Komishanka Tacliinta Sare ee Somaliland.
SOMALILAND NATIONAL COMMISSION FOR HIGHER EDUCATION (SLNCHE)
1. Komishka Taclinta Sare ee Somaliland.
2.Shaqada u qabto NCHE
3. Qiimaynta Tayada tacliinta sare
4. Qodobada la qiimeeyo
5.Qiimayntii Jaamacadaha Somaliland
6.Maxay ku kala duwanyihiin Darajooyinka University, University college iyo College.
Komishanka Tacliinta Sare ee Soomaliland (NCHE) waxaa la aasaasay bishii Ogosto 2011.
Madaxweynihii 4-aad ee Somaliland Axmed M.M.M Silaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne ku Magacaabay Guddiga Tacliinta Sare ee JSL (Higher Education Commission) oo baahi weyn loo qabay Gudiddan oo aan hore u jirin.
Guddidaas oo ka koobanayd 11 xubnood oo ah Guddiga Guud (The Commission) iyo 4 xubnood oo ah Maamulka Fulinta (Executive Secretariat),
Ujeedada
Waxa la aasasay iyadoo la tixgalinayo: ahmiyada Tacliinta sare u leedahay dhismaha Qaranka.
1. Si ay u sameeyaan qodobbo wanaagsan oo loogu talagalay horumarinta tacliinta sare ee Somaliland.
2. Komishanku inuu hubiyo horumarinta xarumaha tacliinta sare ee Somaliland oo ah xarumaha heerka sare ee tacliinta oo daboolaya baahiyaha horumarineed ee Somaliland iyo tartanka caalamiga ah.
3. Hadafka NCHE waa in la horumariyo oo la xoojiyo barnaamijka tacliinta sare ee tayada leh kaas oo kor u qaadaya;
-Cilmi-baadhista, (promote research).
-Gudbinta aqoonta (knowledge transfer)
-Barashada nolosha dheer ( long time learning)
-iyo soo saarista shakhsiyaadka qayb ka ah hal-abuurka himilooyinka qaranka oo leh qiyam sare. ( individuals with innovative, hugh moral values).
4. Qiimaynta tayada tacliinta sare. ( Academic quality) waxa lagu eegayaa dhinacyo badan;
-Nidaamka xulashada ardayda jaamacada soo galaysa ( Admission system process)
-Manhajka waxbarasho ee jaamacahada ( university curriculum/ programs)
-Nidaamka xulista, qiimaynta iyo habka waxdhigista macalimiinta( lecturer selection procedure & learning enivonment)
-Maamulka guud ee jaamacadda ( Governance institutions and strategic plannjng)
-Cilmi badhista iyo adeega bulshada.( Research citations and Community service)
Qodobada aan xagga sare ku xusnay waa standard-ka loo sameeyo kala saraynta jaamacadaha adduunka waa indicators caalami ah oo lagu isticmaalo wadan kasta oo raba in uu ogaado tayadooda ama kala saraynta jaamacadaha qaarkodna lagala laabto ruqsadaha jaamacadnimo.
Qiimayn hadaad maqasho waa isla xisaabtan dhab ah oo check list leh.
Tusaale, Qiimaynta jaamacadaha dalka Somaliland waxa loo kala qaybiyey 3 qaybood
1. Jaamacadaha Dawliga ah ( Public universities) waxa u saraysay jaamacada CSI oo aan iyadu ku shaacin points ay keentay barteeda Facebook. 79%
2. Jaamacadaha private ka ah ( private universities) ee dalka laga aasaasey Edna Adan iyo Beder ku bahiyey warbaahinta qaybaheeda kala duwan sida Facebook iyo TV 84% point
3. Jaamacadaha private ka ah ee dalka dibadiisa laga aasaasay ee ay u saraysay New generation 87% point sida ay ku sheegtay warbixita ay soo dhigtay Facebook jaaamcadooda.
Laakiin waxa dadku is waydiinayaan Qiimayn ay ku filantahay in loo qiimeeyo Jaamacado Dawli ah (pulbic universities) iyo kuw Gaar loo leeyahay ( private unuversities), baa ay u sarifeen kuwa waddanka gudihiisa laga aas'aasay, kuwa dalka debeddiisa laga leeyahay.
Waxa xiiso gaar ah leh waa :-
In komishkan tacliinta sare ay jaamacadaha qaar hoos u dhigeen darajadooda jaamacadeed oo dadku aad u sugayaan isla markaana jecel in ay ka maqlaan komishka taclinta sare ee Somaliland inay ku dhawaaqdo jaamacaaha qatay darajooyinka kala ah University, University college iyo college.
Hadaba waa maxay Farqiga u dhaxeeya darajooyinkan University, university college iyo College.
1. University: waa goob leh kulliyado badan oo lagu dhigto heerka ugu sareeya waxbarashada
- Degree
-Master
- PHD
Sidoo kale waxa xooga la saara in jaamacada laga hubiyo inta Program ee ay bixiyaan waxana standard ah 11 kuliyadood in laga helo jaamacada.
2. University College: waa goob waxbarasho oo loo ogalyahay inay bixiso darajada kowaad (Degree) iyo Tababaro takhasus sare ah.
3. College: Waa goob waxbarasho oo loo ogalyahay inay bixiso heerka Diploma iyo undergraduate degree isagoo kashanaya Jaamacado kale.
Comments
Post a Comment