Qaliin Uu Ku Guulaystay Cusbitaalka Amal Grand Hospital.


 Maanta waxaan doonayaa inaan idinla wadaago qisada nin bukaan ah 60 jir ah oo noogu yimid hospital kayaga isagoo qoyskiisa la socda. Dhibtu waxay bukaanka ku bilaabantay 3 sano ka hor isaga oo balance ka ama isku dheellitirnaana jidhkiisa marka uu socdo ay is yara dhintay oo ay marba marka ka dambaysa ay ay kasoo daraysay. 2 dii sano ee u dambeeyayna xitaa waxa ku adkaaday inuu sameeyo waxyaabihii nolol maalmeedka qofka muhiim ka u ahaa sida inuu dharka gashado ama uu cuntada gacmihiisa ku cuno ama uu washroom ka isticmaalo etc … Xaaladdiisu markii dambe waxay gaadhay inuu xitaa uu iska waabin kari waayo dukhsiga wejigiisa dul fadhiista, waxana ku adkaatay xitaa inuu fadhiisto isaga oo aanay cidi caawin, waxanu maalinta oo dhan ku qaadan jiray inuu sariirta idka dul yaallo oo markii dambe dhabar xunuun ku keentay. Marka uu u baahdo inuu waxyaabahaa aan kor kusoo sheegnay u baahdana waxa Khasab ku noqotay inuu qof u yeedho si uu uga caawiyo inuu xitaa dukhsiga wejigiisa kusoo booda iyo waxyaabaha kale ee aynu kor kusoo sheegnay uu u baahdo inuu sameeyo. Waxanu noqday completely Handicap oo xanuunka ayaa sidaas ka dhigay, noloshiisii iyo quality of life kiisiina aad bay hoos ugu dhacday.

Bukaanku Macaan iyo Dhiigkar buu lahaa, Cisbitaallo fara badan markii uu tegayna waxa lagu yidhi oo loogu jawaabay dhibtan ku haysata waxa kuugu wacan macaankaaga etc. Cisbitaalkayaga ayuu noogu yimid, markii aanu xaaladdiisa si fiican u qiimaynayna waxanu ogaannay oo aanu u sheegnay in mushkiladda haysata ee handicap ka ka dhigtay inay tahay cillad ka imanaysa dhinaca qoortiisa. Wuxuu nagu yidhi ‘Aniga addimada uun bay dhibtu iga haysataa ee waxba qoorta igama haystaan’. Waxanu u dirnay sawir MRI ga ah oo qoorta ah waxanu sawirkii si clear ah (sida aad sawirka hoose ku arki kartaan) uga muuqday in xangulladiisa qaybta qoorta dhex marta uu cadaadis aad u badani uu fuulay oo uu haysto oo meeshii ay dhex mari lahayd ee loogu talo galayba ay aad meelo fara badan oo kala duwan ay aad u yaraatay kadibna ay taasi keentay in dhiigii waraabinayay xanguladdiisa uu cadaadis xoog leh uu fuulay oo taasina ay keentay inay wax yeesho xangulladiisa qaybta ku beegan qoortiisa.

Qoyskiisii ayaanu wada hadal iyo discussion fiican la yeelannay waxaananu u sheegnay in xanuunkiisa wax laga qaban karo oo uu qalliin u baahan yahay dhinaca qoorta ah oo lagu ballaadhinayo Meesha ay marto xangulladu ee dhinaca qoorta si uu cadaadisku uga yaraado oo dhiigii ku yaraaday na uu caadigiisii ugu soo noqdo.

Qalliinkii baanu u samaynay oo Ilaahayna wuu nagu guuleeyay oo si fiican buu uga soo kabtay. Maalin saddexaaadii qalliinka ka dib ayaan arkay isagoo qof u yeedhaya markuu hospital ka yaallay oo leh dukhsigan wejiga iga koraya iga waabi … markaasaan ku idhi, adigu samee oo iska waabi oo gacmahaaga isticmaal, wuxuu iigu jawaabay ma samayn karo oo gacmahayga ma isticmaali karo si aan dukhsiga iskaga waabiyo. Markaan dhawr jeer ku adkeeyay een ku idhi imika gacmahaagu wey shaqaynayaan ee isku day, ayuu sameeyay, markaasuu u qaadan waayay oo uu yaab iyo amakaag uu ku dhacay oo uu yidhi ‘Alla’ Subxaanallah oo sowta gacantani dhaqaaqaysa, oo tii kalena sowtan dhaqaaqaysa, oo sowkuwa gacmahaygii aan labada sano shaqaynayni sow kuwan caadiga noqday ee imika shaqaynaya’. Alhamdulilah.

Markii dambe wuxuu bilaabay inuu socodkii uu keligii samayn karo isaga oo aan xitaa bakoorad u baahan, aadna wuu ugu dhiirannaa inay noloshiisu sidii caadiga ahayd ay kusoo noqoto oo uu isagu wax walba qabsan karo, Inshallah isbeddel weyn baa durtaba noloshiisa ku dhacay, inta ka hadhayna Inshallah Ilaahay baa u dhammaystiraya.

The Story of Our Patients

Today, I want to share you a story of a 60 years old man who was brought by his family to our hospital. The story started 03 years ago with slight imbalance during walking which progressively became severe as time goes on. He failed to perform his daily routine activities since the last 2 years which include failure to dress himself, to feed himself, to use bath room, etc… His situation became worse and worse with time and later he even cannot rid off a fly from his face, cannot sit without help, he passed all the days laying in his bed which caused wound on his back. When he wanted to change position, sit up, remove fly from his face, feed, use toilet, etc…he call some one to do it for him. He is completely handicupped by the disease ruining every aspect of his life and making him a burden to the family.


He is also a known hypertensive and diabetic patient. He visited several hospitals for his problems but told that this is due to the diabetes, etc….He came to our hospital and we evaluated him clinically and told him that his problem is in his neck, he said he never had symptoms related to his neck (…”my problem is on my limbs, don’t mention the neck”). We did cervical spine MRI and it showed multiple severe cervical spinal canal stenosis with myelopathy (the spinal cord lost blood flow due to the compression and got damaged).

He started to stand without support and started to walk using walker. He is very eager to come to normal, inshallah, he will succeed.

Dr. Shamsedin Musefa Salia, MD, Specialist Neurosurgeon.

๐Ÿ‘‰ Bogga MaqaalMaal Maqaalo ๐Ÿ™.
๐Ÿ˜ŽTifaftirkii Bahda Maddasha Maqaalmaal Media๐Ÿง™‍♂️.
๐Ÿ‘‰Like, Share & Comment๐Ÿ˜ท.
๐ŸŒMaqaalmaal@gmail.com๐Ÿ˜ƒ.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso Mareegta Maqaalmaal. Maqaalmaal Media, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada maqaalmaal@gmail.com
Mahadsanidiin.


Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -