Maansada Daryeel - Waxa Curiyey: Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

 Markaan daafta hoosiyo

arko daymo-bogashada

ararha la daadshiyo

dhirta lagu daleeyiyo

waxa buuro daah wayn

lagu daabay ciidiyo

bado laba dibleeyaa

ishu damac i gelisaa.


 Markaan daawashada guud

dayixiyo cadceediyo

dildilaanka fadadkiyo

onkodkiyo dayaankiyo

danab laba dhacaayiyo

dardaraa hilaaciyo

arko hogol darroortaa

runtu igu duxdaayoo

derejada Ilaahay

dib usoo xasuustaa.


 Haddaan doogga cawskiyo

deegaantu saarayn

dhulku duug ma yeesheen

dihaal mareebeen

qofna kuma daneysteen

Rabiyow dushiisoo,

dunidaada eebow

adigoon cid dirranbaad

todobaad ku dadabtoo

iyaddoo dambarisoo

sida doonan gabadheed

inta timaha loo dabey

dunta lugu afmeershaa

laga furey daboolkoo

dalagkaad ku beertaa

ninba weel darsanayaa.


 Inkastuu qof diintiyo

dar illaahey jecel yahey

labadaan af yeeshaa

koley waa dambaabaa

hadduu kaa abaal daro

dadka kaad u roon-tahey

adigaa dul qaatee,

Rabiyow hanugu dumin

cirka duudka weynoo,

Rabiyow aannu nala degin

dhulkan aanu daaqnaa,

Rabiyow hannugu didin

bahalaha derderanoo,

Rabiyow hanugu dirin

dabeylaha cartamayoo,

Rabiyow hanugu dirin

duufanadaadoo,

Rabiyow hanugu darrin

durdurada rogmanayoo

Daad xoor hanaga dhigin.


 Rabow duunyo nool baan

ka awoow dugsanayoo

dibnaheygu caaniyo

dux baruurleh mooyee

uma baran wax doorshee,

Rabiyoow diraaciyo

jiilaal dab-kululoo

dibad joogta cowshiyo

dabar gooya xoolaha

Dibirtooda naga hay

Raboow roobka deyrtiyo

guga doogsintiisiyo

Dirirada xareedaa

dacalada hanaga marinee.


 Rabow duumadaadiyo

inta cuduro duushee

Docwareenka feedhaha,

sambadada dalooshiyo

Dacuun hanugu ridin.


 Rabiyow dagaaliyo

dabley gaatamaysiyo

doofaarro badan baa

musduleedka joogee

kuwa diidey nabadiyo

belo laga ducaystiyo

manaxaan hanoo dagin

duulaan hanagu jebin.


 Rabow dowladnimaduna

kuma iman dalxiisoo

doorroonayaal baa

u daldaley naftoodoo

dumar baa hugoodiyo

dahabkii u iibshoo

Doondoonisteedii

dhiig baa ku daatee,

Rabow dawlad curatoo

ubadkeeda deeqdoo

dakhrada bogsiisiyo

dawa la isku baantiyo

ka dhig malabka doocaan.


 Rabiyow dirkeygii

gobolaa dambeeyoo

u dib jirey caddaawoo

darrayada gumeystuhu

daran-doori lagu dayey

rabiyow ka soo daa

Dibin-daabyadoodoo

shanta dagal isu keen.


 Rabiyo dadkaygana

danwadaag isjeceloo

darjaysa qarankiyo

bulsho laga dabqaatoo

Carro Edeg ku dayatiyo

ka dhig ul iyo diirkeed.


 Rabiyow dugaalkiyo

dugsi waa dhul hooyee

dibad ruux u sahan tegey

duli waayi maayee!!

nin da'diisa tuugoo

dawarsadey asaagii

doqoniimo weeyee!

dalkayaga Ilaahow

dheregiyo daryeel iyo

Wax nadeeqa nagu sii.


 Rabow doodda akhiro

marka ay durbaankiyo

dawanadu is dhaafaan

dadku kuu yimaadaan

deryka soo fadhiistaan

rabiyow hanagu darin

inta aad ku digatee

u dareerta Naartoo

labadaada daraarood

rabiyow ta door roon

Kuwa dagaya naga yeel

Amiin Allahayow

Amiin Allahayow!!!


Daryeel, Hadraawi






Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -