Noloshayda waa markii koowaad ee aan Quraanka akhriyo bog ka bog (Faatixada illaa al Naas).

 Noloshayda waa markii koowaad ee aan Quraanka akhriyo bog ka bog (Faatixada illaa al Naas). 


Aqlabiyadda weydiimihii aan qabay Quraanku wuu iiga jawaabay. Dhinaca kale albaabbo fikir oo cagaaran iyo kuwo  ruuxeed oo baaxad leh ayuu ii furay.


Halkan waxa aan ku soo gudbinayaa qodobada ugu waaweyn, ee Quraanku dul istaagayo ama udubdhexaadka u ah, ee si cad kuugu muuqanaya marka aad akhriyayso.


1. Ilaahay mooyee Eebbe kale ma jiro. Ilaahaas ayaa ah abuuraha koonka iyo noolahaba, isla markaana ah boqorka leh talada jiraalka.


2. Waxa jira if iyo aakhiro. Ifku waa guri kumeelgaadh ah, oo lagu imtixaamayo dadka. Aakhirana waa daar negaadi ah, oo ka kooban laba hoy janno iyo naar.


3. Dadka Rumeeya Eebbe, ee sharcigiisa fuliya, ergooyinkiisana raacaa waxa ay galayaan jannada.


4. Dadka beeniya Jiraalka Eebbe, ka gaalooba ergooyinkiisa, aakhiradiisa diida, nimcooyinkiisa dafira, ee shaydaanka iyo rabitaanka naftooda u hoggaansamaa waxa ay galayaan naarta.


5. Eebbe dadka waxa uu siiyay garaad ay ku gartaan xaqiiqooyinka sare lagu sheegay, haddana si xujo loogu oogo waxa loo soo diray Nebiyo. 


6. Nebi Maxamed (SCW) waxa uu soo afmeeray dhammaan ergooyinkii Eebbe soo diray.


7. Wax kasta oo aad nolosha qabataa waa adeeg, haddaba adeegga ugu wanaagsan ee aad qaban kartaa waa in aad noqoto addoonka Eebbe. Addoonimadaasi adiga ayay ku anfacaysaa ee Eebbe waxba uma tarayso. 


8. Cibaadadu waa adeegga ku qotoma tilmaaha, hagista, doonista iyo sharciga Eebbe. Waana jidka qudha ee lagu badbaadayo.


✍Cali Ileeye




Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -