:-
1- In ay xaqdhawraan Dastuurka, Xeer Lr. 14 / 2011 iyo Xuquuqda ka qaybgalka siyaasadda ee ay muwaadinka u dammaana qaadeen.
2- In ay garwaassadaan in ay dhammaatay wakhtigii ay siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland kaligood jaan-goyn jireen.
3- In ay garwaaqsadaan muranka u dhexeeyaa in aanu ku qotomin xuquuq u gaar ah ee uu ku qotomo xuquuq wadareer ay leeyihiin dhammaan muwaadiniinta leh hanka siyaasadeed ee Ururada furtay, waajibna ay tahay in ay qayb ka noqdaan kulankasta oo lagaga hadlayo siyaasadda JSL.
Ugu dambayn Madaxweyne Biixi waa in uu garwaaqsado tallaaba kasta oo loo qaado dhanka qaldan masuuliyaddeeda in uu kalidii xambaari doono ciqaabkeeda.
Sidoo kale gudida dhexdhexaadinta ee ka kooban haldoorkii ama ili qabataydii JSL iyo guddoomiyayaasha hay'adaha Dastuuriga ahiba waa in aanay talada ku koobin saddex nin oo 2017kii tartamay maantana Liisankoodii siyaasaddu dhamaadyahay ee ay ka taliyaan ka umulinta siyaasadda Somaliland ee sidkeedu taaganyahay.

Comments
Post a Comment