"Qiyaastayda & sida uu ku danbayn doono shirarka Siminaarka u eeg ee ka dhaxeeya Xisbiyada & Xukuumada ee beryahaba inoo socday"

"Qiyaastayda & sida uu ku danbayn doono shirarka Siminaarka u eeg ee ka dhaxeeya Xisbiyada & Xukuumada ee beryahaba inoo socday"
__________________________________________
Anigu waxaan qabaa ama caqligaygu uu i tusyaa in maantaba la is mari waayey oo waxba lagu heshiin waayey Dadkana in runta loo sheego ay mucaaridku diideen oo ayagu ay cimri dherer ka dhiganayaan kulamo danbe oo la wada yeesho.
Mar qudha qiyaastayda kama leexan oo qoraal & codba hore ayaan ugu sheegay iminkana halkii ayaan taaganahay oo marnaba ma filaayo in lagu heshiin doono wada hadal ay labada dhinac isku qanciyaan because murankooda ayaa sharci ah & sharci daro kala ah.
Nin leh aynu sharciga inoo yaala raacno & Nin leh mayee sharciga inaga daayoo aynu xeer jajab ku dhamaysanee adiguna kordhiso intaad doonto anigana ii kordhi ma socon doonto oo sheekadaasi waxay noqonsaa (Khiyaamada ma ku baraa)
Sidoo kale Dadka Reer Somaliland maaha inta kooban ee hada arintan ka wada hadlaysa ee way ka badan yihiin oo 9 ka Urur ee is diiwaan galiyey & kuwa kale ee is diiwaan galin doonaba cidi kama hor istaagi karto xuquuqdooda Sharciga Dalku uu siiyey.
Markay sidaas tahay marnaba ma dhici doonto inta sharciga meel la iska dhigo in xeer ja-jab sharciga ka hor imanaya ay Xisbi Xaakimka & Xukuumadu ay ka yeelaan nimanka mucaaridka ah ee lagaga adkaaday sharcigii, Maxakamadii & Golihii Wakiilada ee ay aqlabiyada lahaayeen ee intay quusan waayeen iska indho-tiraya xaqiiqda.
Maadaama ay dood sharci arintu tahay kama fursan doonto inay Maxakamadi ka gar qaado because dacwadaha waxaynu u samaysanay Maxakamada oo Dalka kama jirto Haayad kale oo awood u leh intay Dacwad ka gar qaado inay go,aan ka soo saarto oo aan Maxakamada ahayni.
Markay sidaas tahay Shuruucda Dalka waxaa fulinteeda ku shaqo leh Xukuumada oo laga rabo inay hawsha socota ee Ururada ay iyadu fuliso, sidoo kale Xisbiyada Mucaaridku gacantooda kuma joojin karaan Ururada la furtay ee shaqadoodii wata.
Hadii ay Xisbiyadu ka cabanaayaan Qodobada sharci dariiqa kaliya ee Madaxda Xisbiyada u furani waa inay Dacwad cabashadooda ah u gudbiyaan Maxakamada Dalka oo aanay ka habaabin dariiqa saxda.
Hadii Madaxda Xisbiyadu dariiqa saxda ah ee ay Maxkamada ugu dac woonayaan ay mari waaayaan oo ay yidhaahdaan "Xeer jajab & Odayaal khasab ha lanoogu yeelo hadii kale sharciga ayaanu gacanta ku qaadan doonaa" waxay mar labaad is heli doonaan Ciidamada amaanka oo waxaa dhici doonta in Rag badani ay Jiingadaha jiidhaan qaar kalana ay Dumarku Shalamadooda ilmada & Duufka kaga masaxaan oo ay mar danbe inoo qaadaan Heestii "i babi I babi" sidii horeba u dhacday.
Waxa kale oo iyana dhici doonta in qaar kale ay Xabsiyada galaan oo ay sidoodii Ciyaalka CBB ay soo qoraan Macaan, Qadhaadh & Dacar-dhiig ayaa Hebel oo xidhan ku kacsan.
Al-muhiim marnaba ha filin in heshiis gacamaha la is haystaa uu ka soo baxo dhinacyada is hor fadhiya ee Axada balamay.
Waa qiyaastayda & sida aan filayo inay ku danbayn doonto Walaahu aclam.

#Xaji_ibrahim



 



Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -