Qanjidhka Taymaska: xerada ciidan ee lagu carbiyo ciidamada difaaca jidhka
Taymasku waa qanjidh yar oo ku yaala gidaarka hoose ee lafta sakaarka ama laabta, waa qanjidh xajmigiisu waynyahay marka aad dhalato, laakin wuu shiikhaa oo waa yaraadaa marka aad korto. Waxa uu door muhiim ah ka qaataa hab-sami u shaqaynta hab-dhiska difaaca jidhka oo laguu tilmaamo inuu yahay hab-dhiska ugu khatarsan ee ugu adag guud ahaan hab-dhisyada kala duwan ee jidhka Aadamaha.
Hab-dhiskan difaaca waxa ka hawl gala konton bilyan (50’000’000’000) oo askari, oo aynu u naqaano unugyada dhiiga cadd. Waana ciidamada difaaca jidhka ee u diyaarsan ugaadhsiga, burburinta iyo ka hor-tagga jeermiska iyo wax kasta oo qalaad oo isku daya inuu jidhka soo galo. Waxa ay u diyaarsanyihiin qaybo, gaasas, guutooyin, cutubyo iyo ururo. Guutooyinka kamaandoosta (neutrophils), cutubyada sahanka iyo war-doonka (helper T-cells), guutooyinka heeganka iyo xuuraanka (macrophages), artelariga, madaafiicda goobta iyo ingineerada hubka iyo rasaasta sameeya (B-cells) iyo saraakiisha hoogaaminta intaas oo qayboodba waa ay leeyihiin unugyada difaaca jidhku.
Hadaba, aynu usoo noqono qanjidhkan Taymaska iyo kaalinta uu ku leeyahay had-dhiska difaaca jidhka. Askarta cusub (unugyada dhiiga cad) ee lagusoo sameeyay dhuuxyada lafaha, waxa loo diraa kulliyad ciidan oo lagu magacaabo Taymas. Ka dib marka ay dhamaystaan tabo-barka, waxa la mariyaa imtixaan adag, kuwooda ka gudba imtixaanka waxa ay noqdaan macalimiin tabo-barka siiya dufcadaha danbe ee ay soo saaraayaan dhuuxyada lafuhu, waxa ay la baxaan magac gaar ah oo ah bareyaasha tabaha dagaalka (inducer T-cells).
Kulliyadan ciidan ee Taymaska ee lagu tabo-barayo unugyada difaaca jidhka, waxa lagu dhigtaa manhaj iyo muqarar ka kooban laba teeram ama laba kal.
Teeramka hore: waxa la baraa oo loo bandhigaa kumanaan iyo malaayiin borotiin (self antigens) oo uu jidhku iska leeyay, waxa loogu sheegaa inay yihiin saaxiib uu jidhku leeyahay, si aanay ula dagaalamin. Hadii ay weeraraan borotiinadan waxay noqonaysaa inuu jidhku is burburiyo oo is duqeeyo.
Teeramka labaad: waxa la tusaa oo la baraa waxyaabo qalaad, si loo fahamsiiyo oo loogu tabo-baro la dagaalanka jeermisyada iyo wax kasta oo qalaad ama xanuun keeni kara (foreign antigens).
Sida aynu aragnay, ilmaha yar abuurtiisu waxa ay u janjeedhaa inuu afka galiyo waxkasta oo gacantiisa gala, waxa aynu odhan karnaa waa kixmad xeel-dheer oo la xidhiidha in la kordhiyo macluumaad, khubradda iyo xogaha la siinayo hab-dhiska difaaca jidhka. Jeermisyadan galaya ilmaha yar afkiisu, waxa ay ka qayb noqonayaan xiisadaha loo dhigo unugyada difaaca jidhka ee ku xaraysan xerada tabo-barka ee Taymaska.
Laba sano ka dib, marka uu dhamaado tabo-barku, unug waliba waxa uu maraa imtixaan kama-danbays ah oo ku saabsan wixii ay barteen labadii teeram ee aynu kasoo waranay.
Imtixaanka maadada koowaad, waxa loo bandhigaa borotiin dabiiciya oo uu jidhku leeyahay, hadii uu weeraro borotiinkas, waxa ay ka dhigantahay inuu dhacay imtixaankii, unugaas waxa uu noqonayaa askari aan gudbin, loo ogolaan mayo inuu ka baxo xerada Tamiska, isaga laftiisa ayaa la dilayaa.
Imtixaanka maadada labaadna, waxa loo bandhigaa walax qalaad oo cadow ah, hadii unugaasi uu ku fashilmo inuu aqoonsado walaxdaas lagu imtixaamay, waxa ay ka dhigantahay inuu yahay askari dhacay, waxa la marinayaa wadadii kii hore la mariyay.
Qanjidhkan Taymasku waa uu wadanayaa shaqadiisa ilaa aad kaa gaadhayso sadex sano jir. Intaas wixii ka danbeeya, waxa uu raadceeyaa cutubyadii dufcadii koowaad ee uu wax baray, waxa uu ku wareejiyaa shaqadii tabo-barka ee uu hayay, si ay aqoontaasi ugu gudubto fac kasta oo ciidan ah oo lagu sameeyo dhuuxyada lafaha.
Marka aynu gaadhno da’da todobaanka, waxa yaraada aqoontii iyo xasuustii unugyada difaacu ku kala saarayeen walxaha saaxiibka iyo cadowga, waxa bilaabma in, askarta difaacu ay wax-yeelo u gaystaan walxihii saaxiibka ahaa, waxa soo shaac-baxa xanuuno ku dhaca laabatooyinka lafaha, kalyaha iyo xanuuno kale oo hor leh.
Ugu danbayn, qanjidhkan yari waa qanjidh aanay dadku ku baraarugsanayn magaciisa iyo shaqadiisaba, waadigaa arkaya muhiimada uu leeyay. Markasta oo ay sii durugto aqoonta Aadumuhu waxa muuqanaysa waynida iyo kixmadaha Alle wayne dhigay kownkiisa.
Waxa a wax aynaan dhamayn karayn.
{سَنُرِيهِمْ ءَايَـٰتِنَا فِى ٱلْـَٔافَاقِ وَفِىٓ أَنفُسِهِمْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُ ٱلْحَقُّ}
Qalinkii:- Axmed-Yaasiin Ismaaaciil Maxamed Axmed (Yasto)

Comments
Post a Comment