Liin-dhanaanta iyo Wax-tarkeeda Caafimaad - Qoraa:- Axmed-Yaasiin Ismaaciil Maxamed (Yasto)

 Guud ahaan, khudaarta iyo midhuhu waa waxyaabaha ugu mudan ee uu jidhkeenu ka heli karo dhamaan maadooyinka nafaqo ee muhiimka u ah hab-sami u shaqaynta qaybaha kala duwan ee jidhka Aaadamaha. Nimcooyinka waawayn ee uu Eebbe inagu galaday ayay ka mid yihiin iyada oo qaarkood Alle ku dhaaranayo. Sida ku cad Qur’aanka iyo qawlka Eebbe, meelo badan ayay kaga xusan yihiin. U fiirso marka uu Rabigeen inoo sifaynayo Janadda iyo waxa yaala, waxa inta badan uu xusayaa noocyo kala duwan oo khudaar iyo midho ah.

Anigoo soo xiganaya cilmi-baadhisyo iyo Diraasaad ay si caalamiya u daabaceen Xeel-dheereyaasha sayninka iyo caafimaadku waxaan si kooban idinkula waadaagi Wax-tarka caafimaad ee ay leedahay Liin-dhanaantu.

1. ILAALINTA BAD-QABKA WADNAHA

Liin-dhanaantu waa isha ugu way ee laga helo Vitamin C ga, midhka yare e Liinta ah waxa ku jira 31mg oo Vitamin C ah oo u dhiganta kala badh inta uu jidhku u baahan yahay maalin walba (reference daily intake).

Diraasaado dhawr ahi waxa si cilimiyaysan u iftiimiyeen, in si guud cuntooyinka qaniga ku ah Vitamin C gu inay si la taaban karo (significantly) ay u yareeyaan khataraha wadne xanuunka iyo Faaligaba. Vitamin C oo kali ahi maaha, Liilka (Fiber) iyo dunta cadd ee ku jirta Liin-dhanaantu sidoo kale waxay yareeyaan halista loogu jiro wadne xanuunka noocyadiisa kala duwan.

Natiijada kama-danbaysta ah ee kasoo baxday mid ka mida diraasahan ayu kor ku xusnay waxa lagu sheegay “cunista 24g oo Liilka (Fiber) Liin-dhaanta ah maalin walba muddo hal bil ah waxay hoos u dhigtaa 15% subaga ku jira dhiiga (Total Cholestrol)”

2. YARAYNTA MIISAANKA (WEIGHT LOSS)

Liin- dhanaantu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha loo aqoonsanyahay inay yarayn karaan miisaanka badan ee halista ku ah bad-qabka jidhkeena. Diraasaadku waxay cadaynayaan isticmaalka tooska ah ee Liin-dhanaantu inaanu saamayn ku lahayn hoos u dhaca miisaanka, lakiin marka lagu qaso biyo diiran ay hoos u dhac la taaban karo (significant reduction) ku imanayo miisaanka jidhka.

Cilmi-baadhis heer-sare ah oo ay samaysay jaamacadda Mechigan – 18 Jiir oo la naaxiyay ayaa 9 ka mid ah la siiyay miir (casiir) Liin-dhanaan ah muddo 10 cisho ah, ugu danbayn miisaankoodu aad ayuu isku dhimay marka loo eego 9kii Jiir ee kale.

Subaxdii iyo habeenkii oo la cabo koob biyo diiran oo Liin-dhanaan leh, waxay yareeyaan 2kg oo culays ah muddo bil gudeheed ah.

3. ILAALINTA BAD-QABKA KALYAHA

Quruurux yar-yar ayaa ku samaysma Kalyaheena kadib marka ay ururaan ama adkoobaan macdanaha iyo qashinka ku dhex milan kaadida ay samaynayaan kalyuhu, gaar ahaan marka biyuhu ay ku yaraadaan kalyaha. 

Citric Acid oo ah maado kale oo ku jirta Liin-dhanaantu waxay ka hor-tagtaa inay dhagaxaan ku samaysmaan Kalyaha. Citric acid waxay kordhinaysaa xaddiga kaadida iyada oo kor u qaadaysa Acidnimada kaadida si loo abuuro xaalad aan saamaxayn ururka iyo adkoobidda macdanaha iyo qashinka milan.

4. KA HORTEGA DHIIG-YARAANTA 

Liin-dhanaanta waxa ku jira xogaa Birr ah (Iron) oo muhiim ah soo saaridda iyo samaynta unugyada dhiiga cas. Sidoo kale waxa ay xiidmaha ku carisaa in xoog loo nuugo macdanta Birrta ah ee ku jirta nooctada kala duwan ee dhirta (non-heme iron).


Waxa Curiyey:- Axmed-Yaasiin Ismaaciil Maxamed (Yasto)

Clinical Dietician




Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -